Toggaherer’s Weblog

WAFTI BALAADHAN OO UU HOGAMINAYO FAYSAL CALI WARAABE OO SOO GADHAY LONDON

Posted on: February 7, 2009

 

WAFTI BALAADHAN OO UU HOGAMINAYO FAYSAL CALI WARAABE OO SOO GADHAY LONDON

WAFTI BALAADHAN OO UU HOGAMINAYO FAYSAL CALI WARAABE OO SOO GADHAY LONDON

Waxa maanta soo gaadhay magaalada London oo si diiran loogu soo dhaweeyay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga UCID, mudane Faysal Cali Waraabe, waftigan oo ka soo kicitimay caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa dhawaan socdaal hawleed xisbi ku soo maray wadamo dhowr ah oo ay ka midyihiin wada khaliijka Carabta, sida Kuwait,Qatar iyo wadanka Imaaraadka Carabta.

Waftigan maanta soo gaadhay magaalada London ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay madax sar sare oo ka mid ah xisbiga UCID/UK Iyo Yurub, iyo sidoo kale qaar ka mid ah tageerayaasha xisbiga UCID/UK. Hadaba waftigani, waxa aanu wax ka waydiinay mudane Siciid Cumar oo ka mid ah madaxda sar sare ee xisbiga UCID, ee qaarada Yurub, waxa aanu noo sheegay in ay waftigaasi ku qaabileen madaarka magaalada London, isla markaasina si diiran ay u soo dhaweyeen, waxa uu noo sheegay mudane Siciid in waftigani oo ka kooban:

Guddoomiyaha barlamaanka Somaliland C/raxmaan mohammed Ciro.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Ahna musharax M/waynaha Faysal Cali Waraabe.

Musharaxa M/wayne xigeenka Dr Mohammed Rashiid Sh. Hasan.

Gudooyiye xigeenka Kowaad ee xisbiga Adan Mire waqaf.

Xildhibaan Naasir Cali Shire. 

Xoghayaha arimaha dibada xisbiga Ucid Ahmed Fagfagaash.

Ay maalinta bari ah la kulmi doonaan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London iyo nawaaxigeeda, waxa aananu ka codsanynaa in ay dadku ka soo qayb galaan xafladaasi, waxan dadwaynaha lasocod sinaynaa inay si mugleh uga soo qaybgalaan wakhtigana ilaaliyan waxaad hoosna ka dheehataan goobta shirka iyo goorta, ayuu hadalkiisa ku soo koobay, mudane Siciid Cumar. 

Adressku waa Priory community Centre
Acton Lane Road
Acton
W3 8NY
Wakhtiga shirka 4 pm

Wixii faahfaahin shirka ku saabsan waxaad kala soo xidhiidhaysaa

Mohammed Ibrahim 07507790906
Ibrahim rashiid 07946453735
Caasha Xuseen 07984939920
Siciid Omar 07825769641
Xamse 07737522004 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: