Toggaherer’s Weblog

MAMULKA BANAADIR OO SHEEGAY IN SI BAREER AH AY AMISOM U XASUUQEEN KU DHAWAAD 40 RUUX OO RAYID AH

Posted on: February 5, 2009


MAMULKA BANAADIR OO SHEEGAY IN SI BAREER AH AY AMISOM U XASUUQEEN KU DHAWAAD 40 RUUX OO RAYID AH

Moqdisho 02 Feb 2009 ToggaHerer

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ku dhawaad 40-qof oo rayid ah galabta ay ku xasuuqeen magaalada Muqdisho kadib markii qarax lagula beegsaday gaari ay waateen wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweeye islamarkaana sii haya xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada AMISOM si aan kala sooc laheeyn ay galabta rasaas ula dhaceen dad rayid ah oo saarnaa gawaari basas ah oo marayay wadada Makka Al Mukarama markii miino lala kiciyay mid ka mid ah gaarigooda oo marayay Wadada Shaqaalaha.

C/fitaax Ibraahim Shaaweeye ayaa sheegay in ciidamada AMISOM halkaasi ay ku laayen dad saarnaa ilaa 4-gaari oo marayay goobtaasi,waxaana uu sheegay in isagu in dhihiisa uu saaray meydadka 39-qof oo isugu jirta rag iyo haween kuwaasi oo dhamaandood ciidamada AMISOM ay la dhaceen qoryaha ku xiran gaadiidkooda dagaalka.
“Runtii waxas wax la sheegi karo ma’ahan waana arin naxdin leh arinta ciidamada AMISOM ay ku baabi’iyeen shacbiga Soomaaliyeed ee marayay wadada Makka Al Mukarama, waxaana ay gaarayeen ilaa 39-qofood dadkii ay madax ka toogteen ciidamada AMISOM”ayuu yiri Gudoomiyaha koowaad ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweeye.

C/fiitaax Shaaweeye ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in waqtiga ciidamada AMISOM rasaasta ridayeen ay aheeyd waqti wadadu mashquul ay aheeyd islamarkaana dadku intooda badan ay ka rawaaxeen Suuqa Bakaaraha oo uu ka jiro ganacsiga ugu badan Soomaaliya,waxaana uu sheegay in aysan u dulqaadan doonin in Ajanabigu ay shacbiga Soomaaliyeed sidaasi u xasuuqaan.

“Dadku gaari shacab ah ayay saarnaayeen iyagoo wadad maraya ayaa qaraxu dhacay ciidamaduna waxaa ay fureen rasaas qof ay daayeen ma jirto qof waliba madaxa ayay uga dhifanayeen xabadda ka dhacda qoriga loo yaqaan dhasiikaha,mana u dul qaadan doono in shacbigeena si micno daro ah loo xasuuqo”ayuu intaasi sii raaciyay C/fitaax Shaaweeye.

In kastoo ay taasi jirto ayaa hadana Afhayeenka ciidamada AMISOM gaashaanle Bahuuku bariiji oo isna la hadlayay idaacada Shabelle isagoo la gariiraya sida uu uga naxsanyahay hadalka gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir waxaa uu ku tilmaamay hadalka gudoomiye ku xigeenka in uu yahay mid qaldan islamaraakana uu helay hadalo qaldan.

“waxaan kuu sheegayaa gudoomiye ku xigeenka gobolka in uu qaldanyahay waxaa uu heystaa warbixin qaldan.. isaga miyaa tagay goobta .. inagu waxaan kuu sheegayaa in ciidamadeena AMISOM aysan waxba dilen,waxaa ka dambeeya falkaasi kooxihii weerarka soo qaaday”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada AMISOM Bahuuku Bariiji.

Afhayeenka oo la weydiiyay sida hadalkiisa uu ugu qancin karo dadka Soomaaliyeed mar hadii ragii difaaci jiray xiliyada weerarka lagu soo qaado ee ku tilmaami jiray in laga gardaranyahay ay maanta duldhigeen in ay si cad u laayeen shacbiga Soomaaliyeed,ayuu wariye Axmed Nuur Gentelman oo xiligaasi waraysanayay waxaa uu hadalkiisa ku tilmaamay mid uusan jeclaysan taasi oo u muuqata sida uu uga meer meerayo arinta xaqiiqda ah.

Bahuuku waxaa uu intaasi ku daray in qaraxii maanta lagu weeraray uu kaga dhaawacmay hal askari oo ilaalo ka ahaa gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM kaasi oo la sheegay in uu six un u bur buray,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qasaaraha ciidamada AMISOM uu intaasi ka badanyahay.

Falkaani naxdinta leh ee ciidamada AMISOM ay ku laayeen dadka Soomaaliyeed ayaa u sawir iyo muuqaal eg falkii 2008-da ay ciidamada Ethiopia oo sidaan oo kale markii la qarxiyay gaari ay wateen ay rasaas la dhaceen oo ay ku ciilbaxeen dad Soomaaliyeed oo marayay deegaanka Carbiska xiligaasi oo ay dileen dad gaaraya 60-qof oo rayid ah,waxaana ay u muuqataa ciidamada AMISOM in cashirada qaar ay kaga dayanayaan ciidamada Ethiopia oo lagu necbaaday falalka ay ku dhaqaaqayaan taasoo keentay in iyaga oo lagu dibad baxayo xabadana lagu ridayo ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya.


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: