Toggaherer’s Weblog

WARANCADE,AWIL & GADHWAYNE OO LA GUDONSIYEY SHAHADOYIN & WACDARIHI XAJI ABDI WARABE KA GAYSTAY .

Posted on: February 8, 2009

WARANCADE,AWIL & GADHWAYNE OO LA GUDONSIYEY SHAHADOYIN & WACDARIHI XAJI ABDI WARABE KA GAYSTAY .

Hargaysa 07 Feb 2009 ToggaHerer
Sadex Wasiir oo ka tirsan Xukuummada Somaliland oo loo doortay in yihiin Wasiiradii ugu wax-qabadka Wanagsanaa sanadkii ina dhaafay 2008 ayaa maanta shahaado sharafyo ka turjumaya waxqabadkoodii la gudoonsiiyey. 

Wasiiradan oo kala ah Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud [Xasaan Gadhweyne] Iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil]. Isla markaana Urur lagu magacaabo Somaliland Award Community oo ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa saddexdan Wasiir gudoonsiiyay Shahaadooyin Ururkaasi sheegay in ayku mutaysteen wax-qabadkoodii iyo hawlihii ay Qaranka Somaliland unnadkii 2008.

Munaasibad loo sameeyey gudoosiinta shahaadooyinka lagu maamuusay Wasiirada. oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Somaliland Award Community (Ururka qiimaynta Qaranka Somaliland) oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro badan oo Xukuuumadda ka tirsan, Salaadiin, Qurba-joog dalka ku sugan, Aqoonyahano, Waxgarad rag iyo haweenba isugu jira Iyo Marti sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteel Ambassadoor ee Caasimadda Hargeysa. 

Guddoomiyaha Ururka Somaliland Award Community Mr. Maxamed Cabdilaahi oo munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay, in Ururkoodu yahay mid u taagan qiimaynta Qaranka iyo il-kuhaynta wax-qabadka Masuuliyiinta kala duwan ee Qaranka Somaliland, isla markaana qiimayntii ay sannadkii 2008, qiimayn ay ku sameeyeen waxqabadka Wasiirada Xukuumadda Somaliland, ka dib ay u arkeen, in saddexdii Wasiir ee ugu wax-qabadka fiicnaa sannadkaa 2008, in ay yihiin Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Md. Cali Maxamed Warancadde, Waxbarashada Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasaan Gadhweyne] Iyo Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil].

Mr. Maxamed Cabdilaahi, waxa uu intaa ku daray oo uu ku dooday, in ay qiimayn iyo ka baaraan-deg ay wakhti badan ku qaatay, ka dib ay saddexdaa Wasiir u garteen Wasiiradii ugu wax-qabadka fiicnaa, isla markaana aanay qiimayntoodani ahayn ay iskaga dhawaaqeen, hase ahaatee, ay tahay mid ay Maskax badan ku bixiyeen. Sidaa daraadeedna ay saddexdii Wasiir ee ugu sareeyay qiimaynta ay sameeyeen u garteen in ay gudoonsiiyaan saddex Shahaado Sharaf oo ka turjumaya waxqabadka iyo waajibaadka Qaran ee ay guteen.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay halyeyga ugu wayn somaliland duqa ahna gudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Xaaji Abdi Kariim Xussen Abdi Waraabe isaga oo hadaladiisu ay ahaayeen qaar isugu jiray mahad naq ku waajahan ururkan gudoonsiiyey shahaadooyinka sadexda wasiir iyo hadalo uu ku hoga tusaalaynaayo madaxda sadexda ah ee ku tartamaysa kursiga madaxweynanimo ee Somaliland waxaana ka mid ahaa hadaladiisii 

“Qoladan shahaadooyinka la gudoonsiiyayna way galabsadeen, waanu u hanaynaynaa, Waraabihii Waraabaha Qabashada baray waa sidaas oo lagu sii xejiyaa buu yidhi, Qurba jooga Somaliland-na way mahadsan yihiin, Xagga Illaahay iyo Xagga Qurbajooga ayaanu ka dhisanahay ama qoys ahaan biil ha u soo direen ama caam ahaan ha na caawiyeen, waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin, wadadiinii baad haysaan ee halkaa ka sii socda. Guushii inyar bay inoo soo jirtaa jeer aynu reer Nebi aadan kala qayb galno shirarka oo aynu wax ka taransano iyagana wax ku tarno ayaa inagu soo socota, halkaas oo aad ka sii kordhisaan weeye, waanad mahadsan tihiin” isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uuu yidhi xaajigu

“Waxa kale oo aan u mahad naqayaa xisbiyada Somaliland, Doorashada soo socota, Doorashada in la tartamo sharaf weeye, dawladnimona weeye, laakiin seddexda xisbi waxaan ka dardaarayaa inaan nina hadal xumi ragga doonaya ka soo bixin, inaan wax qabyaalad u eki finiinin, gobonimadaa iyo sharafkaa inaanay inaga dhaqdhaqaajin, haddiise la arko nin dhaqdhaqaajinaya ama ficiltamaya ama caytamaya, midkaa aynu ka feejignaano. Qofkastowba halkaaga bilays ka noqo xilliga doorashada, haasaawaha xun inaga illaaliya, qabyaalada illaaliya, gacana iyadaba daa’. Buuqna daa, waxa inagu soo dhaw caalamkii baa ilaahay imika inoo soo jeediyay, oo awal inaga raagay ama waxtar ha noqoto ama ictiraaf ha noqoto. Waxaa la rabaa ninka kursiga doonayaa inuu sharaf ku doono, oo uu tartamaa, oo uu yidhaahdaa dhalinyaradaa camal la’ camal baan siin, wadooyinkaan samayn, dhakhtar baan samayn, bilayskaan dhisi,militarigaan kordhin oo aanay cay iyo qabyaalad midna u dhawaanin,Miyay idinla tahay nin Cay iyo qabyaalad ku sifooba inaynu Madaxtinimo u dhiibano?. Dumarka falaasyada haya (SHaahlayda), khudradlayda, ee curyaamiinta ah ee agoomaha bacadka u fadhiya kicinaya ee Mudaharaad iyo buuq la soo galaya, ninkaa inaga illaaliya”. Sidaa waxaa hadalkiisii ku soo gababa gabeeyey xaaji Abdi kariin Xuseen Abdiwaraabe.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo Xafladaa ka hadlay, isla markaana ku hadlayay Afka Wasiirada Shahaadooyinka la gudoonsiiyay, ayaa si weyn ugu mahad-naqay Ururka Somaliland Award Community ee qiimayntan sameeyay, una gartay in ay Shahaadooyin gudoonsiiyaan. Waxaanu Wasiir Cawil sheegay in wax qabadka lagu tilmaamay Wasiiro ahaan uu yahay waajib Qaran oo ay guteen wax Shahaadooyin lagu gudoonsiiyo, balse hadiiba loo gartay cidda garatay ay mahadsan tahay. Sidoo kale, Wasiir Cawil waxa uu sheegay in ay wax-qabadkooda sii laban-laabi doonaan, una adeegi doonaan dadkooda iyo dalkooda inta ay xilka Qaran hayaan.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Ururka Somaliland Award Community Mr. Maxamed Cabdilaahi ayaa saddexdan Wasiir Shahaadooyin gudoonsiiyay, iyada oo Wasiir kastaa markii gacanta laga saaray Shahaado Sharafta lagu maamuusay u mahad-naqay Ururka Ururka Somaliland Award Community iyo xubnihiisa kala duwan ee qiimayntan sameeyay.

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: