Toggaherer’s Weblog

SOCDAALKII BARAFKA NORWAY IYO MAGAALADA DRAMMEN SIDA LAGU AHAA

Posted on: February 11, 2009

SOCDAALKII BARAFKA NORWAY IYO MAGAALADA DRAMMEN SIDA LAGU AHAA


Waxaan banaysanayaa dariiqii aan mari lahaa guriga hortiisa

Drammen 10 feb 2009 Togaherer 

Saansaanka barafka Norway ayaa u eeg in u maalinba maalinta ka sii dambaysa uu ka sii badanaayo taas oo uu sii tuulmaayo maalinba maalinta ka dambaysa barafku.

Waxay ahayd ahayd shalay markii magaalda Drammen oo 30 km ka xigata Oslo dhinaca bari oo aan shalay booqasho gaaban ku tagay taas oo aan ku arkaayey in ay ka baraf badnayd magaalda Oslo xaga dhaxantana aad moodaysay in ay tahay -15 oo ah darajada ay biyo ku fadhiistaan hadi ay hal minit yaalaan dibada.

Ka dib markii uu baraf naga awday guriyihii uu nagu helay meeshaasi ayaa waxa ay noqotay in nin walba uu gurigisa ka samaysto dariiq yar oo uu maro taas oo guryaha qaarkoo day samayteen Tunnel ama meel god ah oo la hoos maro, waxaanay kaliftay in si wada jir ah la iskaga qaado inta majarafado la qaato.

Waxaad arkaysaa meelo guryo badan oo u qariyey barafku waxa kale oo aad arkaysaa gawaadhii aan la manaafacaadsanayn ilaa iyo inta u barafkasi dhalaalayo oo uu qariyey meel laga galona la waayey taas oo xanibta had iyo jeer isu socdaalak iyo tagitaanka shaqooyinka.

Drammen oo ah magaalo yar aya Somalida joogtana aanay aad u sii badnayn .
Mar aan waraysi la yeeshay mid ka mid ah dhaliyarad degan magaaldaasi ayaa Ahmed Guleed Xasan ayaa waxa uu ii sheegay in ay had iyo jeer barafku yahay sidan iyo si ka daran taas oo uu ii sheegay in magaaladani ay ka qabaw iyo baraf badan tahay magaalada Oslo, waxa kale oo uu ii raciyey in mudo hore magaalo uu deganan hiray ay tani u noqonayso meel wanaagsan marka la eego xaga barafka iyo xaga dhaxantaba, waxa kale oo isna waraysi gaaban aan la yeeshay nin la yidhaa Cali oo ii sheegay in uu degana mudo ah 10år taas oo uu igu yidhi intaa aanu deganaynba sidaa ayey ahayd waliba way jirtay waayo ay ka baraf iyo qabaw badnayd magaaldan Drammen ninkaas Cali iyo Ahmed ba waxaan kula kulamay meel Hudheel ah oo ay leeyihiin Somalidu taas oo ay magaalda walaba wiil i mar mariyeen meelo badana aya i tuseen ay ka mid ahayd bada Drammen .

Waxaan arkaayey intan Oslo ka soo socday ee aan u soo jeeday magaaldaasi Drammen in ilaa trains ay istagee magalda Oslo oo ay ka baxaan Traino badan oo mara dhulka hoostisa o lo yaqaan TBane in ay gabi ahaanba istaageen Line ska kala ah Line1 Line2,Line3 iyo Line4 oo gabi ahaanba dadku ay kaga degayeen Stationka la yidhaa Helsfyr taas oo ay ku kulmaan intaas oo line kuna kala leexdaan, waxaa dadka isku xidhaayey Buses kuwaas oo dhaqiiqi kari wayey baraf awgeed dadkiina ay ka wada habsaameen danahooday lahaayeen.

Mardhawayd mar aan eegay TV ga ugu afka dher Norway ee la yidhaa NRK1 ayaa waxa uu sheegay in -17Grade ay noqonayso caawa halka ay maanta ka ahayd -15Grade taas oo aanaad socon karin wax ka badan 1km oo aad ku dhawaanayso in dhagahu ku jabaan.

Abdi Wahab Maxamed Ibrahim
Drammen 
Norway


Mid ka mid ah dhalinta Drammen oo isna wado banaysnaaya

 
Waxaan kala dhex galay Tunnel la baneyey oo baraf ah

 
Guri uu gabi ahaanba qariyey barafkii oo isku dayaya in ay iska baneeyaan


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: