Toggaherer’s Weblog

WARSAXAAFADEED AY WADA JIR U QABTEEN MAANTA LABA XISBI EE MUCARADKA AH (UCID & KULMIYE)

Posted on: February 10, 2009

 

WARSAXAAFADEED AY WADA JIR U QABTEEN MAANTA LABA XISBI EE MUCARADKA AH (UCID & KULMIYE)

Hargaysa 09 Feb 2009 ToggaHerer

Labada xisbi ee mucaradka ah Ucidiyo Kulmiye ayaa canbareeyey hadalka ka soo yeedhay madaxweyne kugeenka Somaliland Ahmed Yusuf Yasiin ee ah in xukuumada Somaliland la janqaadi karto xukuumada cusub ee loo dhisay Somalia ee uu u hogaamiyo sheikh Shiriif Sh. Ahmed.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Abdi ayaa shir jaraadi øo uu ku qabtay xarunta xibiga e magaalda Hargaysa in 
ayaa kaga hadlay halagankii loo maray xurnimada Somaliland
waxaanuu sheegay in hadalka ka soo yeedhay madaxweyne ku xigenka Somaliland in uu yahay mid baal marsan masuuliyadii umadu igmaday iyo dastuurka Somaliland.

Waana mid nasiib daro ah hadalka ka soo yeedhay madaxweyne kuxigeenka iyadoo ay ognahay in kumanaan qofna ay ku naafooben kumaan kalena ay ku nafwaayeen, laba boqol oo sano wixii ay hanti umadu dhaqanaysayna loo huray dib ula soo noqoshada xoriyada Somaliland .

Muuse Biibix waxa uu ka tacsiyeeye umada Somaliland hadalka ka soo yeedhey Ahmed Yusuf Yasiin oo uu ku sheegay in uu isaga ku kooban yahay.

Geesta kale Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Xasan Xussen Codyare ayaa isaguna isaga oo u waramaayey warbaahinta sheegay hadalka ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka Somaliland in ay tahay khiyaamo qaran iyo u sabactumid midnimo Somali wayn, mana aha hadal ku haboon in uu ku hadlo nin masuuliyad qaran hayaa.

Afhayeenka Ucid waxa uu xukuumada ka dalbay in ay cadayso siyaasada arimaheeda dibada ee ku aadan arimaha Somalia iyo in ay xukuumadu cadayso sababta ay u fulin wayday balanqaadyadii faraha badnaa ee kala aha 

* Dhismaha sadex warshadood oo ay balan qaday in ay ka dhisayo duleedka magaalda Berbera.
* Derajada Ciidanka Qaranka 
* Aasaska Ciidamada Cirka oo madaxweynuku hore u balanqaaday 
*Sababta lacagta giinbaarka ay uga badali waydah gobolka Togdheer.

Mudane Xasan Xussen waxa kale oo u xukuumada u soo jeediyey in ay cadayso fashilaada kaga timid dalka jabuuti oo diiday in lagu galo dalkeeda pasaporka Somaliland

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: