Toggaherer’s Weblog

ETHOPIA OO SHEEGTAY IN AY BADHAYAAN CIDII DISHAY DEBLAMASI MARAYKAN AH .

Posted on: February 7, 2009

ETHOPIA OO SHEEGTAY IN AY BADHAYAAN CIDII DISHAY DEBLAMASI MARAYKAN AH .

Ciidamada Booliska Wadanka Ethobia ayaa furay Baaritaano ku aadan sababta ka danbaysay Dhimashada Dilamaasi Ameerikaan ah oo maydkiisa laga helay Qolkiisa oo ku yaala Caasimada Wadanka Ethobia ee Addis Abba. 

Warar laga Soo Xigtay Diblamaasi kale oo u dhashay Wadanka Maraykanka ayaa sheegaya In Diblamaasiga La Dilay uu ahaa Nin Dhaliyaro ah oo da’diisu ahayd 25jir islamarkaana uu ka shaqaynayay Safaarada Wadanka maraykanka ee ku taala magaalada Addis Ababa ee Wadanka Ethobia 
Diblamaasigan ayaa sidoo kale sheegay In Warbixinadii ugu danbeeyay ee ka Soo baxay Ninkaasi ay sheegayaan In la Dilay islamarkaana aan la garanayan Cida ka danbaysay Dilkiisa. 

Ciidamada Booliska Ethobia ayaa iyagu sheegay inaysan ka Hor dhacayn Baaritaanada la Wado islamarkaana aysan Ilaa Iyo hada garanayn In la Dilay Iyo Inuu Iskiiis u dhintay.

Afayeen u hadlay Ciidamada Amaanka Ethobia ayaa sheegay inay wadaan Baaritaanada maydka Diblamaasiga waxa uuna sheegay Inay waqtiyada Soosocda Soo bandhigi Doonaan waxyaabaha Ka Soo baxa baaritaanadala sameeyay.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: