Toggaherer’s Weblog

M/WEYNE RAYAALE OO MAANTA XADHIGA KA JARAY MAXJARKA XOOLAHA EE BERBERA

Posted on: February 8, 2009

M/WEYNE RAYAALE OO MAANTA XADHIGA KA JARAY MAXJARKA XOOLAHA EE BERBERA

 
M/weyne Rayaale oo xadhiga ka jaraya maxjarka

Warsaxaafadeed

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kkaahin , waxa uu Maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Magaalada Berbera Maxjarka Xoolaha oo dhawaan
la dhamays tiray.

Maxjarkaasi oo ay ku baxday lacag dhawr Malyuun oo Doollar ah looguna
tallo galay in lagu baadho caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Dekeda Magaalada Berbera, waxa dhisay Shirkadd uu leeyahay ganacsade Sacuudi ah oo la yidhaahdo Sheekh Sulieman Al-Jaabiri.

Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyay Munaasibada ka dib , markii uu xadhiga ka jaray Maxjarka cusub ee Xoolaha waxa uu sheegay in haddii aan la hubin caafimaadka xoolaha in aanay suurta gal u ahayn wadana in uu dibada Xoolihiisa u dhoofiyo, iyada oo adduunkii hadda is-bedelay , cuduro badana xoolihii laga helay.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi ‘Wax badan baa la lahaa waxba kama jiraan Maxjarka xoolaha ee la sheegayay , hase yeeshee maanta indhihiina ayaa idiin macalin ah’’.

Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu ku booriyay in shacbiga reer Somaliland in ay ka faa’iidaystaan Maxjarkaasi , isaga oo ugu mahad naqay Mudane Saleebaan Al-Jaabiri , Al-Camuudi iyo Madaxdii kale ee la socotay sida wax ku oolka ah ee ay u hir galiyeen dhismaha maxjarkaasi.

Mudane Saleebaan Al-Jaabiri oo isna munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay inuu wax badan ku taamayay in maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha uu ka hir galiyo Somaliland, maanta ay taasi ilaahay idinkii u hir gashay.

Al-Jaabiri isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu sheegay in adhiga Somaliland uu ka mid yahay xoolaha nool ee ka mid ah kuwa dunida ugu fiican, waxana uu intaasi ku daray tan iyo hadda in ay aqbaleen in xoolaha Somaliland si toos ah ay u qaataan wadamo badan oo ay ka mid yihiin Qatar, Cumaan, Kuwayt, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana la filayo in mustaqbalka dhow Sucuudi Carabiyana ay ka mid noqon doonto dalalka iibsada Xoolaha Somaliland, iyada oo dhawaan soo diri doonta dhakhaatiir dhamays tira heshiiskaasi Sucuudigu ku iibsanayaan Xoolaha Somaliland.

Gabo gabadiina Al-Jaabiri waxa uu carabka ku dhuftay in maxjarkan dhismihiisu uu ku hir galay taageerada ay mar walba ka helayeen Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadiisa iyo shacbiga reer Somalilandba.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: