Toggaherer’s Weblog

MAAYARKA CEERIGAABO OO BEENIYEY WAR AY SAXAFADU QORTAY IYO XAALADA GOBOLKA SANAAG

Posted on: February 6, 2009

MAAYARKA CEERIGAABO OO BEENIYEY WAR AY SAXAFADU QORTAY IYO XAALADA GOBOLKA SANAAG

Ceerigabo 05 Feb 2009 Togaherer

Maayarka Ceerigaabo oo Beeniyey Waray Saxaafaddu Qortay iyo Xaaladda Gobolka Sanaag

Maayarka Ceerigaabo mudane Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa beeniyey war uu dhawaan faafiyey wargeys ka mida Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeisa oo tibaaxayey in Maayarka iyo Xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB oo ka yimi Gobolka Sanaag laga saaray shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB.

Maayarka oo galabta waraysi gaar ah siiyey Shabakadda Wararka Gobolka Sanaag ee sanaag.org isagoo ku Sugan hotelka uu degan yahay ayaa yidhi “Waxaa wax laga xumaado in saxaafadda qaar aan xilkas ahayni qoraan war been abuur ah oo aan waxba ka jirin, waxaan kuu sheegayaa in warkan odhanaya in naloo diiday ama nalaka saaray shirweynihii xisbiga UDUB inaanu ahayn war sal iyo raad toonna lahayn, aniga [Maayarka] waxaa ila soo hadlay madaxweynaha aniga oo Ceerigaabo jooga iguna yidhi soo kaxee oo soo hoggaami Xubnihii ka imanayey gobolka Sanaag, shirkana waannu ka qayb galnay cid noo diidayna may jirin, taas bedelkeeda si aad u heersaraysa ayaa nalooku soo dhoweeyey madasha, in warkaasi uu been yahayna waxaa caddaynaysa xataa inay magaca khaldeen oo magac kale ku sheegeen” sidaa waxaa yidhi Maayarka Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ceerigaabo ahna maayarka mudane Ismaaciil Xaaji Nuur maraan wax ka weydiiyey sida ay deegaanada Sanaag ay uga qabsoontay hawsha diiwaangelintu wuxuu sheegay inay si fiican uga qabsoontay inkasta oo ay jiraan meelo shishe oo aanay diiwaangelintu gaadhin “Diiwaangelintii Gobolka Sanaag si wanaagsan ayay uga qabsoontay, illaahay ayaana mahadda leh, waxan kuu sheegayaa in gobolku yahay mid ballaadhan, kuma odhan karo gobolka oo dhan ayay ka qabsoontay balse waxaa jira meelo la gaadhi waayay oo ay ka qabsoomi wayday, waxaan hambalyo u jeedinayaa shacabka ku dhaqan gobolka Sanaag, iyo guud ahaan Somaliland”

Mr. Ismaaciil Xaaji Nuur maruu ka hadlayey xaaladda nololeed ee gobolka Sanaag ee dhibaatooyinka ugu badan ee dadka deegaankaas ka haysta dhinaca adeegyada bulshada ayuu yidhi “Sanaag waxaa haysata dhibaatooyin badan oo u baahan in si dhakhso ah loo xalliyo, waxaa ka mid ah horumarinta waxbarashada gaar ahaan in la dhiso jaamacad waana baahi taagan oo taageeradeeda laga sugayo xukuumadda iyo Shacabka Reer Sanaag, waxaa kale oo jirta waddo la’aan oo gobolkii ka dhigtay go’doon, waxaa intaas ka sii daran lacagahan Faalisada ah oo gobolkan faro xun ku haya ayna u eg tahay inay dhaqaalihii gobolka burburinayaan, arimahaas oo dhami waa caqabadaha ugu badan ee na haysta” sidaa waxa yidhi Maayarka Ceerigaabo.

Ismaaciil Xuseen Farjar
Shabakadda wararka Gobolka Sanaag
http://www.sanaag.org
ismailhm@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: