Toggaherer’s Weblog

MADAAFIIC LAGU GARAACAY VILLA SOMALIA OO AH MEESHA UU SH.SHIRIIF DEGAN YAHAY

Posted on: February 8, 2009

MADAAFIIC LAGU GARAACAY VILLA SOMALIA OO AH MEESHA UU SH.SHIRIIF DEGAN YAHAY

Moqdisho 07 Feb 2009 ToggaHerer

Abaara 5:00 galabnimo ee maanta oo daqiiqado dhiman ayaa tiro madaafiic hoobiyeyaal ah oo illaa 10 gaaraya waxaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho saacado ka dib markii uu halkaasi gaaray madaxweynaha Dowladda Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isaga iyo wafdi uu horkacayo barqanimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo daryankooda laga maqlayey magaalada Muqdisho qeybo badan oo ka mid ah ayaan ku dhacay qeybo ka mid ah gudaha iyo hareeraha xarunta madaxtooyada Vila Somalia lamana oga illaa hadda qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi inkastoo saraakiil ka tirsan DF Somalia ay sheegeen ineysan jirin wax qasaare ah oo ka dhashay.

Ma jirin wax jawaab ah oo ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Villa Somali ay ka bixiyeen madaafiicdaasi, taasoo ah talaabo aan mudooyinkan looga baran, iyagoo marka sidan oo kale madaafiic lagu weeraro jawaab madaafiic ah ku ridi jiray Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa kuwaasoo geysan jiray qasaarooyin badan oo soo gaara dadka rayid ah.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo dhoweeyey talaabada ciidamada fadhiya madaxtooyada aysan uga jawaabin madafiicdaasi, mana jirto ilaa hadda cid sheegtay madaafiicdan lagu tuuray madaxtooyada.

Warqabadka togaherer
Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: