Toggaherer’s Weblog

BARAF AAD U BADAN OO KA DA,AY OSLO IYO WAQOOYIGA NORWAY(DAAWO SAWIRADA)

Posted on: February 8, 2009

BARAF AAD U BADAN OO KA DA,AY OSLO IYO WAQOOYIGA NORWAY(DAAWO SAWIRADA)

Oslo 08 Feb 2009 ToggaHerer

Baraf xanibay isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa ka da’ay Norway gaar ahaan waqooyiga Norway sida magaalda Tromsø, Warbixin iyo Sawira ay kasoo qadeen wariyayaal iyo kamaro maano ka mid ah Bahda ToggaHerer Network oo kasoo diray halkaasi. 
Barafka da’ay ayaa dhib gaadhsiiyey socdaalka iyo shaqooyinka dadka iyo gaadiidka aniga oo wareysiyo badan ka qaaday dhalin yaro Fara badan waxaan indhaheyaga saarnay Bulshaweynta Reer Tromsø in ay dhib ku noqotay sida ay Shaqooyinkooda u tegi lahaayen iyadoo uu Barafku uu qariyay Gaadiidkii dadku uu ku tagi lahaayeen shaqada.

Barafkan ayaa wuxuu joojiyay shaqooyinka in la tago iyo socdaalka Wadooyinka soo galo magaaloyinka, Sawirada aad hadda aad aragtaan waa Baabuurta oo ka bixi la Barafkii intaasi waxaa sii dheeraa qaboowga .

Dhinaca kale ee Magaalada Oslo gaar ahaan Train Stationka Weyn ee Oslo S mar aan waraysiyo la yeeshay dadka danyarta ah ee u hoyda debada ayaa waxa ay sheegeen in ay qarka u saran yihiin in ay geriyoodaan maadama uu barafku said yahay aan loo oglayna in ay seexdaan meelha Train Stations ka taas oo hadii uu barafku ku sii socdo sidan ay noqon doonto in dad badan oo darbi jiif ahi ku geeriyoodaan.

Waxaa iyana idaacadaha dalkaasi Norway ay sheegeen in wiigan oo dhan uu barafku sidaa ahaan doono taas oo kalifi doonta in ay tacab badan galiyaan sidii ay wadooyinka u banyan lahaayeen kuwa laamiyada ahna ugu shubi lahaayeen milix dhalaalisa barafka.

Waxay ahayd shalay mar aan maraayey Tveita in markii aniga oo bas la socda oo ku sii jeeda xagaa iyo Grorud T ay baabuur yar yari isku xanibtay wadada Hellerud Veien taas oo sababtay in aanu ka degno baska iskuna dayna sidii aanu uga riixi lahayn wadada si aaanu u dhaafno.

Dhamaan xaafadaha Oslo ayaan kala dhici taas oo ay isku soo hagaagtay barafka iyo iyada oo ahayd Maalmo fasax ah oo ah sabti taas oo dadkii shaqaalaha ahaa ay nasnayeeen ama badhkood uun ay shaqaynayeen taasina waxay sababtay in baraf badani is tuulo kadimada guryaha lana doonan kari waayo adeegii la istimaali lahaa Axada oo aanay dukamo furnayn bal se rafaad dabadeed ayey xalay khasab ku noqotay in la guro intii ay kareen barafka hor tuulada wadooyinka iyo iridaha guryaha.

Si kastaba ha ahaatee Barafkan da’ay iyo Qabowga dhacaya oo aad u xun ayaa waxaa loogu baaqay dadweynaha in ay ka foojignaadan isla markaana ay xidhaan dharka qabowga ka difaaca qaboowga dhacaya oo lagu tilmaamay mid aan caadi aheyn.

Warqabadka togaherer
Oslo
Norway


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: