Toggaherer’s Weblog

CIIDAMO FARA BADAN OO LAGA QORAY DEEGANKA KILILKA SOMALIDA LANA DAGAALAMAYA JABHADAHA

Posted on: February 8, 2009

CIIDAMO FARA BADAN OO LAGA QORAY DEEGANKA KILILKA SOMALIDA LANA DAGAALAMAYA JABHADAHA

JigJiga 08 Feb 2009 ToggaHerer

Maamulka Kililka gaar ahaan xafiiska nabadgalyada ayaa sameeyey maleeshiyadii ugu badneyd ee loogu talo galay iney la dagaalamaan ururada ka soo horjeeda dawlada ee nabad diidka loo yaqaan. Wararka ayaa intaa ku daraya in xafiiska nabadgalyadu ku hawlanaa muddooyinkii danbe siduu u soo afjari lahaa dhaqdhaqaaqyada ururada isagoo isticmaalayo dhawr arimood

Mida hore in shacabka cadaadis badan lagu saaro iney soo sheegaan, cid walba oo laga shakiyana xabsiga loo taxaabo. Midda labaad oo ah in cunaqabaynta dhaqaale lagu hayo shacabka oo la xadido socodka gaadiidka dalka iyo dibaddiisa iyo midda saddexaad oo ah in la qoro ciidamo gaar ah oo mushahar ah oo ah kuwa beeleed kuwaasoo ka hawlgala aaggagooda kuna doonta ururada meeshii loogu sheego.

Ciidamadan oo si gaar ah loo tababaray ayaa waxey maalmihii lasoo dhaafey dagaalo badan la galeen ururada gobolka Fiiqeed iyadoo dhimashooyin badan soo kala gaadheen labada dhinacba balse aan tafaasiil ah laga heynin. Gobolada ay ciidamadan kusugan yihiin ayaa waxaa kamid ah Qoraxey, Wardheer, Godey, Fiiq iyo Dhagaxbuur.

Si kastaba ha ahaatee siyaasaddan cusub ayaa u muuqata tii Ciidamda Maraykanku ka sameeyeen Wadanka Ciraaq ee lagaga Hortagayay Dagalyahanadii Suniyiinta Reer Ciraaq
ee lafo Maroodi iyaga ayaa la isku jabiyaa.

Wariye: Xuseen Jaamac Duraan (Xusto)
Wariyaha ToggaHerer ee Ethiopia

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: