Toggaherer’s Weblog

URUR LA YIDHAA UDHIS OO MAANTA LAGAGA DHAWAAQAY HARGEYSA AYNA SAMEEYEEN XUBNO KA BAXAY KULMIYE

Posted on: February 8, 2009

 

URUR LA YIDHAA UDHIS OO MAANTA LAGAGA DHAWAAQAY HARGEYSA AYNA SAMEEYEEN XUBNO KA BAXAY KULMIYE

Hargeysa 07 Feb 2009 ToggaHerer 
Urur Cusub ayaa maanta lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa Gaar ahaan Hotel OBAMA ururkan cusub ayaa waxa ku dhawaaqay rag door ah oo ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE Golihiisa Dhexe Raga ku dhawaaqay ururkan cusub ayaa ah ragii ka cadhooday shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee ka dhacay magaalada Burco ee lagu dooranayay musharixiinta uga qayb galayasa xisbga kulmiye doorashada m/weynaha waxaana ka mid ah Ibrahim Dhegeweyne , Ciise Curtaage , Cali Xaraaro sidoo kale waxa ka soo qayb ku dhawaaqista Ururkan Cusub Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo ay ka mid yihiin Xil Maxamed Xaaji Maxamud Iyo Xil Rayte.

Qoraal ay soo saareen Xubnaha Ururkan Ku dhawaaqay ayna ka akhriyeen Madasha ayaa u dhignaa sidatan.

URURKA DIMOQRAADIYAD IYO HORUMARINTA
ISBADDEL DOONKA SOMALILAND

UDHIS 

Ururka Dimoqraadiyadiyo horumarinta isbadal doonka Somaliland waa urur ka abuurmay dood cilmiyeed dheer iyo baadhis fara badan oo ka soo maaxatayaqoonyahanada iyo waxgaradka reer Somaliland. doodaas oo ay ku bahoobeen aqoonyahano,jooga dalka gudihiisa iyo debadiisa, mujaahidiintii SNM, culimo awdiin madax dhaqameedyo, ururada bulshada, ururada dhalinyarada, ururada haweenka,ganacsato, garabyo ka soo go`ay kulmiye,ucid,udub iyo qaar seddexdaba ka madaxbanaanaa.

Doodaas oo mudo dheer socotay waxaa lagaga doodaayey wadciga maanta uu dalku ku suganyahay oo ay ka dhalan karto xaalad aad u xun oo micnaheedu noqonayo in raadkii arooryo dib loo raaco. waayo hay`adahii dawliga ahaa ayaa noqday fadhiid oo shaqayn waayey sida fulinta ama xukuumada,xeer dajinta,iyo garsoorka, xataa komishanka oo maanta aynu arkayno halka xaaladiisu marayso.

Dhibtani hadii ay sii socoto waxaa dhici karta burbur baahsan oo ku yimaada qaranka Somaliland waxaana tacab khasaare noqonaaya halgankii dheeraa ee ay ummadani u soo martay isku qaranimadeedii iyo geedi socodkii dimoqraadiyada ee ummadda reer somaliland raacday kuna heshiisay.

Hadaba maxaa keenay khasaarahan dalka ku habsaday?

1- Nidaamka siyaasiga ah

Waxaa dhacday in ay naan dimoqraadiyadii dhamays tirin waayo waxaynu samaynay madaxwayne iyo ku xigeen uu awooda qudha leeyahay madaxwaynahu kaa soo afduubay hay`adahii dawladda ee ahaa golaha sharci dejinta, xukuumada iyo garsoorka.Tusaale ahaan golahii sharci dejintu shaqadiisii waxaa is hortaagtay xukuumadii halkii ay shaciga fulin lahayd,garsoorkii wuxuu gacanta u galay xukuumadii oo maamusha.Sida saxda ahina waxay ahayd in golaha sharci dejintu uu sameeya sharciga,xukuumaduna ay sharciga fuliso garsoorkuna sharciga ilaaliyo iygoo is kaabaya oo kala madax banana.

Asxaabta

Dhibaatadan waxaa asaasi u ah oo khasaarahan keenay seddexda xisbi ee maanta dalka ka jira sababta oo ah waxay noqdeen sidan soo socota
1-Iney keligood dalku u xidhnaado oo aan xisbiyo kale ku soo biirin 
2-Inay taladu u xidhnaato hogaamiyaha xisbiga oo qudha go, aankana aan cid kale la wadaagin
3-In aan doorasho xalaal ahi ka dhicin xisbiyada dhexdooda sida hogaamiyaha xisbigu jecelyahayna wax loo maamulo, dantooda gaarka ahna ay ka horaysiiyaan danta guud.
4-Inay markay doonaan ay isu kordhiyaan iyadoo taasi hore u dhacday sharcina aanay u lahayn inay arrintaa ku kacaan ayna ahayd mid sharci daro ah waxaana sharci u leh inay kordhiyaan golayaasha sharci dejinta.waxaase dhacday inay seddexda xisbi markii xukuumadu wakhtigeedii dhamaaday u kordhiyeen wakhti ku meel gaadha. doorshadii dawladaha hoosana daaqada ay ka tuureen oo aan ilaa maanta la mudaynin meel ay jaan iyo cidhib dhigtayna aan haynin iyadoo ay sharci ahayd inay ka oo horayso ta madaxtooyada.
5-Xisbiyada iyo xukuumaduba waxay ku guul daraysteen kobcintii geedi socodkii dimoqraadiyada,wacyigelintii dadwaynaha,iyo dhismihii xisbiyada iyo xukuumada dhexdooda.

6-Waxay kaloo ku guuldaraysteen inay wax horumar ah dhinacnaba ka sameeyaan taas sababtay in la waayo waxii loo doortay inay qabtaan halkaasna ay ku luntay kaalintii loo baahnaa inay ka qaataan u adeega, kobcinta,iyo wacyigelinta siyaasadeed,bulsho iyo dhaqaale ee bulshada reer Somaliland. 

Dhaqaalahii dalka 

Dhaqaalahii dalka waxaa guud ahaanba ku dhacay burbur aad u balaadhan sababna ay u ahayd waxii lagu heshiiyey ama nidaamkii u yaalay oo ay xukuumadii jebisay waayo waxaynu qaadanay habka ganacsi furan oo ah inuu suuqu xor yahay sida;

1-Xoolaha nool oo ahaa lafdhabartii dhaqaalaha dalka oo weligii ahaa suuq xor ah ilaa dawladahii lixdameeyadii, dawladii dictatorka iyo ilaa intii ka horeysay xukuumadan maanta jirta. Nasiib darrada dhacdayse waxay tahay in xukuumadani ay diiday suuqii xorta ahaa ee xoolaha soona fara gelisay oo ay iyadu adhigii dhoofisay nin ajaanibana suuqii xorta ahaa u xidhay diidayna qiimahii qofku neefkiisa ku iibsan lahaa oo iyadu qiimo yar qofkii u goysay si danteeda gaarka ah ugu fushato.taasina waxay dhibaato wayn u gaysatay dadwaynahii reer Somaliland oo ay dhaqaale xumo,iyo macaluul baahsan oo saamaysay miyi iyo magaalaba.
waxay sababtay inay dekadii berbera xidhanto berberina ka guuraa noqoto magaalooyinkii lagu bakhtiyo oo ay sayladahii xoolahu iyo dhaqdhaqaaqi ganacsiguba meesha ka baxaan, gaar ahaan magaalada burco oo ahayd saylada xoolaha ee ugu wayn mandaqada geeska afrika iyadoo ay raacday dhibaato kale oo ah inay dawladdu lacagtii hore ee somaliya ka badali wayday isla markaana ay ay taalo lacagtii lagu bedali lahaa. 
2-Nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo cashuuraha oo aan ahayn kii dastuurku tilmaamayey cidina aanay ogayn xukuumada mooyaane.

3-waxay dawladu xanibtay ilihii dhaqaale ee dalka ay lacagta adigi ka soo geli lahayd, sida dekadii berbera oo ahayd meesha dhaqaalaha ugu badani dalka ka soo galo,haamihii shidaalka oo ahaa hanti qaran, warshadii sibidhka oo ahayd tii sibidhka ugu tayada sareeya mandaqada soo saari jirtay oo la diiday in la dhiso.
ka haqab beelkii biyaha oo dawladu is hortaagtay kadib markii ururka bisha cas ee dawlada imaaraadku siisay riigii u waynaa wax biyaha lagu qodo looguna talo galay inuu buuxiyo baahida Somaliland biyaha u qabto riigaas oo meel uu jaan iyo cidhib dhigay aan la garanayn kadib mashaqadii dawladu gaysatay ka dhacday dadkii u mudaharaadaayey markii ceelka laga qaaday ee ay ku balan qaaday inuu week maqnaanaayo. 

Hadaba dadkii wax garadka ahaa ee dalka u dhashay iyo aqoonyahankii dalka dhibaatada ka saari lahaa, xisbiyada dhisi lahaa samayn lahaa dawlad xalaal ah dalka horumar gaadhsiin lahaa, dimoqraadiyada gaadhsiin lahaa, dad waynahii himiladoodii rumayn lahaa oo ah 90% dadka reer Somaliland oo ah isbadal doonka ahna dadka waxbadali kara ayey u la tageen xisbiyada.

Xisbiga kulmiye ayaa u horeeyey oo balan qaaday barnaamujka isbadal doonka ee talo wadaaga iyo cadalada ah iney kula shaqeeyaan ayaa markii burco lagu shiray ee xisbiga dhexdiisa laga soo bandhigi lahaa dimoqradiyad xalaal ah iyo tala wadaag ayey ku danbaysay dhedo roob noqon wayday.
Sidaas oo kale waxa sameeyey labadii xisbi ee kale, ucid isna waxuu mid ogolayn talo wadaag iyo in loo sinaado tartanka xisbiga dhexdiisa. Udub oo ah xisbul xaakimkii ay ka dhalatay dawladda dhibtaas manta jirta ka mas`uulka ahi waynu aragnaa sida dhaqankeedii siyaasadeed,xisbiyeed,iyo maamul uu maanta yahay.
waxa la yidhi mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la siisido, maanta waynu aragnaa shirweynahii Udub in xisbiga dhexdiisii tiniko loo adeegsaday oo uu ku wareejiyey maansoor isagoo si xaaraan ah u isticmaalaya ciidankii qaranka. Waxa xusuus mudan inay mar hore dawladu ciidanka qaranka u adeegsatay inay shacbiga ku layso oo rasaas ay ku furto dad shicib ah ka cabanaya sida arintii riiga loo maamulay,tii xaafada maxamuud haybe,tii cusbitaalka guud, tii burco, tii berbera, iyo qaar kaloo badan.
waa xaaraan qayral dastooriya in xisbi ka mida xisbiyadu uu isticmaalo ciidanka qaranka iyo hantida qaranka si danahiisa gaarka ah ugu fushado.
waxaa loo diiday dadkii udub aasaasay iyo kuwii ka sharaxnaa xisbiga dhexdiisa inay ka qayb galaan shirka sababtuna waxay ahayd iyagoo doonay inay ka tartamaan xisbiga dhexdiisa.
waxaa la yidhi hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho imminka waxaynu leenahay xisbi xaaraan ahi dawlad xalaal ma dhalo.

waxa is waydiin leh oo aan dadku ogayn in ay ogaadaana waajib ku ah waxii dadkani u dagaalamay ee ay 100000 ee qof kaga dhinteen ee Somaliland ay u samaysteen ee ay u goosteen ee ay dastuurka u samaysteen ee u heshiiyeen ee in laysa saamaxo u qaateen waxay ahayd inay helaan dawlad ay iyagu soo doortaan.kuna timaada doorasho xalaal ah oo loo simanyahay oo si xalaal ah dadku u doortaan cida ay iyagu doonayaan,in baarlamanku sharcisamaynta ay leeyihiin dawladuna fuliso sharcigaa maxakamadaha iyo labada gole ee sharci dejintu ay dawlada ka ilaaliyaan inay sharciga jebiso.

Dadkani waxay hore ka dagaalameen oo diideen

1-Madaxweyne dictator ah oo aan talada lala wadaagin oo keligii taliya

2-madaxweyne ciidanka qaranka dad aan denbi gelin u isticmaala oo ku laaya kuna xidhxidha,uguna caga jugleeye si uu baqdin u geliyo oo uu dantiisa ugu fushado.

3- Dadku waxay ka dagaalameen in dhiigooda la xalaashado oo aan deero deero u hirdiyin.

4- Dadku waxay ka dagaalameen in hantida qaranka ee waddanka wax loogu qaban-lahaa la lunsado.
5- dadku waxay ka dagaalameen dawlad aan lala xisaabtamin.
6- dadku waxay ka dagaalameen in loo diido xurriyatul qawlka iyo inay fekerkooda siyaasadeed cabbiraan.
7- dadku waxay ka dagaalameen in layska xidho iyagoon denbi gelin iyo in xuquuqdooda iyo karaamadooda meel lagaga dhaco.

Markii la ogaaday lana xaqiijiyey in arimahaa aynu kor ku soo sheegnay oo dhami dalka ka dhaceen majirahii siyaasadeed ee dalkuna waddo qaloocan raacay oo keeni karta burbur umadeed oo baahsan ayaa doodan isbadal doonku hana qaaday lagu heshiiyey in ururka UDHIS la sameeyo si wadanka loo badbaadiyo laguna soo dabaalo waddadii nabadda, talo wadaaga, iyo dimoqraadiyadda.

UDHIS waxay doonaysaa dawlad dadwaynahu leeyahay oo aan dawladdu dadka lahayn, dawlad aanu uu sharcigu yahay ka ugu sareeya oo aan nina ka sarayn kii jebiyana laga abaal mariyo oo aan loo habran nina oo aan sharci darrada u sameeyey loogu abaal gudin.Arrimahaas oo dhana waxa lagu gaadhi karaa sidan soo socota waana aragtida dhabta ah ee UDHIS aaminsantahay in dalka iyo dadkaba horumar lagu gaadhsiin karo.

1-UDHIS waxay aaminsantahay in isbadal buuxa lagu sameeyo dhaqanka siyaasadeed ee waddanka lagu xukumo iyadoo laga bilaabayo axsaabta qaranka.
Axsaabta qaranku hadii aanay dimoqraadiyad, cadaalad iyo talo wadaag lagu dhaqi waayo micnaheedu waxa waeeye inay dastuurkii wadanka jebiyeen.xisbi aan talo wadaag,cadaalad, iyo dimoqraadiyadi aanay ka jirinina ma dhisi karo dawlad cadaalad,talowadaag iyo dimoqraadiyadi ka jitro dalkana gaadhsiisa horumar.

2-UDHIS waxay aaminsantahay in distoorka qaranka dib u eegis lagu sameeyo si loogu daro waxa ka dhiman ee wanaagsan waxii aan loo baahnayna looga saaro meelaha uu muranku ka jirana loo saxo.

3-UDHIS waxay lagama maarmaan u aragtaa in seddexda hay,adood ee dawladda ay noqdaan qaar kala madax banana oo is kaaba iskuna dheeli tiran.

4-UDHIS waxay lagama maarmaan u aragtaa in hantidhawr madaxbanaan iyo baan dhexe oo si dhaba u hogaamin kara siyaasada maaliyada la sameeyo.

5-UDHIS waxay lagama u aragtaa in la helo dawlad dadka u shaqaysa oo dhista hay,adaha dhaqaale iyo shaqo ee dadwaynahu u baahanyahay sida;

a)In la dhiso hay,ad shaqo abuur (Employment services) sida in la abuuro mashaariic shaqo laga helo sida bada oo laga faa`iidaysto khayraadka ku jira, ikaashatooyin xor ahna loo sameeyo.sayladaha xoolaha oo la habeeyo suuqa xorta ahna lagu kala iibsado,mashaariic macdan baadhis ah oo la sameeyo,iskaashatooyinka gaadiidka oo la sameeyo.baayacmushtarka oo la dhiiri geliyo lana kaabo si ay shaqooyin u abuuraan. Mashaariicdaas hadii la hir geliyo waxaa la hubaa in ay dad aad u fara badanishaqooyin ka helayaan

b) In la dhiso hay,ad caafimaad (National Health services) oo sugta in dhinaca caafimaadka dadwaynaha laga gaadho isku filaansho, sida in la sameeyo xarumo cilmi baadhiseed oo caafimaad, in la dhiso hospitalo, laguna sameeyo qalabayn buuxda iyo dhakhaatiir kalkaaliyayaal ku filan,lana sameeyo isu dheeli tir caafimaad sida gobolada, magaalooyinka, degmooyinka,iyo xaafadahaba.

c)In la dhiso hay,ad tacliimeed(National Education services) oo raadisa in dhinaca tacliinta isku filaanshiiyo laga gaadho manhajkana midaysa, sida horumarinta tacliinta dadka reer miyiga ah oo halka ay deganyahiin looga abuuro tacliin ku filan, badinta shoolada, samaynta xarumo cilmi baadhis ah gaar ahaan dhinacyada sayniska iyo technologiyada,isu dheeli tirka tacliinta dalka dhinacyada gobolada, magaalooyinka, degmooyinka,tuulooyinka iyo xaafadahaba. 

d) In ladhiso hay`ada adeega bulshada National social services) oo kaabta baahiyaha bulshada sida quudinta dadka faqiirka ah dadka da`da way nee aan cidi caawin, kuwa waalan, caruurta yaryar ee aan wax koriya lahayn, curyaamiinta,iyo dadka laxaadka la.

e) In la dhiso hay`ada guriyeynta oo ka baahi tirta dadwaynaha hoy la,aant.(National housing service).

f) In la dhiso hay`ad degaamayn (National Enviroment services) oo lagu ilaaliyo degaanka sida mamnuucida jaridda dhirta kordhinta kordhinta iyo hagaajinta qalabka beeraha, dhawrista iyo dhaqaalaynta xoolaha nool, dejint reer miyiga ama barista sida wax loo beerto iyo sida ugu haboon ee xoolaha loo manaafacadsado. soo saarista tamarta kaydsan.beerista dhirta iyo kaymaha,dhawrista badaha iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo soo saarida biyo saafi ah oo dadka iyo xoolahaba ku filan.

Gebo gabayn.

Ururkani waxuu ka turjumayaa baahida dadka reer Somaliland u qabaan inay helaan sharci kala haga iyo dawlad wanaagsan oo iyaga u shaqaysa, xisbiyo wanaagsan oo talo wadaag ogol oo dawlad wanaagsan abuura, shaqo la`aanta baahsan iyo baahida dhaqaale xumida oo ay ka baxaan, caafimaad darrida oo ay ka baxaan, jahliga tacliin la`aanta oo ay ka baxaan, hoyla`aanta oo ay ka baxaan, dadkooda waalan,kuwa laxaadka la, caruurta,yar yare e baahan, dadkooda da,da ah iyo kuwa faqiirka oo la kafaalo qaadto oo aan gaajo u silcin,xoolahooda iyo beerahooda oo la tayayeeyo lana kordhiyo,iyo guud ahaan noloshooda oo kor loo qaado.

Ururkani waa mid ay ku bahoobeen dadkii wax garadka ahaa ee dalka danaynay waa meel hoy u noqondoonta aqoonyahanada haday noqoto xaga cilmiga maadiga diinta,bulshada iyo dhaqankaba. Waa urur ku dhisan sinaan iyo cadaalad,oo aan ku salaysnayn qabyaalad, gobolaysi,iyo dana gaar ahaaneed.waa urur hoy u noqon doonta, cilmi baadhis dheer oo ah dhinacyada tacliinta,caafimaadka,shaqaada,guriyeynta,adeega bulshada,iyo dhaqaalaha.

Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu arimaheena wanaagsan inoo fudideeyo oo ina fahansiiyo, dariiqa toosana inagu hanuuniyo baahida dhinac walbana inaga dul qaado dalkeenanaka dhigo kii horumarin gaadha alena lagu caabudo oo aan cadhidiisu ku dhicin.

Wa bilaahi tawfiiq

Abdi Mohamed farah abdul alim
Gudida UDHIS 

XAFIISKA WARQABDKA TOGGAHERER
HARGEYSA SOMALILAND

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: