Toggaherer’s Weblog

” DABACAN SOMALI KALA MAARMI MAYSO …..” MADAXWEYNE KUXIGENKA S/L AHMED YUSUF YASIN

Posted on: February 9, 2009

” DABACAN SOMALI KALA MAARMI MAYSO …..” MADAXWEYNE KUXIGENKA S/L AHMED YUSUF YASIN

Hargaysa 08 Feb 2009 ToggaHerer
Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Axmed Yusuf Yasiin ayaa maanta sheegay in xukuumada talada dalka haysa ay la jaan qadi karto maamulka cusub ee Somalia Sheekh Shiriif Sheekh Ahmed ee dhawaan loo dooratay isag oo sheegayin aanay Somali meelna aanay kala tagayn isaga oo arintaas ka hadlay waxa uu yidhi

“ Waxaan rajaynayaa in ay Somaliland oo aan filayaa in aynu la jaanqaadi karno maamulka cusub ee koonfur qabsaday taasi waa dhaliilo cusuboo da’dii sigistigii , da’adii 1960 gii leexisayba halkan ayey ku taalaa waayo da’adii 60 gii waa da’a ciil qabta oo sheekooyin badani soo kala dhex mareen , waxan filayaa Shiriifku in arinka Somaliland iyo Somaaliya si fiican u kala guri doono”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu tiraabay sidatan 

“ Dabcan Somali kala maarmi mayso oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysa ma jirto oo sidaa Yurub ayaa la noqon doonaa , lakiin horta qolo waliba in ay dib isu soo dhisto oo dib u muuqato horta bal aan kuu sheegee nin Hargaysa laga celin mayo nina Xamar laga celin mayo oo xad baa la xidhayaa iyo ciidan ayaa la gaynayaa waa waxa dadka lagu fogaynaayo dadkuna waa dadkii uun “

Hadalkan Ahmed Yuusuf Yaasiin oo uu ka jeediyey qado xukuumadu ay u samaysay xubno Qurba jooga Somaliland oo ka so qayb galay shirki Udub ee garabka Madaxweyne Riyaale ee dhawaan la soo gabagabeeyey waxa uu ka hor imanaya gooni isu taga Somaliland waxaanuu muhmal galinayaa jiritaanka Somaliland iyo xaqa ay u leeyihiin madaxbanaanideeda .

Isaga oo ahdalkiisa ku sheegay in Somali aanay kala maarmayn maruuna isu iman doonto , waxaanuu hadalka Madaxweyne ku xigeenku si cad daboolka uga qadayaa in ay jiraan xeelado qarsoon oo ay hogaanka dawladu hoosta ku haystao kuna tala gashay in ay fuliyaan marka ay ku guulaystaan doorasha madaxtooyada.

Maxamed  Muuse 
Togaherer Hargaysa 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: