Toggaherer’s Weblog

QOXOONTI KA SOO BARAKACAY DHULKA OGADEENIYA OO BUUX DHAFIYEY XERYAHA QAXOONTIGA EE KENYA

Posted on: February 6, 2009

QOXOONTI KA SOO BARAKACAY DHULKA OGADEENIYA OO BUUX DHAFIYEY XERYAHA QAXOONTIGA EE KENYA

Kenya 05 Feb 2009 ToggaHerer
Qaxooti fara badan oo ka soo jeeda dhulka ogaadeenya ayaa haatan waxa ay ku suganyihiin xerooyinka qaxootiga dalka kenya gaar ahaan dhinaca Gobolka waqooyi bari kuwaas oo ay qaarkood soo food saartay dhibaatooyin xagga nolosha ah waxaana intaa u sii dheer in aysan si wanaagsan u helin adeegaydii ay uga baahnayen ha’adaha caalamiga ah oo aan iyagu Dadkaan sidii looga bartay anu wax ugu qaban.

Saraakiil ka tirsan hay’ada qaxootiga aduunka ee marka lasoo gaabshoo magaceeda looyaqaano UNHCR ayaa waxa ay sheegeen in dadkan qaxootiga ah Ogaadeeniya Somaliya,Burundi,Sudan ee ku sugan xerooyinka Dhadhaab in aysan xaaladoodu wanaagsaneyn isla markaan ay haatan sii badanayaa Dadka iyagu qaxootriga ah ee wali kusoo qul qulaya xeradaan qaxootiga.

War goor dhaweyd ka soo baxay wasaarada socdaalka dalka Kenya ayaa lagu sheegay indawladu ay qorsheeyneyso dhawaan in ay bilaawdo howlagu eegayo dadka qaxootiga ah ee dalka ku sugan si looxaqiijiyo ammank guud ahaan dalka kenya madaama ay bateen dad iyu ka soocararya melaha ay ka jiraan dhibaatooyinka oo malin walba lugahooda ku soo gala dalkan kenya .

Wasiirka socdaalka Kenya Mr Otieno Kajwang ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la kulmay hay’ada qaxopotiga aduunka ee UNHCR waxa uuna u shegay in ay ka sheqeeynayaan howlaha ammanka dalka waxaana sidoo kale uu shegay in lasameeyn doono xerooyin cusub

Caruur fara badan ayaa kamida Dadka ka soo bara kacay Ogadeniya iyo Somaliya oo iyagu wax ku barta geedaha hoostooda mana heysaan meel kaga wanaagsan geedaha hoostooda. dowlada mareykanka aya dhawaan ka qereybisay raashin wallow ay yartahay gargaarka ay ka helaaan aduunka intiisa kale.

Dakani ayaa badankoodu ka soo qaxay dulka soomalidu dagto ee gumeeysiga gacanta ugu jira ee ogaadeeniya oo ay ka jiraan dhibatooyin fara badan waxaana qaxootigaan tiradiisa sii kordhiyay kadib markii ay uu cirka isku sii shareeray dagaalka u dhaxeeya Jabhada xureeynta ONLF iyo ciidamada Gumeeysiga itoobiya oo inta badan ku hardama dulka la heeysto ee ogaadeeniya waxaana inta badan dhibaatooyin ka soo garaan dadka rayidka ah.

Waxaana mararka qaar dhacda in hadii ciidama itoobiya loo geeyso dhibaatooyin kaga yimada dhanka ONLF waxaa iyaguna ka aarsadaan dadka rayidka ah waana taas sababta ay dadku uga soo carareen dulkooda iyagoona an ogeeyn mel ay u socdaan.

Axmed Ugaas Cali
Nairobi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: