Toggaherer’s Weblog

SHIRGUDOONKA IYO XUBNO KA MID AH GOLAHA GUURTIDA S/L OO AAN KA QAYB GALIN SHIRWAYNIHII 2AAD UDUB

Posted on: February 6, 2009

 

SHIRGUDOONKA IYO XUBNO KA MID AH GOLAHA GUURTIDA S/L OO AAN KA QAYB GALIN SHIRWAYNIHII 2AAD UDUB

Hargeysa 05 Feb 2009 Togaherer

Shirguddoonka golaha Guurtida Somaliland ayaan habayaraatee ka qaybgelin shirweynihii xisbiga udub ee maalintii shalay lagu soo gebogabeeyey Hoteelka Maansoor ee magaalada kuwaas oo labaddii maalmood ee uu socday shirkaasi iska watay hawlmaalmoodkoodii shaqo ee golaha, iyadoo dhinaca kalana mudanayaashii golaha dhexe ee xisbiga UDUB ee golaha Guurtida dhamaantood laga saaray ergadii shirweynaha balse lagu martiqaaday qaab goob joognimo taas oo sida la sheegay ay mudanayaal badani ka soo dareereen halka qaar kalana aanay kaba qaybgelin.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiye ku xieenada 1aad iyo 2aad sheikh Axmed Sh. Nuux Fure, guddoomiye ku xigeenka 2aad Siciid Jaamac Cali oo iyagu hore uga mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga UDUB ayaan iyagu gebi ahaan ka qaybgelin shirweynaha taas oo labadii maalmood ee uu shirkaasi udub socday ku sugnaa xerunta golaha Guurtida, iyadoon si rasmiya loo ogeyn in sababaha dhabta ah ee ay uga baaqdeen shirweynahaasi udub ay ka dhalatay ergada laga reebay iyo inaan lagu casuumin ba, haddana gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu hore uga mid ahaa guddida fulinta xisbiga udub oo aanu kula kulnay xarunta golaha Guurtida isla markaana aanu wax kaga waydiinay sababta uu uga baaqday shirweynaha xisbigiisii UDUB ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiila ka bixiyo, iyadoo dareen xasaasiya uu ka qaatay su’aashana waxa uu si kooban u yidhi Md: Saleebaan Gaal “ waxaan umalaynayaa inaad rabshadoon tahay”

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka 1aad ee gole Sh. Axmed Sh. Nuux Fure oo aanu isagana wax ka waydiinay arinkaasi ayaa isaguna noo sheegay in haddii lagu casuumo ay shirweynahaasi tagi doonaan haddaan lagu casuumina ay shaqadooda golaha wadanayaan isagoo arinkaa ka hadlayaana waxa uu si kooban u yidhi “ shaqadii shirweynahaasi xisbiga UDUB-na lagu casuumo waanu tagi haddaan na lagu casuumina tagi mayno ee hawlaha golahayaga ayaanu wadanaynaa”.

Inkastoo ay ka war wareegeen shirgudoonka Guurtidu sababaha dhabta ah ee ay uga baaqdeen haddana waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in shirgudoonka iyo mudanayaal kalaba ay ka cadhoodeen ka dib markii lagu marti qaaday qaab goob joognimo in shirkaasi uga qaybgalaan lagana reebay ergada shirweynahaasi ay keentay in shirgudoonka iyo mudanayaal ka tirsan golaha dhexe ee UDUB ay u arkeen mid lagu quudhsaday goobjoognimada, sidaas darteedna ay tahay sababaha ay shirgudoonka iyo mudayaasha UDUB ee golahaasi uga qaybgeli doonaan shirweynaha 2aad ee xisbiga UDUB.

Haseyeeshee waxa jiray oo kale Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo dhawr muddane oo kale oo iyagu shirkaasi kaga qaybgelay qaab marti sharaf.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: