CODKA DHALINYARADA G/LIBAAX WAXA ISKA LEH CIDDA WAAXDA WAX U QABATA DHALINYARADA WAAXDA GACAN LIBAAX
Posted February 11, 2009
on:CODKA DHALINYARADA G/LIBAAX WAXA ISKA LEH CIDDA WAAXDA WAX U QABATA DHALINYARADA WAAXDA GACAN LIBAAX
HARGEYSA 11 FEB 2009 TOGGAHERERKulan ay isugu yimaadeen qaybaha bulshada waaxda Gacanlibaax ee caasimada Hargeysa oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada waaxda oo ay maalgalisay Haayada GAVO, ayaa shalay lagu qabtay Shiraaqle Cafeteria ee magaalada Hargeysa.
Kulankan oo lagu faaqiday baahiyaha waaxda Gacanlibaax, waxa aad looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha waxbarashada ee waaxda gaar ahaana ta dugsiyada sare, iy waliba garoomada ciyaaraha oo aanay waaxdu haba yaraatee lahayn wax garoon ah.
Kulankan waxa la isla gartay in ay dhalinyarada waaxda oo kor u dhaafaya kumanaan ay codkooda siiyaan cidda waaxda wax u qabata.Waaxda Gacanlibaax waa waaxda ugu balaadhan waaxyaha Hargeysa, waxase ka jira gaabis badan iyada oo aad loo tabayo buuxinta baahiyaha adeega waaxda ee dhinaca bulshada sida caafimaadka, waxbarashada ciyaaraha iyo qaar kaleba.
Ugu dambayntii waxa kulanka lagu magacaabay guddi dhalinyaro ah oo ka shaqaysa awdida baahiyaha waaxda iyaga oo kaashanaya madaxda, salaadiinta, odayaasha, ganacsatada iyo dhamaan qaybaha bulshada Gacanlibaax. Guddiga la magacaabay waxa ay kala yihiin:
1.Xamse Maxamed Ismaaciil
2.Guuleed Aadan Axmed
3.Sayid Cali Cabdiraxmaan Axmed iyo
4.Siciid Maxamuud Gahayr.
Gudigani si dhakhso ah ayay ugu hawl gali doonaan fulinta hawsha degmada ee loo xil saaray, iyaga oo garaaci doona albaab kasta oo ay ku jirto danta waaxda Gacanlibaax insha Allah.
Waxa soo gudbiyay
Siciid Maxamuud Gahayr
0025224428604
saedmgahair@hotmail.com
Leave a Reply