Toggaherer’s Weblog

ABTIGAY CAWIL WAXAAN ODHAN LAHAA HAWSHIINA SIDAA AAD U MAROORSATEEN U WATA MUJ DARAWAL

Posted on: February 11, 2009

ABTIGAY CAWIL WAXAAN ODHAN LAHAA HAWSHIINA SIDAA AAD U MAROORSATEEN U WATA MUJ DARAWAL

“Abtigaay Cawil waxaan odhan lahaa inagu waynu is-naqaanaaye hadalada macaan iyo Cabdillaahi haloo yeedho iyo waxan ha ku meeraysane, hawshiinaa sidaa aad u maroorsateen u wata, annaguna sidii aanu qarankan iyo dadkan u badbaadin lahayn ayaanu falowgeed keenaynaa.” Sidaa waxa yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo ka jawaabayay hadalo ka soo yeedhay wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, kaas oo uu wasiir Cawil warbaahinta ku sheegay inay Cabdillaahi Darawal dib u soo ladqabaynayaan, isla markaana uu mar hore dhexdhexaadiyey Madaxweynihii hore ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Cabdillaahi Darawal iyo Rag uu ku jiro oo ka duday shirweynihii lagu aasaasay xisbiga UDUB sannadkii 2001.

Cabdillaahi Darawal oo xalay wargeyska Haatuf siiyey xog-waran gaar ah waxa kale oo uu hadalada wasiirka Maaliyadda ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin, isagoo sheegay inaanu Cawil xiligaa Aasaaska UDUB aanu waxba ka ahayn xisbiga iyo xukuumaddii Somaliland ee wakhtigaas midnaba, waxaanu Cabdillaahi Darawal hadalada Cawil ku macneeyay kuwo ay ujeedadiisu tahay in uu shaki ku kala dhex abuuro isaga (Darawal) iyo saaxiibadiisa ay isku mawqifka yihiin, isagoo Cabdillaahi Darawal xusay inaanay Cawil u suurto-galayn ujeedadiisa uu doonayo inuu ku soo maslaxdo isaga iyo saaxiibadiisa ay isku aragtida yihiin.

Waxa kale oo uu Cabdillaahi Darawal ka hadlay hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka ee ku saabsanaa wada-hadal lala galo dawladda Somalia ee Sheekh Shariif madax ka yahay, waxaanu hadaladaas ku tilmaamay kuwo ka soo horjeeda qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, isla markaana meel-ka-dhac ku ah Distoorka Somaliland.

Ugu horeyn Cabdillaahi Darawal oo ka jawaabaya hadalkii Cawil ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo hadal aan maanta (shalay) jaraa’idka ku arkay oo uu wasiirka Maaliyaddu kaga hadlayay xisbiga UDUB inuu noqday laba garab iyo kelmada aniga uu igu yidhi, waxaad moodaa Abtigay inuu noqday ninka ugu geesisan ee ugu indhaha adag raggii ka soo qayb-galay shir ku-sheegii ka dhacay Maansoor ee afduubka iyo guul-wadeynta ku saabsanaa. Horta hadalkaa uu yidhi waa waxba kama jiraan, waxaanan aaminsannahay in uu uga jeeday uun in uu nakala shakisiiyo aniga iyo saaxiibaday. Waayo, intii aanu dawladda ku wada jirnayba ismaanaan fahmi jirin, mise waa imika oo aanu dibadda kala joognaba, meesha uu iigu yeedhayana waa meeshii aan shalay iskaga tegay, runtiina xisbiga UDUB baan rajo ka qabay, kina maalintii dhaweyd ayuu dhintay. Aniga markasta waxa iga go’an in aan difaaco dimuqraadiyadda, berigaa hore ee Cawil leeyahay wuxuu ka dudday xisbiga way jirtay, waxaanan ka dudday yeedhin baa ka dhacday, taasina yeedhin keliya bay ahayd, yeedhintaasina xisbiga aasaaskii bay ahayd aniga iyo ina Warrancadde iyo nin Oomane la odhan jiray, waxaananu diidnay qaabkii markaas hawsha loo waday. Waxay ahayd in xisbiga dhexdiisa doorasho iyo tartan ka dhaco, adigu markii dambe waanu ka heshiinay Alle ha u naxariistee odaygiibaa joogay oo ahaa nin wax kala garanayey, laakiin tan maanta dhacday may ahayn yeedhin ee waxay ahayd waxaan lagaba sheekayn Karin, aniguna waxaan u arkaa in xuquuqdaydii uu dastuurku i siinaayey iyo sharciga xisbiguba lagu tuntay oo la ii xoog-sheegtay, aniga iyo cidii kale ee xisbiga ku jirtay ee damaca lahaaba iyo kooxdaydan aanu imika wada joognaba. Mida kale Cawil waxa aan u sheegayaa arrimahan imika xisbiga ka dhacay maaha hebel haloo yeedho iyo hebel hala soo maslaxo toona ku imanaysa, mana dhici karto igamana suurtowdo damiirkaga in meeshii aan shalay iskay uga tegay oo ku darsatay dee awal qadiyadda Somaliland ayaanay taataaban jirine haddase ka horyimi qadiyadii Somaliland, waxaana taas ka markhaati kacaysa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka ka soo yeedhay, hadaladaas oo aad moodo in isaga laftiisa aan si fiican loogu soo waramin, maadaama aanu ku jirin guddiyadii Djibouti shirka kula soo galay qolooyinkaa, qolodii ka timidna aanay si fiican ugu waramin baa ka muuqata. Ilaa iyo haddana ay ka aaminsan yihiin oo isagii uun tijaabinayaan oo leeyihiin waanu saxaynaa. Run ahaantiina arrinkaasi anigu waxaa u arkaa arrin khiyaamo qaran ah, waayo rabitaankii ummadda iyo qodob dastuuriya oo muhiim ah ayaa la jebiyay, waxaana iiga muuqata hadaladoodii ictiraafkan aynu raadinayno in ay iyaguba kuwa horjooga yihiin. Sababta oo ah markasta oo ay madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirkuba arrimahaasi ka hadlayaan waxay ku celcelinayeen ‘markay wax soo dhammaystaan ayaanu la hadli doonaa’. Markaa anigu Abtigay waxaan odhan lahaa inagu waynu is-naqaanaaye, hadalkan macaan iyo ha loo yeedho iyo waxan iska ilaawa oo hawshiina sidaa aad u maroorsateen u wata, anaguna sidii aanu dalka idiinka badbaadin lahayn ayaanu falowgeed keenaynaa.”

Mar la weydiiyay Cabdillaahi Darawal ilaa hadda halka ay ka joogaan mawqifkoodii hore iyo waxa uga meel yaal, waxa uu sheegay inay si dhakhso ah meelmaha soo socda ay shaaca uga qaadi doonaan go’aankooda kama dambaysta ah.

HAATUF

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: