Toggaherer’s Weblog

KULAN ISCAFIN AH OO DHEX MARAY QAYBIHII KU DAGAALAMAY MUQDISHO

Posted on: February 9, 2009

KULAN ISCAFIN AH OO DHEX MARAY QAYBIHII KU DAGAALAMAY MUQDISHO

Muqdisho 09 Feb 2009 ToggaHerer
Kulan si weyn loo soo agaasimay, isla markaana ahaa mid ay isku marxabeynayeen ayna isku cafinayeen Dhinacyadii horey Muqdisho ugu dagaalamay sida Maxkamadihii Islaamka iyo Saraakiishii iyo Ciidamadii Dowladdii TFG-da ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen qeyb galeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii Dowladdii TFG-da Axmed Cabdisalaan, Wasiirkii Gaashaandhiga C/lla Boos, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdi Qeybdiid, Taliyaha Ciidamada Milateriga Gen. Saciid Dheere, Hogaanka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Afhayeenka dhinaca Howl galada C/raxiin Ciise Caddow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in la iska cafiyo dhibaatadii kala gaadhay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii la qaatay Kitaabka Alle aysan jirin wax ay dadka ku kala maqnaan karaan oo cadaawad sii kala dhex gelinaya.

Waxaa uu sheegay in ay wax wanaagsan tahay in laga wada shaqeeyo sidii ammaanka loo sugi lahaa, isla markaana loo soo celin lahaa sharcigii iyo kala dambeyntii, wuxuuna ugu baaqay dadka ka maqan dadaallada xalka loogu raadinayo dalka Soomaaliya in ay ku soo biiraan.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in ay iska iloobeen waxyaabihii dhexmaray iyaga iyo dowladda KMG ah isagoona farta ku fiiqay in loo hogaansamo dhanka nabada.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Milateriga Gen. Saciid Dheere oo isna u hadlay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Alla loo dhawaado wixii dhexmaray labada dhinacna la iska iloobo, waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in loo wada noqodo ku dhaqanka shareecada islaamka, isagoona carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in la taageero dowladda midnimada qaran ee Soomaaliya loo soo dhisay.

Gen. Saciid Dheere ayaa waxa uu kaloo sheegay in qaran-jabkii Soomaaliya ku dhacay kadib dhowr jeer la isku dayay in la soo celiyo dowladnimadii Soomaaliya, hayeeshee taas lagu guuleysan waayay, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya oo Afrika ugu horeyn jirtay ay haatan dalalka Afrika ka faanaan, qaxootiga Soomaaliyeedna uu meel kasta daadsan yahay, taasina ay sharaf dhac u tahay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Sheekh C/qaadir Cali Cumar Hogaanka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamka, Taliyayaasha Booliska iyo Milateriga iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii Xukuumada TFG-da Axmed Cabdisalaan.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in maanta waxa ay Dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin ay tahay Nabad, Dowladnimo, Midnimo, Cadaalad iyo in Shareecada Islaamka oo lagu xukumo dalka, waxaana uu ugu baaqay kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa in ay banaanka soo dhigaan waxyaabaha ay tabanayaan.

“Ciddii wax tabaneysa waxaa diyaar ula nahay in aan la hadalno, waxaana leenahay ku soo dhawaada nabad…. ku soo dhawaada nabad…ku soo dhawaada nabad”ayuu yidhi Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo seddex jeer ugu celiyay in ay nabad ku soo dhawaadaan dadka ka soo horjeeda dowladdiisa.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale soo hadal qaaday sida loogu baahan yahay in nabaddii la soo celiyo, wuxuuna farta ku fiiqay in taasi lagu gaadhi karo in si deg deg ah loo sameeyo Ciidamo anshax leh oo aan dadka dileynin, hantidoodana dhaceynin. Sidoo kalena waxaa uu ka hadlay madaxweynaha arrimaha bani’aadannimada wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay dadaal ugu jirto sidii guryahooda loogu soo celin lahaa dad badan oo ka barakacay magaalada Muqdisho intii ay socdeen dagaalladii u dhaxeeyay Ciidamadii Ethiopia iyo Xoogaggii ka soo horjeeday.

Intaas kadib ayay dhinacyadaas mar qura gacanta is wada geliyeen oo ay u muujiyeen shacabka sida ay isku cafinayeen boogtii ku oolneyd iska direen, waxaana la arkayay Madaxweyne Shariif iyo dhinacyada kale ee labada dhinac oo gacmaha sare u taagaya.

Kulanka is cafinta ee maanta dhex maray dhinacyadii horay ugu dagaalamay Siyaasada ayaa waxaa uu u muqdaa mid soo afmeeraya dhibaatooyinkii dalka ragaadiyay, waxaana dadaalada nabdoon ee soconaya uu yahay mid umada soomaaliyed ay hididiilo gelinayaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: