QORMADII KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD WAA MAXAY KABUUBYADU
Posted February 8, 2009
on:QORMADII KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD WAA MAXAY KABUUBYADU
Kabaabyada ama kabuubyada (Paraesthesia / Tingling / Pricking / Numbness / Pins & Needles sensation) waa dareen qofka ka dareemo maqaarka.
Dareenka kabuubyada waxaa loo kala qaadaa mid joogto ah iyo mid aan aheyn.
Kabuubyada aan joogtada aheyn waxay u badanyahay gacmaha iyo lugaha, waxayna ka dhalataa cadaadis la saaray dareen side (nerve) taasoo ka dhalaysa in dareenka uu ka tago qeybta neerfahaas uu ka shaqeynayay.
Dareenka wuxuu si aayar ah ugu soo laabtaa gacanta ama lugta la cadaadiyay in muddo ah ka dib.
Waxay kaloo ka timaadaa kabuubyadaan haddii aad iska joojisay daawooyinka qaar ka mid ah oo aad qaadan jirtay sida “Paroxetine ama Fluoxetine”.
Kabuubyada joogtada ah waxay tilmaamaysaa in ay jirto:
Dhibaato xag neerfo ah
Dadka waayeelka ah oo ay ku badantahay waxay ka dhalataa in qulqulka dhiigga ee lugaha iyo gacmaha uu laciifo
Nafaqo darro iyo yaraanshada fitamiinnada qaar sida fitamiin B5 iyo B12.
Cudurrada kala ah: sonkorowga, shaqo yarenta qanjirka troodhka.
Jirro kala goysyada ah oo dhaawacday neerfo sida roomaatiisamka, xanuun ku dhaco jalaqda una badan dadka kumbuyuutarka aadka u garaaco.
Dhaawac toos ah oo ku dhaco neerfaha.
Waxaa kaloo jiro cudurro kale oo badan oo keeno kabuubyada sida:
Aalkolada
Isticmaalka daawooyinka qalalka
Diiqada
Fuuqbaxa
Bootaasyam yarida
Sonkorta oo ku yaraato dhiigga
Haweenka dhalmo deyska ah
Madax xanuunka migreyn
Daawooyinka suuxdinta.
Iyo kuwo kale
Haddii kabuubyada ay noqoto mid joogto ah waxaad u baahantahay in aad la xiriirtay dhakhtar ku taqasusay neerfaha si uu u kala sooco cudurradaan aan kor ku soo sheegnay
Badanaa kabuubyada ku dhacdo gacmaha iyo lugaha waa mid ka dhalatay cadaadis ku yimid neerfo, khaas ahaan sida aad sheegtay in ay tahay kabaabyo kaa heyso far kaliya.
Bal gadaal u fikir ma jiraan cadaadis dhawaanahaan aad saartay fartaada tusaale ahaan in aad imtixaanno ka shaqeynaysay oo qalinka cadaadis kaa saaray farta.
Leave a Reply