Toggaherer’s Weblog

XUBNO KA TIRSAN UDUBTII MUCAARADKA AHAYD OO KA TANAASULAY MAWQIFKOODII HORE

Posted on: February 6, 2009

XUBNO KA TIRSAN UDUBTII MUCAARADKA AHAYD OO KA TANAASULAY MAWQIFKOODII HORE

Hargeysa 05 Feb 2009 ToggaHerer

Xubnahan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag-bari (Dhul-bahante iyo Warsan-geli),oo uu hogaaminayo Cali Axmed (Cali-cantar) oo hore u ahaa wasiirka Xannaanada xoolaha iyo Xildhibaano ka tirsanaa golihii hore ee Wakiillada ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotel-ka Crown (Ex-Arraweelo) ee magaalada Hargeysa ayaa ku cadeeyay inay ka tanaasuleen Mawqifkii ay ku diidanaayeen qaabka loo maamulay shirweynaha 2aad ee Xisbiga UDUB, waxaanay sheegeen inay taageersan yihiin natiijadii ka soo baxday shirka isla markaana u hogaansamayaan ujeedooyinka Xisbigooda.

Waxa kale oo ay sheegeen ujeedadooda hore inay ahayd in la saxo salluug ay ka muujiyeen qaabka loo xulay ergooyinka iyo sida loo maamulay, balse aanu hadafkoodu ahayn inay Xisbiga ka baxaan ama ay burburiyaan, isla markaana ay haatan talooyin ay ka yeesheen wixii ay yeeli lahaayeen ay ku go’aansadeen inay dib ugu noqdaan xisbigooda.
Cali-Cantar wasiirkii hore ee Xanaanada xoolaha oo ka hadlayay arrintaasina waxa uu yidhi “waxaan maanta isugu nimi inaan ka hadalno arrin ahayd xisbiga bah-weynta UDUB oo aanu salluugnay oo jinaaxii ka baxay aanu ahayn, hase ahaatee annagana wax badani ay noo hir geli waayeen, sidaa darteed waxaanu markii danbe garanay inaanu ku noqono oo aanu taageerno wixii ka soo baxay Bahweynta Xisbiga UDUB ee ahayd sidii loo doortay Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka , isla markaana annaga laftayadu wada hadal markii aanu samaynay, wada hadalkaasi na tuso inaanu ku noqono xisbigayagii oo aanu rajo badan ka damacsanahay. Sidaa darteed Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Hayin Nimuu ka jiifsaday Wuxuun Halliga saarsaar”, markaa arrin kasta oo jira qofka si buu ula ekaadaa, qofka kale si kale ayuu ula eekaanaya, wax waliba ha dhacaan laakiin aakhirka biyuhu meel godan bay isugu yimaadaa. Aakhirka arrinkayagu wuxuu noqday inaanu dib isugu soo noqono oo annaga waliba beeshayada Harti wixii nagaga jiray halkaasi ee ergooyinka ahaa inaanu dib isugu noqono isla markaana aanu taageerno, Markaana annaga laftayadu xisbigii dib ugu noqono.

Warqabadka togaherer
Haragaysa 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: