Toggaherer’s Weblog

MUDANE KABAWEYNE OO CADEEYEY SABABAHA UU ISU CASILAY.

Posted on: February 5, 2009

MUDANE KABAWEYNE OO CADEEYEY SABABAHA UU ISU CASILAY.

Hargaysa 02 Feb 2009 ToggaHerer

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne), ayaa xaqiijiyey inuu lixda xubnood ee guddigiisa u qoray qoraal uu isaga casilayo xilka.

Md. Kabaweyne

“Horta muddadii doorashada waxa ka hadhsan 56 maalmood oo qudha, waxana jirta in xubnihii Komishanka aanay u muuqan qaar u diyaar ah hawsha culus ee ku soo socota dalka. Aniga iyo laba xubnood mooyaane inta kale oo dhammi waxay wadaan mu’aamarad ay ku minjo-xaabinayaan masiirka qaranka iyo sidii aanay dalka wax doorasho ahi uga qabsoonteen, waxaas oo dhanna waxay u samaynayaan ku xumayn ay aniga iila jeedaan. Markaa waxaan u qoray warqad iscasilaad ah oo toddoba casho gudahood haddaanay wadashaqayn iyo isku xidhnaan buuxda la iman waan iscasilayaa, mana doonayo inay aniga oo qudha ceebtu i raacdo.

Waxaanna igu kelifay iscasilaadda markaan arkay xubnihii Komishanku ay aniga dartay u duminayaan dantii qaranka, ha ugu horreeyo Jaamac Sweden oo xumaanta oo dhan iyo khilaafka Komishan u aabbo ah, cid soo shaqo tegaysaa ma jirto iyo cid xilka iska saaraysa hawsha ay qaranka u hayaan, waxaanan ku idhi ciddii aniga I neceb waan idin banaynayaa ee badka iskeena, aniga oo xubin ah ayaanan qaranka u shaqaynayaa oo hawshii aan hayey sii labanlaabayaa.”

Guddoomiyaha oo la weydiiyey inuu soo sheego xubnaha Komishanka ee uu hawsha ka wadi kari la’yahay waxa uu yidhi; “Magacyadooda waxba sheeg-sheegi maayo, laakiin waxa ugu darran xubnaha Komishanku ka shaqayn la’yahay ninka la yidhaahdo Jaamac Sweden oo intuu habeenkii oo dhan qayilo xubnaha kalena ku yidhaahda waxba ha shaqo tegina ee iska nasta. Ku xumeyntayda ayuuna waxaas oo dhan u samaynayaa, waxayna ahayd in aannu hawshayada dardargeliyo, maadaama xisbiyadii qaranku kalsoonidoodii na siiyeen oo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad iyo Madaxweynuhuba kalsooni buuxda na siiyeen, laakiin taasi ma muuqato, waxana jira xubno aan weligood soo shaqo tegin oo 11 barqanimo iyo wixii ka dambeeya iska soo toosa ama meelahaa bunka ku soo cabba oo aan ismoodayn inay xil culus qaranka u hayaan.

Hawlihii Komishanka oo dhan baan ilaa hadda loo dhaqaaqin, xafiisyadii gobollada lama furin, wax allaala wax shaqo ah oo socotaana ma jirto, arrintaasina inay masuuliyadeedu i fuusho ma doonayo.”

Mr. Kabaweyne oo la weydiiyey in khilaafka cusub ee xubnaha Komishanka soo dhexgalay saamayn ku yeelan karo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsooma, waxa uu ku jawaabay; “Waa laga yaabaa in khilaafka Komishanku dhammaado haddaan iscasilo, haddii sidaa danta qaranku ku jirtana waanigaa warqaddii iscasilaadda u qoray.

Waxa kaloo jira oo ka mid ah waxyaabaha doorashada caqabadda ku noqon kara xukuumadda oo diiday in ay bixiso $400 kun oo dollar oo ka mid ah $11 milyan oo deeqbixiyeyaashu codsadeen in dawladdu bixiso, waxana ilaa hadda naga soo gaadhay $600 kun oo dollar oo keliya, waxayna xukuumaddu diiday in ay bixiso $400 kun, arrintaasina waxay caqabad ku noqonaysaa doorasho qabsoonta, dhaqaalihii kale ee doorashada ku baxayeyna ilaa hadda cid umay dhaqaaqin, waxayna ku xidhan tahay xisaab-xidhkii oo aan celino, taasna in aannu diyaarino ayaannu ku rajo weynahay, haddii la helo xubnaha Komishanka oo isku duubnaada oo ul iyo diirkeed isku noqda, si ay u rumeeyaan riyada ummadda iyo beesha caalamka ee ku wajahan doorashooyin dalka ka dhaca.”

Waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta oo xubin ka ah Komishanka Md. Ismaaciil Muuse Nuur uu isna u caddeeyey in gebi ahaanba iska casili doono xubinnimada Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaasoo uu ku sifeeyey nin hawl culus dalka u soo qabtay, balse waayey cid ku cayda mooyee cid ku ammaanta hawshaas.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu soo shaac-baxo khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, balse is-maandhaafkoodu waxa uu soo taxnaa oo la kowsaday bilowgii hawlgalkooda, waqtigaas oo lixda xubnood ee guddigu shaqada ka joojiyeen xubinta xisbiga UCID soo xulay, isla markaana dalbadeen in laga beddelo, balse go’aankaas horjoogsaday Golaha Wakiillada oo cod aqlabiyad ah ku diiday. Waxa kale oo hore isu casilay guddoomiyihii ugu horreeyey ee Komishanka iyo ku-xigeenkiisii oo xataa xubinnimadii ka tegay, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafyo ka dhex aloosmay guddiga.

Sida oo kale, waxa khilaafka sababay in Md. Kabaweyne iscasilo lagu xidhiidhinayaa mid salka ku haya go’aan lixda xubnood ee Komishanku 5tii October 2008 ku hanjabeen in xilka ka xayuubin doonaan guddoomiyahooda oo ay ku eedeeyeen karti-darro iyo fadhiidnimo maamul oo la xidhiidha hawsha culus ee qaranka u hayaan, haseyeeshee waxa xil-ka-qaadistaa baajiyey saddexda xisbi qaran iyo Akademiga Nabadda oo u guntaday sidii loo soo afjari lahaa ismaandhaafka dhexyaal Guddiga Doorashooyinka, taasoo lagu guulaystay 6 October 2008, waxana xubnaha xil-ka-qaadistaa dabada ka riixayey lagu qanciyey in ololahooda hakiyaan, isla markaana wadashaqayn fiican dhexdooda yeesheen, maadaama waqtigaa loo diyaargaroobayey hawshii diiwaangelinta.

Haseyeeshee, khilaafka cusub ee hadda soo shaac-baxay, ayaa u muuqda mid saamayntiisu ka culus tahay murannadii hore ee soo jiitamayey, maadaama uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo dalku u diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyda oo waqtigii loo muddeeyey ka hadhsan yihiin wax aan ka badnayn 55 maalmood oo qudha.

Jamhuuriya Online

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: