Toggaherer’s Weblog

SADEXDDA XISBI QARAN IYO KOMISHANKA OO MAANTA KU HESHIIYAY SAXEEXAYNA HAWLGELINTA SERVERKA

Posted on: February 10, 2009

SADEXDDA XISBI QARAN IYO KOMISHANKA OO MAANTA KU HESHIIYAY SAXEEXAYNA HAWLGELINTA SERVERKA

 


Hargeysa 10 Feb 2009 ToggaHerer
Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan bilawga hawsha Servareka kala shaandhaynaya dadka iska diiwaan-geliyay.

Heshiiskan oo nuxurkiisu uu yahay in qof kasta oo is-diiwaan-geliyay Laba jeer iyo wax ka badan loo reebayo Hal Kaadh oo ka codaynta ah iyo Hal Kaadh oo Dhalashada ah, iyada oo habka kala saarida dadka loo marayo hubinta faraha iyo wajiga.

Munaasibada saxeexa heshiiskan oo ka dhacday Hoteel Impriel ee magaalada Hargeysa, kana soo qayb-galeen masuuliyiinta Axsaabta Qaranka iyo Akademiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland oo iyadu heshiiskan dhamaystirkiisa Qayb wayn ku lahayd ayaa ugu horayn Gudoomiyaha Komishanka Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden) hadal uu halkaa ka jeediyay waxa uu ku sheegay in hawlo baaxad lehi ay u yaalaan, hawsha heshiiskanina ay tahay mid qayb ka ah dhamaystirka diiwaan-gelinta dalka laga qabtay.

Mr. Jaamac waxa uu tilmaamay masuuliyada saaran Komishanka oo uu sheegay in ay ogyihiin masuuliyada ay hayaan, isagoo xisbiyadana ku waaniyay in ay gacan siiyaan komishanka, hawsha kala-saarida dadkii la diiwaan-geliyayna ay u soo doortaan dad khibrad leh oo la socda sida hawshu u socoto.
Gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isna halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in komishanku ay la yimaadeen go’aan-qaadasho iyo hogaamin adag, loogana baahan yahay in hawsha ay sidaa u wadaan, oo doorashooyinka ku qabtaan wakhtigii loogu talo-galay ee loo cayimay oo ku ah 29 March, talo kale oo dib loogu kordhiyaana aanay jirin, oo hadii ay timaado fawdo nabadgelyo daro ay ka dhalan karto.

Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID iyo Xoghaya Guud ee xisbiga UDUB ayaa iyaguna komishanka kula dardaarmay in doorashadu waqtigeedii ku qabsoonto, hawlaha u yaalana komishankuna ay dedejiyaan oo habeen iyo maalinba shaqeeyaan.

Heshiiska waxa u saxeexay Sadexda xisbi UCID Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID iyo Masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi Mudane Aden Mire Waqaf Xibiga UDUB Xog-hayaha guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasin Faarax,Xisbiga KULMIYE Gudoomiyaha Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 

XAFIISKA WARQABDKA TOGGAHERER
HARGEYSA SOMALILAND

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: