Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SØMALILAND OO SHEEGAY IN UU MARTIQAAD KA HELAY DAWLADA YEMEN

Posted on: February 9, 2009

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SØMALILAND OO SHEEGAY IN UU MARTIQAAD KA HELAY DAWLADA YEMEN
Hargaysa 08 Feb 2009 ToggaHerer
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudne Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) uu sheegay in uu ka qayb gali doono shir caalami ah oo ka dhicidoona dalka Yeman kaas oo lagaga hadli doono arimaha aafeeyey xeebaha Soomaaliya taas oo ay budhcad badeed fara baas ku hayaan maraakiibta u kala gooshta aduunka .

Wasiirku Ciro waxa uu sheegay in isaga oo ah wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka ilaalaha xeebaha in ay ka qayb gali doonaan shirkaas la dagaalanka budhcad badeeda Soomaaliyeed .

Sida waxa uu warbaahinta ugu sheegay wasiirka arimaha guduhu mar uu maanta dhoof ugu sii jeeday dalkaasi yemen daqiiqado yar oo uu ku sii nasanayey qolka nasashada ee Hargaysa International Airport ee magaalda Hargaysa .

“ Waxaanu ugu baxaynaa dalka Yemen marti qaad aanu ka helnay wasaarada arimaha gudaha dalka Yemen waxaanaanu ka qayb galaynaa kulan balaadhan lagaga hadlaayo arimaha budhcad badeeda ee dhibaatada ba’an ku haysa xeebaha Somalia,shirarkan oo daba socda shir dhawaan lagu qabtay Kenya, waxaana ka qaybgalay agaasimaha guud ee Wasaarada Daakhliga, halka mid kale oo isna lagu qabtay Sri Lanka uu ka qaybgalay Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha, mid kale oo Jabuuti lagu qabtayna waxa ka qaybgalay Maareeyaha Dekeda Berbera, shirkan oo aan u malaynayo in shirarkaas lagu soo gunaanadayo ayaa lagu qabanayaa dalka Yaman”. kuwaasi waxay ahaayeen weedho ka mid ah wasiirka waraysigiisii uu maanta bixiyey .

Waxaa wasiirku uu ku nuux nuuxsaday in ay iyaga ka Somaliland ahaan ay diyaar u yihiin wax alla wixii lagaga hor tagi doono budhcad badeedaa baraysatay xeebahaha Somalia ee bada cas iyo badwayne Hindia kuwaas oo si arxan daro ah ula dhaqmaaya gaadiidka bada ee ku socdaala biyahaas taas oo ay had iyo jeer ku xidhaan madax furasho.

Maxamed Muse
Togaherer Hargaysa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: