Toggaherer’s Weblog

MASUULIYIN KA TIRSAN UCID IYO DHALIYARADA BURCO OO DOOD CILMIYEED DHEX MARTAY

Posted on: February 8, 2009

 

MASUULIYIN KA TIRSAN UCID IYO DHALIYARADA BURCO OO DOOD CILMIYEED DHEX MARTAY

Burco 07 Feb 2009 ToggaHerer

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah eee (UCID)Eng. Faysal Cali Wwaraabi iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbigiaasa ayaa Habeen hore Dood_Cilmiyeed balaadhan oo uu la qaatay dhalinyarada Burco ee G/togdheer ku soo bandhigay Muwqifkooda siyaasadeeed ee ay doonayaan in ay dalka ku Hugaamiyaan hadii ay ku guuleystaan doorashada soo socota ee Madaxtinimada Somaliland .

Dood-cimiyeedkan ay Masuuliyiiinta UCID la qaateen Dhalinyarada Burco oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka wadaniga ah ee Soyvo oo lagu qabtay Hoteeelka Barwaaqo Hotel oo ay ka soo qaybleen Boqolaal ka tirsan dhalinyarada Burco iyo Mmasuuliyiin ka tirsan Ggolaha deeegaanka Burco oo Hurmuud u ahaa Gudoomiye Ku Xigeeenka Golaha Deegaanka iyo Marti sharaf kale ayaa waxa lagu soo bandhigey Heesaha Qaranka Somaliland isla markaana waxa uu noqdey Dood_cilmeyeedkani kii ugu Horeeeyay ee Musharax u tartamaya Jagadda Madaxtinimada Somaliland oo ka tirsan Xisbiyada Qaranka ku soo bandhigo Mawqifkiisa siyaasadeed ee uu Doonayo in uu dalka ku Hogaamiyo hadii uu ku guuleysto Madaxtinimada Dalka. 

Gudoomiyaha Xisbiga (UCID) Eng .Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka hadlaayey ayaa hadaalkisa ku bilaabey.
“Waxaanu dooneynaa hadii Xisbigayaga (UCID) Ku guuleysto Mustaqbalka Doorashada Somaliland in Marka koowaad dalka aanu ka dhisno daawlad tiro yar oo tayo leh .
“Marka Labaad waxaanu dooneynaa in dalkani Noqdo dal madaxbanaan 
“Marka Sedexaad waxaanu dooneynaa in aanu dhaqaalaha dalka dib u habeyn ku sameyno maxaa yeelay dhaqaalo la’aan waxba socon-maayaan isla markaana waxaanu rabnaa in maamulka dawlada ee aanu sameyno ay taladiisa ka qaybqaataan dhalinyarada Dalku , oo ay Xitaa Haweenku ku yeeshaan kaalin muhiim ah oo la taaban karo . Waxaanu sare u qaadeynaa Waxbarashada dalka iyo Goobaha Caafimaadka dhaqaalaha dalka ka soo baxana 20% waxaanu galin doonaa Waxbarashada iyo Caafimaadka ,isla markaana laamaha Cadaalada waxaanu geyn-doonaa dad Aqoon uleh oo aan qaadan laaluushka oo la siiyo lacag ay kaga maar-maan laalushka si ay Cadaalada u dhawraan waxaanu intaas ku daray Gudoomiyaha Xisbiga UCID isagoo sii wata hadlkiisa oo uu yidhi .”Waxaanu la dagaalami-doonaa Musuq-maasuqa iyo qabyaalada aafeysey Ggeeskka Afrika waxaanaanu dhiiri’galindoonaa waxaananu dhiirigalin-doonaa Cadaalada iyo Dimuqraadiyada “sidaas ayuu hadlkiisa ku soo xidhey Gudoomiyaha xisbiga (UCID).

Waxa kale oo isna Madashaa dood-cilmiyeedka ka hadlay Mubaarik Mahamed Cumar oo ka mid ah Saraakiishaa Sar sare ee Ururka waadaniga ah ee doodan soo qaban-qaabiyey ee (SOYVO) waxaanu yidhi. “Waxaanu ugu talo galey Doodan in ay Musharixiinta u tartamaya jagada madaxtinimada Somaliland ay umada ugu soo bandhigaan Mawqifkooda siyaasadeed ee ay doonayaan in ay hadhawto ku hawlkalaan midkooda ku guuleysta Maamulka dalka Eng. Faysal Cali Waraabena waxa uu Noqonnayyaa Musharixii kowaad eee Ssayaasadiisa u soo bandhiga umada Somaliland isagoon aaney warbaahintu wax weydiin waana Taariikh lama ilaawaan ah waanannu ku Hambalyeyneynaa mawqifkiisa Siyaasadeeed hadaanu nahay SOYVO waananu ku garabtaaganahay Musharax kastoo umada u soo bandhiyaaya Siyaasaddiisa uu doonayo in uu ku Hgaamiyo dalka .waxaananu leenahay labada Xisbi eee kale UDUB iyo Kulmiyeba Musharixiintooda uga qaybagaleysa doorashada Madaxtinimada dalka waxaanu ku dhiirigalinaynaa in ay soo bandhigaan siyaasaadooda ay rabaan in ay u mada ku hagaan hadii ay Guuleystaan “ Sidaas ayuu hadlkiisa ku soo Gunaanaday Mr.Mubaarik. 

“anigoo ku hadlaaya afka golaha deegaanka Burco waxaan halkan Caawa ka cadaynayaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo masuuliyiintaa Xisbigooduba waa rag dhalinyaro ah oo Fir-fircoon oo sameeya dadaal dheeraad ah ,waana habeen taariikhi ah oo aan la iloobi Karin caawa Maadaama Xisbiga UCID siyaasadiisa u mada soo dhex dhigey waxaanu safka hore Faysal kagalayaa Musharixiinta u sharaxan jagada Madaxtinimada Somaliland ee Siyaasadooda si tooos ah u mada u soo hordhiga waxayaabaha ay hadhawto dalka ku Hugaamin-doonaan hadii ay ku Guuleystaan doorashadda dalka “Sidaas waxaa hadalkiisa ku soo Gunaanadey godoomiye ku-xigeenka Golaha Deegaanka burco axmad cabdi Falay.

Waxa kale oo isna Hadal kooban ka yidhi Doodan-cilmiyeedan Mr. Yaxye Mohamuud Ahmed oo ah Guduumiyaha Dalada Dhalinyarada ee (SONYO) waxaanu yidhi. “inkastoo oo aanan u soo diyaar garoobin in aan hadal badan halkan ka dhiho hadan anigu anigoo ku hadlaaya afka SONYO si weyn ayaanu u soo dhaweyneynaa Musharaxa xisbiga UCID iyo Masuuliyiintiisa Togdheerba 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Maxamad Aadan oo ka mid ah dhalinyarada waxa ka barta Jaamacada burco waxaanu yidhi. “Dhalinyarada reer Somaliland dhibaatooyin badan ayaa haysta oo iskugu jira Shaqola’aan waxbarasho xumo iyo Tahriib ay keentey shaqo la’aantu markaa anagu hadaanu nahay dhalinyarada ku nool Xarunta gobolka togdheer ee Burco waxaanu taageersanahay xisbiga UCID oo aanu u aragno in lagagga bixi karo dhibaatooyinka jira isla markaana 

Ugu danbayntii dhalinyrada Reer togdheer waxay su,aalo waydiiyeen Gudoomiyha Xisbiga Ucid Mudane Faysal iyagoo wax ka waydiiyay Barnaamijkiisa siyaasadeed ee Xisbiga Ucid.

Faysal Cali Xussen
Togaherer Burco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: