Toggaherer’s Weblog

LABA SHIR OO AH SHIRWEYNIHII UDUB AYAA LAGU KALA QABTAY MAANSOOR IYO DEEQALLAH

Posted on: February 5, 2009

LABA SHIR OO AH SHIRWEYNIHII UDUB AYAA LAGU KALA QABTAY MAANSOOR IYO DEEQALLAH

Hargeysa 03 Feb 2009 ToggaHerer
Shirwaynihii labaad ee Udub ayaa lagu kala qabtay labada Huteel ee Maansoor iyo Deeq Allah
Ee magaalada Hargaysa kadib markii masuuliyiinta Udub ku kala qaybsameen sida loo qabanaayo shirwaynaha labaad ee Udub .

Huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa waxaa maanta lagu qabanaayey shirwaynaha xisbiga Udub ee soo qaban qaabiyeen gudida qaban qaabada ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Riyaale .

Huteelka kale ee Deeq Allah waxaa iyana shirwaynaha Udub ku qabtay xubnihii hore u sheeganaayey in ay u tartamayaan o ay u sharaxan yihiin jagada madaxweyne ee xisbiga udub dhexdiisa, taas oo uu hogaaminayey mudan Abdilaahi Iiman Darawal xubnahaas oo ku doortay 7 xubnood oo ah gudida qaban qaabada shirkaasi.

Xunaha shirkaa ugu tunka buurnaa waxaa ka mid ahaa Abdilaahi Darawal ,Sandoon, iyo xubno kale oo badan .

Huteelka maansoor oo aad gaadh looga hayey aya waxaa lagu qabtay shirwaynihii xisbiga udub oo ay ka soo qayb galeen ergooyin badan oo ka kala yimid gobolada dalka taas oo ay soo xuleen gudidii qaban qaadabada ee xibiga udub ee uu gudoomiyaha u ahaa madaxweyne ku xigeenka somaliland , Shirkaa maansoor ayaan waxa aan ka soo qayb galin gabi ahaanba xubihii sheegay in ay u sharaxan yihiin xogada madaweyne ee xisbiga dhexdiisa kuwaasoo qaarna laga hor joogsaday huteelka qaarna aan laba siinba cards ka casuumda dabeedna diiday in ay yimaadaan madasha shirka waxa kale o albaabka hore ee mansoor lagu hor joogsaday xubno fara badan oo rag iyo haween iskugu jira sida xubnihii ugu firfircoonaa xisbiga waxa kale oo aan ka qayb gali shirkasi xubno badan oo golaha dhex ee ururka ah iyo xubno ka mid ah golaha wakiilada kuwaasi oo aan markii hore la siinin caradka shirka oo loo diiday.

Aadan Maxamed Diiriye Aadan ruush oo wasiirudawlihii hore ee wasaarada hawlaha guud oo dhawaan iska casilay xilkaasi shegayna in uu u tagan yahay jagada madaweyne ee xisbiga dhexdiisa ayaa sheegay in laga horjoogsaday madasha shirka , mudane Aadan ruush oo warbaahinta ugu waramay barxada hore ee madasha shirka waxa uu sheegay in lagu war galiyey in aan loo ogolay madasha shirk horteeda nin ah musharax oo aan ahayn madaxweyne Riyale iyo Kuxigeenkiisa .

Dildilaca balaadhan iyo khilaafka xibisaagasi ayaa ku soo beegan tay xili ay doorashadii madaxtooyada ay ka hadhay xili ka yar 50 casho oo kaliya.
Labada qaybood ee ku kala shiray labda huteel ayaa laga filaya in qoloba geestooda ay u soo dooran doonaan musharaxa uga qayb galaaya jagada madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeeen taas oo suaali ka tagan tahay laba shir midka sharci noqon doona.iyo saamaynta ay ku yeelan doonto mustaqbalka xisbiga talada haya dhexdiisa
Warqabadka togaherer
Haragaysa


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: