Toggaherer’s Weblog

MUNAASABAD LAGU XUSAAYEY SANAD GUURADII 15AAD EE CIDAMADA QARANKA OO MAANTA DHACDAY

Posted on: February 5, 2009

MUNAASABAD LAGU XUSAAYEY SANAD GUURADII 15AAD EE CIDAMADA QARANKA OO MAANTA DHACDAY



Hargeysa 02 Feb 2009 ToggaHerer
Munaasabad loo sameeyey sanadguuradii 15 aad ee aasaaska ciidanka qaranka Somaliland ayaa lagu qabtay xarunta miiska saraakiisha ee magaalada Hargaysa.

Munaasabad dabaaldega ciidanka ayaa waxaa ka soo qayb galay madaweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Dahir Riyaale Kahin ,gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye Ahmed Maxamed Siiraanyo,Gudoomiyayaasha gulayaasha Guuritida iyo Wakiilada iyo marti sharaf kale.

Hadal gaaban oo mudane Riyaale xafladaasi ka jeediyey ayaa waxa uu ku sheegay in ciidamada qaralka tababaradoodu ay ka caawiso dawlada Ethiopia saraakiilbada oo la soo tobabarayna ay noqondoonaan hogaamiyayaasha ciidama qaranka Somaliland.

Madaxweyna Riyaale waxa kale oo uu sheegay in dismaha ciidamada qaranka ay wax badani ka dhiman yihiin waxyaalo u kordhayna ay jiraan dowladuna aanay waxba kala hadhay.
Madaweyne Riyaale ka horena waxaa khudbad ka jeediyey munaasabadasi taliyaha ciidanaka qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Cabdilaahi Cali Yuusuf oo ka hadlay hawlqabadka tababarada iyo tayada ciidama qaranka Somaliland iy masuuliyada ay ku beegan yihiin ee ilaalinta iyo difaaca qaranka Somaliland.

Munaasabadan sanadguurada 15aad ee ciidama qaranka Somaliland oo si wayn maanka loogu hayey in uu madaweyne Riyaale uu ka hadlo marxaladan siyaasadeed ee qalafsan ee uu wadanku hada maraayo, haælk ay ku dambeeyeen darajadii cidamadu oo uu hortooda ugu yaraan uu afar jeer ka balan qaday,kasoonidii xubnaha commissiona ay dalbeen axsaabta siyaasadu , iscasilaadii gudoomiyaha commisionka iyo arinta ugu wayn ee ah khilaafaadka dhex bariinsaday gudaha xisbiga Udub oo bari la filaayo in laba shir oo Udub ahi bari iska bar bar furmaan ayaanu gabi ahaanba ka hadal madaxweyne Riyaale arimahasi.

Khudbadaasi ciidamada uu u jeediyey ayaa gabi ahaana aanu ka hadal arimahasi laga filaayey in uu madaxeynuhu ka hadlo ayaa aritida laga bixyey ay muujinaysaa dareen laanta iyo qiima tirka uu Riyaale ula muuqato masuuliyada ay dadku u dhiibteen in uu dadka uun ula siman yahay ee xil gaar ahiba aanuu saarnayn, tagitaankii munasabadasi ciidmada ee madaxweyne Riyaale ayaa si xoog leh loo dhoobay ciidamo iyo gawaadhiga gaashaman inta u dhaxaysa xarunta miista saraakiisha ilaa xaranta madaxtooyada Somaliland

Warqabadka togaherer
Haragaysa


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: