Toggaherer’s Weblog

XUKUUMADA SOMALILAND OO XABSIGA KA SII DAYSAY 2 DII NIN EE GANTALAHA LAGU QABTAY MAGALADA HARGAYSA

Posted on: February 8, 2009

 

XUKUUMADA SOMALILAND OO XABSIGA KA SII DAYSAY 2 DII NIN EE GANTALAHA LAGU QABTAY MAGALADA HARGAYSA

Hargaysa 08 Feb 2009 ToggaHerer

Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga ka sii daysay Labadii Nin ee Gantaalaha keenay Hargaysa iyo

Gantaalkii Tobnaad oo ay qaateen Sirdoonka Itoobiya

Xukuumada Somaliland ayaa la sheegayaa in ay Xabsiga ka sii daysay labadii Nin ee ay Ciidamadda Boolisku dhawaan ku qabteen iyaga oo Magaalada Hargeysa si tuugo ah ku soo galiyay Toban Gantaal oo ah kuwa Lidka Diyaaradaha ah, waxaana warku intaa ku daryaa inay Ciidamadda Sirdoonka ee Itoobiya Qorigii Tobnaad ee ay Ciidamada Sirdoonka Somaliland gacanta ku hayeen ay la wareegeen.

Sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ahi Labada Nin ee la sii daayay oo la kala yidhaahdo Cartan Cabdi Ibraahim iyo Sulub ayaa Dabayaaqadii Todobaadkii ina dhaafay lagu sii daayay amar ka soo baxay Madaxda Sar sare ee Dalka, ka dib markii Dawlada Itoobiya ku adkaysatay lahaanshaha Qoryaha Gantaalaha ah isla markaana ay codsadeen in Xoriyadoodii loo Celiyo, Nimanka lagu qabtay gantaalaha oo ay wada shaqeeyaan awgeed.

Xukumada Somaliland iyo Madaxda Itoobiya ayaa la sheegay, wada hadalo toos ah inay arrintan furdaaminteeda ka yeesheen, waxaana laysla qaatay in labada Nin la sii daayo, Gantaal Xukuumada Somaliland gacanteeda ku jirayna lagu wareejiyo Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee Hargeysa jooga.

Cartan Cabdi Ibraahim oo la sheegay inuu ahaa Ganacsadaha Dilaalka ka ahaa Qoryahan oo ka soo Iibiyay Magaalada Dhuuso Mareeb, ahna Dilaal wayn oo Qandaraasle ah ayaa markii Khamiistii Todobaadkii hore laga sii daayay halka uu ku xidhnaa oo ahayd Xarunta Ciidanka Sirdoonka Somaliland , la sheegay inuu si toosa uga dhoofay Madaarka Hargeysa isaga oo imika ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ilaa hada Xukumada Somaliland wax war ah kamay soo saarin sii daynta labadaa Nin iyo waxa ay ka yeeshay Toban kan Gantaal ee Sida wada jirka ah u qabteen labada Ciidan Sirdoon ee Itoobiya iyo Somaliland, inkasta oo uu Wasiirka arrimaha Gudahua Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali Ciro dhawaan sheegay inay hubkaasi gacanta ku hayaan, labada Nin ee lagu qabtayna Maxakamada ay soo taagi doonaan.

C/laahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa qabashada Gantaalahan ka sheegay Idaacadaha, isagoon Warbaahinta marna u soo bandhigin Cadaymo muujinaya qabashada Hubkaasi, Qabashada hubkan ayaa waxa ka dhalatay eedayn iyo is difaacid ku Dhex martay Xukumada Somaliland iyo Masuuliyiin ka soo jeeda Deegaanka Dhuuso mareeb oo hubka laga keenay.

Waheen

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: