Toggaherer’s Weblog

MUDAAHARAAD LAGAGA HORTAGAY RIYAALE OO KA DHACAY ABDAAL

Posted on: February 9, 2009

 

MUDAAHARAAD LAGAGA HORTAGAY RIYAALE OO KA DHACAY ABDAAL

Berbera 08 Feb 2009 ToggaHerer
Madaxweyne Riyaale ayaa maanta ka amaba maxay magaalada Haragaysa isaga oo u sii jeeda magaalda Berbera taas oo ujeeda socdaalkii sa lagu sheegay furitaankii Maxjarka shirkada Al-Jabiri ay ka dhisaysay magaaladaasi Barbara . 

Hadaba intii aanuu gaadhin madaxeyne Riyaale magaalada Berbera waxa mudaaharaad ku qabilay dadwaynaha ku nool magaalada sheikh Abdaal oo ku taala jidka isku xidha magaalda Hargaysa iyo Berbera mudaaharaadkaasi oo lagu diidanaa madaxweynaha iyo waftigiisa .

Ciidamada Police ka ayaa la sheegay in ay qabqabteen oo ay xidh xidheen qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi Sheikh Abdaal , mar uu war bahinta u waramayey mid ka mid ah dadweynihii meeshaad ku dhaqnaa goobjoogna ahaa markii muaaharaadku dhacaayey aya waxa oo uu sheegay in 

“ waxaa saaka ka dhacay meeshan ama magaaladan Abdaal mudaharaadkan oo ay sabab u ahay madaxweynaha oo meesha soo maray oo dhalinayro iyo dumar oo ay shoobareeyeen oo ay yidhaahdeen Kulmiye ayaanu nahay markiii dambe ee akhirkii siday sacabada u tumayen ayaa loo soo diray Police xaga Berbera ka soo baxay galabta “

Waxa oo uu goobjoogahaasi sheegay in dhalinyarada iyo dumarkaa sabab looga dhigay xadhigooda iyaga oo lagu dacweeyey oo la yidhi rabshado ayey gaysteen waxa kale oo uu sheegay in dadkaa la xidh xidhay ay yidhaahdeen Police ku aflagaadooyin ayaad gaysateen , waxa kale oo uuu sheegay kontomeeye dad in ay ahaayeen dadkii meesha ku soo dhawaynayey madaxweynaha dadkaas oo kuli ku wada ahaa mucaarad madaxweyne Riyaale oo haba yaraatee aanay ku jiray wax ama cid soo dhawaynaysa isaga iyo waftigiisaas dadkaas oo ku dhawaaqeyey waxa ay aaaminsanaayeen oo ah Kulmiyaanu tageeraynaa .

Waxa iyana ka mid ahaa waftiga masuuliyiinu dhalatay ama ka mid ah gobolka Saxil taas oo uu ka mid aha Cali Xoor Xoor iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil kuwaas oo haba yarateen aanay u suurta galin in ay dadka dejiyaan oo lagu daray iyaga laftooda waftiigii ka yimid magaalda Hargaysa.

Yaxye Xasan Fure 
Togaherer Berbera

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: