Toggaherer’s Weblog

WAXAA MAANTA HUTEEL XARAF EE MAGAALDA HARGAYSA SHIR JARAAID KU QABTAY MUDANE DARAWAL.

Posted on: February 8, 2009

WAXAA MAANTA HUTEEL XARAF EE MAGAALDA HARGAYSA SHIR JARAAID KU QABTAY MUDANE DARAWAL.

Hargaysa 07 Feb 2009 ToggaHerer

Garabka dimuquraadiyad doonta xisbiga Udub ayaa maanta shir jaraaid ku qabta huteel Xaraf ayaa wax ay ku sheegeen in aanay ka tanaasulayn mawqifkoodii ahaa in ay u sharaxan yihiin jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Udub. 

Cabdilaahi Xussen Iimaan Darawal wasiirkii ugu cimriga dheeraa Somaliland oo qabtay shirkaa jaraaid isaga oo ay garabkiisa fadhiyaan wasiiirkii muujinjiray daacadnimada iyo u hogaansanaanta awaamiirta Madaxweyne Riyaale daacadnimo darteedna u fulin jiray in shacab mudaaharaadaya uu dil la beegsado waa wasiirkii hore ee arimaha gudaha mudane Ismaaciil yare iyo xubno ka tirsan golaha wakiilada oo ka soo baxay xisbiga Udub ayaa waxa uu sheegay darawal in ay dhawaan furayaa xarun cusub oo ay ku qabsan doonaan hawlmaalmeedkooda oo aanay marnaba ka tanaasulayn xaqooda ay xisbiga dhexdiisa kaga tar tamayaan waxaanuu yidhi

“iyadå oo ay hawshayadu sidii ay tahay arinkan meesha ka dhacay ee ay garabka dawladu ee Udub ay sameeyeena aanu mawqifkayadii ka taganahay oo aanaanu u arkay wax sharciya ama wax nadaam ah iyo wax dadnimoba ay ku jirto aanaany u arkayn dadka meesha ka qayb galayna aanu u aragno baaqigii dadkii hanuunaha ka qaylin jiray ee durbaanada iyo qaylada Expert u ahayd, waxa kale oo iyana layaab leh waxa meesha ka dhacay oo runtii aad moodo waxan hore loo arag oo runtii hadaan dhakhso wax looga qaban ama aan halka lagaga hor tagin in oo aan halkaa lagu joojin keeni karta cawaaqib xumo mustaqbalka oo wax alla wixii lagu soo tacbayey baabiin karta waxaana ka mid ahaa Xisbiga Udub xeerbuu lahaa waad ogaydeen oo doorkii hore xisbiga udub waxaa shir ugu dambeeyey shirkii lagu soo aasæsay xisbiga oo aha 2001 june ilaa 2 july taas waxaa ka dambeeyey oo shir ah oo la qabtay ma jirto taasna waxaa lagu doortay madaxweynihii geeriyooday iyo Daahir Riyaale oo kuxigen ahaa, shirwaynahana waxaa lagu doortaa hogaanka ururka ilaa maalintaana hoogaan muu lahayn xisbigu iyaguna waxa ay lahaayeen waanu dhaxalay uun mid kaliya oo sharci lagu doortay ma jirto isaga iyo madaxweyne ku xigeenka sababta ay u seexinayeena una ragaadiyeen xisbigu waxa ay tahay in ay khiyaamooyinka iminka dhacay ay soo wateen ”

Cabdilaahi Xussen Iiman darawal waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay ku cibro qaataan talaabada uu ku badalay Mudane Riyaale xeerka iyo dastuurka xisbiga udub, waana talaabo muujinaysa kaligii talisnimada iyo maruuursiga talada dalka ee uu ku kaco had iyo goor madaxweyne Riyaale , waxaanuu yidhi waxaa loo bahan yahay in la badbaadiyo xisbiga Udub iyo dhamaan dalka Somaliland waxaana hadaladiisii ka mid ahaa 

” Waxaa iyana ka mid ahayd shirkaa maanta ay qabteen oo ay ugu yeedheen dadkii u shaqaynayey dawlada oo meelaha qaarkood aanu hubno xita waashmaanadii xafiisyada in la keenay dad aan waxbaba kaba ogayn arinka oo waxbana aan akhriyin waxba aan qorin oo tuuloøyinka laga soo urusaday iyo dad wax garanaaya waxa ahaayeen in oo dana hooda ama mansab yar oo ay ka hayaan dawlada ku ilaashanaayey , ama dan uu wax kaga doonayo oo gaar aahaaneed ku ilaashanayey waxaan u malaynayaa in ay dadku dawadeen inta aan dawana waxaan kula talinayaa in ay daawadaan markaa ayey qanciye wax doood ah oo la galay ma jirto wax tar tan ah oo la galay ma jirto sharcigii xisbigu lahaa in lagu maamulo Destbinka ayaa lagu tuuray , sharci kale oo shaadh la is leekaysiiyey ayaa la samaystay oo aad ka yiq yiqsoonayso qodobada ku qoran oo ay ka mid tahay 
• In aan cidiba isa soo sharixi karin 
• Oo aka mid tahay in uu yidhaa golaha dhexe anaa soo magacaabaya oo looogu sacaniyo . Aduunyada ilaahayna laguma arag waxaas oo kale “

Mudane Darawal waxa uu ku sheegay shirkan jaraaid in ay marxalada Somaliland marayso marxaldii ay maraysay 19880 waxaana loo bahan yahay in la badbaadiyo dalka iyo dadkaba waxaanuu yidhi:-

”Waxa kale oo iyana nasiib daro ah xogogaal laaanta bulshada tgaas oo kooxyar oo canaasiir ahi ay xidhatay maamulkii oo afcaashooda iyo arimahooda aaad ka dareemayso oo aad ka dhadhaminayso in aanay dan ka lahayn dalkii ayaad moodaa dadweynuhuna in ay u sii quminayaan waxaan mooda anigu markaan qiimeeyey in ay tagan tahay Somaliland halkii 1980 waxaa u daliil ah Hudheeladii iyo baayac mushtarkii ayaa inta loo tagay la yidhi cid waxba ha ka kiraynina oo aan anaka ahayn may odhan dee waayee lacagta i sii anigu bayac mushtar ayaan ahayd hadaad mar adigu tidhi caynkaas wayey baanay yidhaahdeen maalintiina hadii aanay taasi dhicin anaga ayaa ka shir wanagsanaan lahayn lakiin hudheelaydu anaga taariikhda meel ayey noogu xardhan yihiin oo iyaga ayaa naga hiiliyey lakiin cawaaqibkeeda way hili doonaan abaalkeeda dhakhso ayey u heli doonaan hadii ay joojin waayana waxaa xigi doonta in la yidhaa furaha keena waaba tabtii sideetankii iyo dhawr iyo sideetanaadkii la marayey ayeynu maanta maraysaa ” isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi

”Ciidamadeena laftigoodu waxay u baahan yihiin in ay sharciga dalka bartaan oo cidkasta oo sharciga dalka jabinaaaya aanay ku raacin ” sidaa waxaa ku tawaawacay mudane darawal iyo kooxdiisii oo aad moodo in ay iska soo xidhay arimihii ay wateen kana baqday in la mariyo meeshii la mariyey ragii ka horeeyey ee ay ka mid ahaayeen mudana Gaboose iyo Ina Xaasho taas oo markii ay ka dhago adaygeen awaamiirtii dawlada loo taxaabay xabsiga wayn ee Mandheera.

Ugu dambayntii waxa uu deeqbixiyaasha iyo beesha caalamka ugu baaqya in ay soo faragaliyaan talaabda uu madaxweyne Riyaale ku maroorsaday talada dalka iyo Udub dhexdiisa.
Waxaanuu yidhi ” waxaan ku talin lahaa in ay dadka daneeya arinaha iyo dimuquraadiyada Somaliland ee ku bixiyada mucaawinada iyo gacanta waa in ay soo fara galiyaan eegaana , Qodobka 22aad ee dastuurkuna waxa uu dhigayaa in qofku oo uu xaq u siinayaa in uu wax dooran karo lana dooran karo, wax alla wixii sharci ah ee ka soo horjeedaa kaas waxa uu noqonaya waxba kama jiraan sababtuna waxa weeyey isaga ayaa Basic ah” isaga oo darawal hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi

”Dhiiranaanta iyo ku dhaca intaa leeg ee sharciga loo baabiiyey hadii aan reer Somaliland halkeedaa ku joojin waxa iman doonta oo aanu ognahay in qodobka dastuuriga ah ee laba teeram ee madaxweynahana la badalo oo sacabka loo garaaco oo dabateena uu yidhaa waligay anigaa joogaya arimahaas loo socdana ay taas tahay dareerkeedana la yeesho hadii aan indho loo yeelana hadii ay taasi u suura gashona way dhacaysaa arintaasi” 

Waxa kale oo uu dafiray Darawal ragii ka baxay garabkiisa habeen hore taas oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen koox ay soo abaabushay dawladu

Warqabadka togaherer
Hargaysa
Somaliland

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: