Toggaherer’s Weblog

33 XILDHIBAAN OO MOOSHIN KU SAABSAN IN DOORASHADU QABSOONTO XILIGEEDI HORDHIGAY GOLAHA WAKIILADA

Posted on: February 9, 2009

33 XILDHIBAAN OO MOOSHIN KU SAABSAN IN DOORASHADU QABSOONTO XILIGEEDI HORDHIGAY GOLAHA WAKIILADA

Hargeysa 09 Feb 2009 ToggaHerer
33 Mudane oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta fadhigii Golaha Wakiilada soo hordhigay Mooshin ku saabsan inay doorashadu ku qabsoonto wakhtigii loogu talo galay ee 29 March.

Mooshinkan oo saaka la hor keenay Golaha waxaa loo akhriyey Mudanayaashii ka soo xaadiray fadhiga maanta kuwaaso uu Shirgudoonku mid mid u xaadiriyay ka dibna waxaa loo gudbiyay Mooshinkaasi Lataliyaha Sharciga ee Golaha Wakiilada si uu uga soo talo bixiyo inuu waaqafsan yahay nidaamka isla markaa looga doodo.

Mooshinkan oo ka koobnaa shan qodob waxaana Golaha ka hor akhriyay Xil. Bashiir Sheekh xuseen Tukaale Waxaanu u dhignaa Qoraalku Sidan:-

Uj: Mooshin ku saabsan qabsoomida doorashada waqtigeedii loogu talo galay ee 29 march 2009

Gudoomiye,

Waxaynu ogsoonahay qiimaha doorashadu qaranka Somaliland u leedahay iyadoo wakhtigeedii hore ee ay qabsoomi lahayd la dayacay, iyadoo eeda dib u dhacii horena ay xukuumadu iska lahayd.

Gudoomiye, waxaanu ka digaynaa dib u dhac labaad oo ku yimaada doorashada, taas oo dhaxalsiin kara dalka bur bur iyo khasaare aan laga soo kaban Karin.

Gudoomiye, iyadoo aynu aragney mudada kooban ee ka hadhay waqtigii la cayimay ee 29 march 2009, waxaanu aragnaa in aanu dhaqdhaqaaqii loo baahnaa aanu jirin.

Gudoomiye, markaanu qiimeynay xaaladahan iyo kuwo kale waxaanu soo jeedinaynaa qoddobada hoos ku xusan:-

1. In doorashada Madaxtooyada waqtigeedu ku qabsoonto, iyadoo cid kasta qabsanayso waajibaadkii ay ku lahayd.
2. In dhamaan hay’addaha samafalka iyo xukuumada gacan ka geystaan dar-dargelinta hawshii doorashada.
3. Waxaanu ka digaynaa, digniin adag dib u dhac doorashada ku yimaada, iyadoo dalka u horseedi karta dawlad la’aan iyo burbur baahsan
4. Waa in Madaxweynuhu soo saaraa digreetadii doorashada sida ku cad Xeer Lr.20 qodobkiisa 8aad, si ay ummaddu u xaqiiqsato qabsoomida Doorashada.
5. Waa in Koomishanka Doorashooyinka Qaranku si degdega ah u soo gudbiyaan miisaaniyadii doorashada, sida uu dhigayo qodobka 15aad Xarafkiisa (A) ee Xeer Lr.20

Magacyada xildhibaana Mooshinka Horkeenay Aqalka Wakiilada :

1. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale 
2. Abokor Cabdiraxmaan Good
3. Cali Xasan Maxamed 
4. Cumar Axmed Saleebaan 
5. Cabdirxmaan Yuusuf Cartan 
6. Ibraahim Jaamac Rayte
7. Axmed Maxamed Diiriye Nacnac
8. Ibraahim Mahdi Buubaa.
9. Saleebaan Cawad Cali 
10. Prof Maxamed Cumar Jiir 
11. Axmed Ducaale Bulaale 
12. Maxamed Haji Yuusuf Axmed 
13. Maxamed Nuur Caraale Duur
14. Siciid Cilmi Rooble 
15. Mahdi Xuseen Cadar
16. Maxamed Jaamac Cali 
17. Farxaan Maxamed Cali 
18. Aadan Tarabi Oogle 
19. Ibraahim Maxamed Xuseen Dhaareere
20. Mahdi Cabdilaahi Maxamed 
21. Xuseen Cige. 
22. Ibraahim Axmed Haybe 
23. Axmed Cabdi Siciid 
24. Maxamed Cali Jibriil 
25. Cabdiraxmaan Maxamed TaLyanle 
26. Xaashi Xuseen 
27. Ahmed Yuusuf Axmed 
28. Axmed Kijaandhe 
29. Maxamed Faarax Qabile 
30. Jaamac Xasan Aadan 
31. Siciid Maxamed Cilmi 
32. Cabdiqaadir Askar Xasan 
33. Maxamed Cismaan Bulqaas. 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: