Toggaherer’s Weblog

QAAB DHISMEEDKA ISBAHAYSIGA XISBUL ISLAAM SE INDHACADE MA KU QANACSAN YAHAY QAABKAN WAX LOO DHISAY

Posted on: February 9, 2009

QAAB DHISMEEDKA ISBAHAYSIGA XISBUL ISLAAM SE INDHACADE MA KU QANACSAN YAHAY QAABKAN WAX LOO DHISAY

Moqadisho 09 Feb 2009 ToggaHerer
Qaab dhismeedka Isbaheysi ay ku mideysan yihiin afar Urur oo kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ka mid ah kuwaas oo dhawaan shir uga socday Gobolada Jubbooyinka kadib ku shaaciyay Magaca Isbaheysiga.

Sida ay ku waramayaan warar laga helayo Gudaha dalka Soomaaliya qaarkodna dadka si aad ah isula dhex marayaan wararkaas ayaa sheegaya in dhismaha Isbaheysigan uu abaabul xoog leh u galay nin ka tirsanaan jiray Ururkii Al Itaxaad ee 1996 dii awoodo badan ku lahaa soomaaliya balse markii dambe uu burburay, mas’uulkaas oo lagu magacabo Sheekh C/llaahi C/llaahi Cali Xaashi.

Haddaba Sida ilaa iyo hadda la haayo qaabka Isbaheysigan u dhisan yahay waa qaabkan.

Cumar Iimaan Abuubakar (Baadi-Cadde) Gudoomiye

Xasan Turki (Ogaadeen) Gudomiye-ku-Xigeen koowaad

Max’ed Mire (Majeerteen)Gud-ku-Xigeenka labaad

C/lahi Khadaab (Reer Aw-Xasan) Xoghayaha Guud

Xasan-Mahdi (Reer Aw-Xasan) Afhayeen

C/qadir-Kumaandos(Ujuuraan) Xoghayaha Gaashandhiga

C/samad C/lahi (Gaadsan,Dir) Kuxigenka Gashandhiga

C/lahi Axmed Cumar (Gaal-Jecel)Xoghayaha Saadka.

Liiskan ku qoran Qaab dhismeedka Isbaheysigan kuma jiro Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo isagu ka mid ahaa Madaxdii ka qeybgashay shirkii dhawaan ka dhacay Jubbooyinka kaas oo dhismaha Isbaheysigan lagu shaaciyay.

Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayan in Mr Indha Cadde uusan ku qanacsanayn qaab dhismeedka Isbaheysiga sidaas darteedna waxyaabaha dib loogu dhigay in la shaaciyo xubnaha Isbaheysiga ay sidaas tahay.

Sida ay sheegayan waxaa socda kulamo hoose oo lagu raadiyo sidii loo qancin lahaa Indha Cadde oo haddii uusan Isbaheysigan ku biirin ay sababi karto in guud ahaan dhismaha Isbaheysigan uu noqdo hal Bacaad lagu lisay maadama Indha Cadde uu yahay hogaamiye awood badan ku leh qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Nuuradiin Macalin (Diinow)

Leave a comment

February 2009
S S M T W T F
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28