Toggaherer’s Weblog

MARKABKII HUBKA SIDAY EE LAGA LAHA DALKA UKRAIN OO LA SII DAAYEY

Posted on: February 5, 2009

MARKABKII HUBKA SIDAY EE LAGA LAHA DALKA UKRAIN OO LA SII DAAYEY

Mogadisho 05 Feb 2009 ToggaHerer

Warar ka soo baxay Markabkii Hubka waday ee lagu haystay Xeebaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa in Buracd Badeedii markabkaasi haysatay la siiyay lacago madax furasho ah oo aad u fara badan.

Buracd badeeda Soomaalida ayaa iyagu markabkaasi afduubay bishii September sanadkii hore, iyadoo Markabkaan hubka wada ee laga leeyahay Ukrain MV Faine ayaa hada waxaa soo baxaya in Burvadaasi ay gacanta ku dhigeen Lacago si madax furasho ahaan loo siyay.

Shirkadda markabka iska leh Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Mikhail Voitenko ayaa u sheegay wakaaladaha wararka qaarkood in burcadbadeeda la siiyay 3.2-Milyan Dollar si ay markabka u sii daayaan, wuxuuna cadeeyay in markabkaasi dhawaan la sii dayn doono.

” Lacagta madaxfurashada ah ee la siiyay ayay Burcad Badeedu tirsanayaan iskana xaqiijinayaan ” ayuu yiri Mikhail Voitenko oo ka gaabsaday inuu sheego xiliga dhabta ah ee la sii daynayo Markabkaasi iyo shaqaalihii saarnaa intaba..

Dhanka kale Wararka laga helayo degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in lagu wado in maanta la sii daayo Markabka, iyadoo la sheegay inuu u dhaqaaqayo dhanka dalka Kenya oo uu hubka u waday nmarkabkaasi markiiba horeba, iyadoo markabkaasi hubka uu sido ay ku jiraan Taangiyo noocoodu yahay t-72 oo lagu farsameeyay dalka Ruushka iyo hub kale.


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: