Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNAHA SOMALIA SHEEKH SHIRIIF OO GUDOOMIYEY SHIR AMAANKA LOOGA HADLAAYEY

Posted on: February 9, 2009

 

MADAXWEYNAHA SOMALIA SHEEKH SHIRIIF OO GUDOOMIYEY SHIR AMAANKA LOOGA HADLAAYEY

Moqdisho 08 Feb 2009 ToggaHerer

Madaxweynaha ayaa kulamo ammaanka looga hadlayay maanta la qaatay gudiga dhex dhexaadinta culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.

Kulankani uu madaxweyne shariif la qaatay gudiga musaalixada iyo odayaasha ayaa waxaan uu ahaa mid looga wada hadlayay sidii magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya nabadiisa looga shaqeeyn lahaa iyo sidoo kale wadatashiyo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaare ay yeelato dowladiisa oo laga sugayo in uu soo magacaabo madaxweynaha.

Kulankani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay balan qaad uu madaxaweynaha sheegay marka uu soo gaarayay magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay in uu kulamo la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Gudigani u istaagay musaalixada xoogaga muqaawamada ayaa waxaa hor kacdayay gudoomiyahooda sheikh Bashiir Max’ed Salaad iyo weliba afhayeenka gudigaasi sheikh Nuur Baaruud Gurxan,halka odayaasha dhaqanka ay hor kacayeen afhayeenka golahaasi Axmed Diiriye Cali iyo afhayeenka dhanka siyaasada Cabdullaahi Dheere,waxana uu ku soo dhamaday jawi wanaagsan iyadoo la isla afgatyay dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: