Toggaherer’s Weblog

SHIRKII UDUB OO LAGU DOORTAY MUSHARAXIINTA MADAXTOOYO EE UDUB & XOGHAYIHII GUUD EE URURKA

Posted on: February 5, 2009

SHIRKII UDUB OO LAGU DOORTAY MUSHARAXIINTA MADAXTOOYO EE UDUB & XOGHAYIHII GUUD EE URURKA

SHIRKII UDUB OO LAGU DOORTAY MUSHARAXIINTA MADAXTOOYO EE UDUB & XOGHAYIHII GUUD EE URURKA

Hargeysa 04 Feb 2009 ToggaHerer
Shirkii Udub ee garabka madaxweyne Riyaale ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyey huteelka Maansuur ee magaalda Hargaysa shirkaa oo lagu doortay musharaxa madaxweyne ee xibiga Udub iyo waliba gudoomiyaha xisbiga Udub ee shanta sano ee soo socda .

Shirkaasi Udub ee garabka madaxweyne Riyaale oo socday mudo labo maalmood ah ayaa saaka waxaa uu shirku ku furmay gudagalka xeer cusub ii la soo sameeyey markii xubnaha hagaayey madashaasi ay ka akhriyeen waxaa loo sheegay ergayda in shirku gacanta u taago oo duuduub loo ansixiyo.
Xubno aragti ka duwan ka keenay xeerkan oo uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee Arimaha guduha mudana Ismaaciil Adan ayaa ka baxay shirka markii dhag loo dhigi waayey soo jeedintiisii.

Shirkii manta ayaa lagu ansixiyey in uu noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Udub mudane Daahir Riyale halka kuxigeenka loo doortay Axmed Yusuf Yasin, waxa kale oo isla goobtaas lagu ansixiyey xoghayaha guud ee xisbiga taas oo loo doortay oo ah nin qurba jooga ah Jaamac Yaasiin Farax ayaa raga badan iyo beelo badan oo ka haystay balan qaad ah in uu ku wareejinayo gudoomiyaha xisbiga udub ogaaday in aan mudane Riyaale cidna waxba uga ogolayn markii ay arkeen natiijada shirka ka soo baxday oo ah in ay gudoomiyihii iyo ku xigeenkiiba ayna is dhafin iyagu in ay noqdaan shanta sano ee soo socota.
Warqabadka togaherer
Haragaysa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: