Toggaherer’s Weblog

SADEXDA XISBI QARAN OO UU GUDBIYAY KOMISHANKA MAGACYADA CIDA UGA QAYBGELAYSA TARTANKA

Posted on: February 11, 2009

SADEXDA XISBI QARAN OO UU GUDBIYAY KOMISHANKA MAGACYADA CIDA UGA QAYBGELAYSA TARTANKA 

Hargeysa 11 Feb 2009 ToggaHerer

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Xubno sarsare oo ka tirsan Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa ToggaHerer u xaqiijiyey in Sadexda Xisbi qaran soo gudbiyeen Xubnaha ama magacyada uga qayb gelaya Doorashooyinka Somaliland .

Xisbiga UCID IYO KULMIYE ayaa iyagu hore u gudbiyay maalmihii la soo dhaafay Halka maanta uu gudbiyay Xisbiga Talada Haya ee UDUB .
Xisbiga UCID ayaa waxa u sharaxan Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan.

Xisbiga KULMIYE waxa isna u sharaxan Muj Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Eng C/raxmaan Saylici .
Xisbiga Talada Haya ee UDUB M/weyne Daahir Rayaale Kaahin iyo M/weyne Ku/Xigeen Axmed Yusuf Yaasin.

Geesta Kale shalay ayuun bay ahayd markii la kala saxeexday kala shaandhaynta dadka Isdiiwaangeliyey iyada oo la sheegaya in ay qaadanyso inta bisha ka hadhsan kala shaandheynta dadka isdiiwaangeliyey

Se ilaa hadda ayaan la ogoyn in doorashadu qabsoomayso wakhtigii hore loo shaaciyey ee 29 March maadama oo aanu M/weyne Riyaale aanu Digreeto M/weyne Ku soo saarin Maalinta ay qabsoomayso doorashada ee 29 March , wakhtiga ka hadhsan 29 March ayaa ah mid aad u yar .

XAFIISKA WARQBADKA TOGGAHERER
HAREGYSA SOMALILAND


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: