Toggaherer’s Weblog

MIRQAANKA IYO SHACBIGA REER YEMEN MAXAA KALA HAYSTA (DAAWO SAWIRADA)

Posted on: February 7, 2009

MIRQAANKA IYO SHACBIGA REER YEMEN MAXAA KALA HAYSTA (DAAWO SAWIRADA)

 
ILMO KA YAR QAAN GAADH OO QAYILAYA

Sana’ 07 Feb 2009 ToggaHerer
Yemen Waxaa ka ah cunista qaadka wax caadi ah oo waxay ka mid tahay qeyb ka mid ah nolol maalmeedka shacabka reer Yemen iyagoo ay ka wada siman yihiin cunista qaadka, oo waliba ay iskugu faanaan, ninkii aan cunin qaadka loo aqoonsan yahay inuu yahay nin aan bulshada dhexdeeda wax sumcad ah aan ku lahayn, xataa hadii gar la galaayo uusan soo xaadiri karin goobta ay garta ka socoto.

Qaadka aya ah maandooriyaha ugu badan ay isticmaalaayaan shacabka reer Yemen, iyagoo aad u sharfaya cunistiisa iyo meesha ay ku cunayaanba, waxaa kaloo ay dadka qaar sheegayaan in xilliyada shaqada iyo waxbarashada ay ku egtahay galinka hore ee haddii la gaadho xilliga qadada kuma arkeysid magaalada qof nuuxsanaayo oo waxaa la wada joogaa meelaha loo yaqaan Mafrashka halkaasi oo ah meesha ay iskugu yimaadaan oo ay isku balan sadaan dadka qaadka cuna, halkaasi oo qof waliba ku soo bandhigaayo mirqaanka waxa uu tusiyo si looga wada hadlo.

Cunista qaadka ayaa sababto qofka inuu ku riyoodo riyooyin aad u badan kuwaas oo la yidhaahdo Mirqaan.

Sida ka jirta qaar ka mid ah degmooyinka iyo gobollada waaweyn ee yemen ayaa aad looga isticmaalaa maandooriyahaan qaadka ah, kaasoo saameyn weyn ku leh Yemen.

Bal aan aragno oo isla daawano sawiradan qaar waxa uu tuso markii ay mirqaamaan:- 
Dhalanyarada oo mirqaankooda tusiyay in Ronaldo, Messi iyo Ronaldinho ay waxba dheereyn waliba ay ayaga ka cayaar wanaagsan yihiin, kaliya ay fursadda saaciday.

Oday qaadka iibiya oo ku riyoonaya ama mirqaankiisa tusiyay inuu sii hormariyo ka ganacsiga qaadka uu usii dhoofiyo qaadka Maraykanka iyo yurub. 

Mafrash aad u wayn oo lagu marqaamo kaasoo qof waliba soo bandhigaayo mirqaaankiisa, kadibna soo bandhigaayo fursado uu ku hormarin karo noloshiisa, wadankiisa iyo uu ku badali karo xaaladaha adage ee la soo gudboonaato Adduunka sida siyaasadaha I.W.M, waxaana halqabsi u ah qof waliba qofkuu ka taqsiin badan yahay waa ka marqaan fiican yahay. Oday da’ ah oo ka fakaraayo siduu u xalin lahaa qilaafka Bariga dhexe ee carabta iyo Israaiil u dhexeeya, haddii isaga lala tashan lahaana uu xal ka keeni lahaa. 

Dhalanyaro ku mirqaamaayaan inay soo afduubtaan Gujis Ruush laga leeyahay oo maalmahaan jooga xeebaha gacanka cadan, kadibna ay ku rinjiyeeyaan calanka yemen, si ay ugala dagaalamaan budhcad badeedka soomaalida. 

Rikaab oo ka fakaraayo xiligii la gabagabayn lahaa wadada tareenka ee isku xidha yemen ilaa Japanka oo dowladda marar badan balan qaaday. Maamule iskuul oo ku marqamay siduu uga sameyn lahaa farac kale oo iskulkiisa hoos yimaada gobolka Villa Delfiya ee Mareykanka. Tababare kubadda cagta ee koox heerka 5aad ah oo ku mirqaamaya xiliga ay marti galin lahayd wadankiisa ciyaaraha aduunka ee kubadda cagta Mirqaan bar go’ah o ku fakarayo siduu asxaabtiisa la qayileyso uu qaad kaga xadi lahaa Wiil dhalanyaro ah oo isna mirqaanka tusiyay siduu u noqon lahaa xiddig aflaanta jila, waliba siduu u sameyn lahaa filin Ameerikaan ah oo ku jilayo wadanka China Musaafir ka soo daahday dayaaraddii oo marqaanka tusiyay in dayaaradda loo kordhiyo lugaha ay ku soo degeyso si ay ugu fududaato soo degitaankeeda.

 
MARFISH AY KU QAYILAYAAN BOQOLAAL DAD AH

 
NIN QAYILAYA OO MIRQAANKI GAADHAY

 
NIN GIDAAR KU QAYILAYA OO UU GAADHAY QAADKI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: