Toggaherer’s Weblog

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD:ISKU-BUUQA MASKAXDA (MENTAL DISTRESS)

Posted on: February 5, 2009

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD:ISKU-BUUQA MASKAXDA (MENTAL DISTRESS) Waa Maxay Isku-buuqa Maskaxdu?

Dadka qaba isku-buuqa maskaxdu waxay isku arki karaan dhibaatooyin ah xagga fikirka, dareenka, ama dhaqanka. Marka si kale loo eego, fikirkooda, dareenkooda iyo dhaqankooda ayaa isku qasan. 

Waxay taasi si weyn waxyeello ugu geysan kartaa xiriirka ay dadka kale la leeyihiin, shaqadooda, iyo ku-istareexa noloshooda.
Lahaanshaha isku-buuqa maskaxdu waa dhibaato ku adag qofka iyo qoskaba. Laakiin, ma aha wax ceeb ah.

Maxaa Keeni Kara Isku-buuqa Maskaxda?
Waxa muhiim ah in la fahmo in qabista isku-buuqa maxkaxdu aanuu ahayn khalad u qofku iska leeyahay. Marmarka qaarkood dadku waxay rumeystaan in isku-buuqu ka yimaado cadawnimo, ciqaab ama cawri (il). Balse dhakhaatiirtu waxay rumeysan yihiin inay jiraan waxyaabo keeni kara isku-buuqa maskaxda oo ay ka mid yihiin:
􀂾 Kiimiko maskaxda ku jirta oo isku dhayli-tirsaneen
􀂾 Walwal iyo dhibaatooyinka maalin kasta qofka haysta
􀂾 Dhacdooyin maskaxda u xun oo qofka soo maray
Waa dhib sidii loo garan lahaa xaqiiqada sababaha keena isku-buuq kasta. Marmarka qaarkood dhib jirka soo gaara ayaa keeni kara calaamooyinka cuduradda maskaxda ku dhaca.

Isku-buuqa Maskaxda Miyaa layska Dhaxlaa?
Cilmi-baaristu waxay tilmaamaysaa in dadka qaarkii ay dhici karto inay dhaxal u leeyihiin inu ku dhaco isku-buuqa maskaxdu. Sababta oo ah waxa jira waxyaabo badan oo adag oo keeni kara, waa in arrintan aad kala tashatid dhakhtarkaaga.

Miyaa la kala Qaadaa Isku-buuqa Maskaxda?
Isku-buuqa maskaxdu ma aha hargab ama jadeeco oo kale, mana aha wax la kala qaado.

Waa Maxay Noocyada Waaweyn ee Isku-buuqa Maskaxdu?
Dhibaatooyin Walwal ah (Anxiety)
Dhibaatada Isku-buuqa ee ka Dambeeya Dhaawac ama Dilis (Post Traumatic Stress Disorder) (PTSD) Murugo (Depression)
Isku-buuq ah Marna Niyad-kac Marna Niyad-jab (Manic Depressive Distress)
Cudurka Maskaxda ee loo Yaqaano Iskiitsofiriiniya (Schizophrenia)

SomaliDoc

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: