Toggaherer’s Weblog

SHIR BALAADHAN OO UCID UK U DHIGTAY WAFTIGII GUDOOMIYA UCID FAYSAL ALI W.

Posted on: February 9, 2009

SHIR BALAADHAN OO UCID UK U DHIGTAY WAFTIGII GUDOOMIYA UCID FAYSAL ALI W.

London 08 Feb 2009 ToggaHerer

Shirkaas oo lagu soo dhawaynayay wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md Cabdirahmaan maxamed Cabdilahi (ciro)
Waxaa kale oo wefdigaas ka mid ahaa Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid Md Maxamed Rashiid Sheekh Xasan,

Xogahaya Arimaha Dibada Md Axmed Xuseen Fagfagaash, Xildhibaan Naasir Ali Shire. Shirkaas waxaa ka soo qayba galay dhamaan la’aamaha xisbiga Ucid Uk taageerayaasha xisbiga iyo jahaliyada Somaliland ee uk.Hadaba waxaa shirkaas lagaga hadalay arimo fara badan oo dhinacyo badan taabanay waxaa ugu horaya hadalo isugu jira xog waran mahada naqa iyo soo dhawayn soo jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga ucid Uk Md Ibrahaim Rashiid kadibna waxaa hadalkii la wareegay Xoghayah Arimaha Dibada 

Md Axmed Fagfagaash oo ka waramay marxalada dalku marayo guushii laga gaadhay Ololihii diiwaan gelinta oo uu ku sheegay in waxa weyn ay u soo kordhisay guud ahaan Somaliland gaar ahaan xisbiga ucid taas oo maanta uu xisbi kastaaba uu ku xisaabtamayo ayuu yidhi md fagfagaash waxa uu jahaliyada Somaliland ku buuriyaha waxa qabad iyo taageerada axsaabta gaar ahaan xisbuga Ucid af iyo adinba waa in aad ku taageertaan ayuu hadalkiisii ku soo gaabiyay

Waxaa isna hadal taabanaaya dhaliyarada soo jeediyay Khadar Fagfagaas oo ah xogahayah Arimaha Bulshada ee xisbiga Ucid xisbiga Ucid waa qurba joog waana xisbi dhalinyaro dhalin yaraduna waa xooga cusub ee mustaqalka ummmadda waa xisbi ay aqoontu hogaamiso si horumarka dalka loogo baraarugo ayuu yidhi

Xildhibaan Nasir Cali Shire Xoghayah Siyaasada ee xisbiga Ucid ayaa hadalkii la wareegay waxaanu ka hadalay laba arimooda oo uu ku timaamaya laba mucjiso waan
Soamaliland iyo xisbiga Ucid, labaduba waxay leeyihiin xidhiidh Somaliland waa mucjiso ilaahaya ku beeray geeska afrika oo ay dagaalo ka socdaan markii lagu dhawaaqay Somaliland kuwii ugu xigay ayaa ka soo horjeestay 
Magaca Ucid waxaa ku jira Erayga Daryeel oo ah in la daryeelo dadka u baahan daryeelka xisbigu waxaa uu kafaala qaaday in ay waxbarshada ka bixiyaan dadka la hayb sooco kuwa laga tirada badan yahay iyo agoomaha xisbigu waxa uu abuuray kooxo dhalin yaro ah iyo qayabaha cayaaraha xildhibaanku waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay duco

Gudoomiyaha Golaha wakiilada xildhibaan Abdiraxmaan CIRO ayaa hadalkii la wareegay waxaanu ka waramaya guulihii ay Somaliland gaadhay mudadii ay jirtay iyo doorashooyinkii la qabtay iyo tan hada la sugayo in aya qabsoonta haddii ilaahay idmo waxa uu ka waramaya hawalaha u qabsoomaya golaha wakiilada oo kala ahaa xeerka garsoorka xeerka caruurta xeerka xoolaha xeerka maal gashiga xeer hoosaadka golaha wakiiladaxeerka dhulka iyo xeerka diiwaan gelinta

Waxaa hadalkii hada uu soo gaadhay Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid ahna musharaha jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga ucid Md Maxamed Rashid sheekh Xasan 
Waxaanu ka hadal Gudoomiyuhu faraq u dhaxeeya qabiilka iyo dawladanimada waxaanu sheegay in dawladnimadu ay tahay mida wadi karta mujtamacyada dunida qabilkun waa astaan laysku garto waxaa uu sheegay in aqoonyahanku aanay dibada ka joogin maamulka ee ay ka qayb qaataan haddii aad kaalintaada gabto ayaa waxa qabad laga sugayaa ayuu yidhi Gudoomiye Dr Maxamed Rashiid anagu waxaanu la hadala qofka damiirkiisa foodkaaga ka fiirso halka aad ku ridayso gudoomiyuhu waxaa uu aad uqaadaa dhigay taariikhda ay adduunyadu soo martay dhibaatooyinka soo food saaray iyo sida lagaga bixi karo ayuu hadalkii kaga baxay .

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysl Cali Waraabe ayaa gunaanadkii shirka hadal qiimo leh ka soo jeediyay waxaanu ka waramay waxa qabadkii xisbiga guulihii diiwaan gelinta iyo mustaqbalka waxyaabaha uu xisbigu u balan qaadayo iyo isbedlka ay damacsan yihiin xisbiga ucid haddii shacabka Soamliland ayna doortaan waxaanu yidhi waxaanu balan qaadaynaa in aanu kobcino dhaqaalaha dalka,dekadaha iyo khayraadka badd oo aanu waxa ka qabno,horumrinta xoolaha iyo degaanada miyiga shidaalka .

beeraha sida degaanka Oodweyne,Gabiilaye,beer,iyo awdal oo kor loo qaado waxa soo saarkooda waxaanu xooga saaraynaa caafimaadka iyo waxbarshada,waxaanu abuuryanaa shaqo iyo xerfado ay dadku ku shaqaystaan waxaanu abuuraynaa in dhaliyarada ay ka qab qaataan
siyaasada sidoo kale haweenka dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la hayb sooco ayaanu ka qayb gelinayaa siyasada iyo maamulka waxaanu dagaal la gelaynaa musuqmaasuqa hadheeyay dalkeenii waxaa uu hadalkii sii ku soo gunaanaday waxaanu soo dhawaynaynaa dalalka aanu deriska nahay iyo kuwa aanu danaha gaarka ah wadaagno

Mataan M.Omar
Ucid medai. 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: