Toggaherer’s Weblog

KHUDBADII MADAXWEYNE RIYAALE EE MADASHII SHIRWEYNAHA

Posted on: February 5, 2009

KHUDBADII MADAXWEYNE RIYAALE EE MADASHII SHIRWEYNAHA XISBIGA UDUB

Hargeysa 03 Feb 2009 ToggaHerer

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Khudbadda Madaxweynaha ee Furitaanka Shirweynaha Labaad ee Xisbiga UDUB
3rd Febraury 2009

XISBIGA UDUB

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

“Shir-guddoonka, Ergadda sharafta mudan, Goob-joogayaasha, Marti-sharafta kale ee shirweynahan labaad ee Xisbiga UDUB ka soo qabygashay iyo suxufiyiinta ka socota warbaahinta kala duwan ee madashan ku sugan; dhammaantiin waxaan idiin soo jeedinayaa Salaan qiimo iyo qaayo badan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,
waxa aan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo madasha shirweynahan labaad oo kulmiyay boqolaal ergay oo ka wakiila bahweynta faraha badan ee xisbiga UDUB ee ku baahsan dhamaan gobolada dalka iyo dibedda. Maanta oo ay bishu tahay 3rd February 2009 , oo uu furmay Shirweynihii labaad ee Xisbiga UDUB yeesho waxay ka mid noqotay maalmaha taariikhiga ah ee ku suntanaan doona sooyaalka taariikheed ee xisbiga iyo kan Qarankaba, sidii horeba xisbiga UDUB shirweynihiisii koowaad oo aan anigu gudoominayay u daahfuray abuurista urur-siyaasadeedkii u horeeyay ee dalkan ka hirgala, kaasoo dariiqii uu jeexay ay kaga daydeen urur-siyaasadeedyadii kale ee dabadii la abuuray,

Mudanayaal iyo Marwooyin, ugu horeyn, munaasabadda shirweynaha labaad ee Xisbiga awgeed waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa guud ahaan Shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo inta jecel jiritaanka qaranimada iyo nabdoonaanta Somaliland. waxa kale oo aan duco u hibaynayaa Illaahayna u wada baryaynaa inuu Janadiisa ka waraabiyo idinkana idinka codsanayaa inaad faataxada u martaan dhamaan inta hoygii lama huraanka ahaa inooga horeeysay ee ka soo qaybqaatey dhismaha dalkan iyo dadkan ,” kuwaas oo ay ka mid yihiin hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa taabagalinta qarankan (Marxuum, Cabdiraxman Axmed Cali, Maxamed X. Ibrahim Cigaal, Sh. Ibrahim Sh. Yusuf Madar), mujaahidiintii Naftooda u hurey dib-u-xoreyntii dalkan, dal-jirayaashii difaaciisa u god galay Iyo inta kale ee badan ee Inaga baxday oo aynaan halkan ku wada xusi Karin, balse ku xardhan bogaga taariikhda Somaliland.

Dhinaca kale, Waxaan cambaarayn iyo digniin culus u jeedinayaa cid kasta oo ka soo horjeeda qaranimada iyo madaxbanaanidda Somaliland ama ku hawlan dibindaabyo iyo dabin-qool lagu wiiqayo nabdoonaanta, horumarka, iskaashiga iyo isu-kalsamaanta shacbiga walaalaha ah ee Somaliland.

Mudanayaal & Marwooyin, Waxa marag ma doon ah in xisbiga UDUB iyo Xukuumaddu ay guulo muuqda ka soo hooyeen markastibana u taagan yihiin gudashada masuuliyadii qaran ee ummadda Somaliland ku aamintay. Xukuumaddu iyadoo raacaysa barnaamij iyo siyaasad qeexan oo ka tarjumaya himilooyinka umadda ee horumarineed, dhaqan, dhaqaale iyo bulsho. Kuwaas oo taabagalintooda mar walba loo cuskanayay mabaadiida gundhiga u ah dastuurka qaranka JSL waxay ajande ka dhigatey dhamaystirka waajibaadyada aasaasiga ah ee Dastuurku ku waajibiyey; sida dhaqan-galinta Dastuurka iyo xeerarka, suggida xuduudaha dalka, gaadhsiinta adeegyada bulshada, hoos u daadejinta maamulka dawliga ah. kobcinta dhaqaalaha iyadoo loo maro nidaamka suuqa xorta ah, maalgashiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah,.adkaynta amaanka dalka iyo ka hortagidda falalka argagixisada iyo budhcad badeeda, daryeelka deegaanka badda iyo beriga, dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta,

Mudanayaal iyo Marwooyin, Caalamka meel kasta oo aanu tagno, waxa lana weydiiyaa, idinkoon la idin ictiraaf-sanayn, caawimo muuqata aydaan cidna ka helin, oo dhaqaale la taaban karo aan lahayn, sidee bay idiinku suurto gashay in aad qabataan waxa aad qabsateen?

Waxa aan ugu jawaabaa. “Sirtu waxa ay ku jirtaa talada Shacbigayga, go’aanka Shacbigayga,” Sirta aynnu halkan ku soo gaadhnay waa dhabar adeygeena, sabir-keena iyo ku adkaysiga go’aan keena. Waxa taa saldhig u ah, “Ummad aan Go;aan lahayn, ummad jirta ma aha”; dawladdo, hay’ado badan ayaa inoogu sadburiya waxa aan qabsannay, nacabkeenuna way ka naxaan.

Shacbiga Somaliland, waxaan maanta u sheegayaa in Dimuqraadiyadii Somaliland ee da’ada yareyd, cadow badan yeelatay oo raba in ay curdin dhadhiyaan, waayo maanta waa aynu isu soo dhammaanay oo maamulkeenii Somaliland oo dhan ayuu wada gaadhay dalkeena xuduud-kiisii; waxa aan leeyahay, waxa aynu kaga gudbi karnaa isku duubnidda bulshadeena, wada jir iyo wada tashi, foojignaan oo haddii aynu is dhalliilayno aynaan anshaxa ka tegin, runtana ka sheegnaa

waxa hubaal ah inuu abuurmay dhaqan siyaasadeed; maamulkii Somaliland uu gaadhay xuduudihii qaranka ee dastuuriga ahaa; Kaabayaashii bulshada sida caafimaadka iyo tacliinta; Xoojinta nabadgelyadda; Bulshadda caalamka oo maanta tusaale iyo Miqyaas Caalamka soo koraya inooga dhigta; illaahay waxa aan ka baryayaa in inta inaga dhimanna aan gaadhsiino halka aynnu Dimuqraadiyadda iyo Nabadgalyadda gaadhsiinay.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Dulucda warbixintaydani waxa nuxurkeedu xambaarsan yahay xogwaran guud mar ah oo ku saabsan waxqabadkii xukuumadda ee mudadii u dhaxaysay labada shirweyne iyo himilooyinka aan hilaadinayno inaan mustaqbalka hirgalino, oo qayb ka ah barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga UDUB.

Mudanayaal iyo Marwooyin haddii aan ku hormaro tan waxqabadka xukuumadda. Anigoo ka shidaal qaadanaya barnaamijka Xisbiga iyo rabitaanka shacbiga, kuna xisaabtamaya awoodeena dhaqaale waxaan mudnaanta koowaad siiyay dhamaystirka qaranimada dhul ahaan, ummad ahaan iyo dhisme ahaanba. waxaan isla markaa anigoo illaahay la kaashanaya jeexay dawga loo marayo geediga dib u dhiska Qaranka oo ka koobanaa shan qodob oo kala ah,sidan:

1. In laga guuro siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro dawladnimo Dastuur ku dhisan oo Xeer iyo kala dambeyni ka jirto;

2. Baadi-doonista iyo Raadinta aqoonsiga Qarannimo oo buuxa;

3. Xoojinta Nabad-galyadda, sugidda soohdimaha Dastuuriga ah ee dalka, fidinta iyo gaadhsiinta maamulka goob kasta oo dalka ka mid ah.;

4. Soo noolaynta adeegyaddii bulshada, Horumarinta hab-dhaqan dhaqaale iyo awood daadajinta maamulka Xukuumadda;

5. Taabagelinta garsoorka iyo cadaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.

Kala Guurka Siyaasad Beeleed iyo Siyaasad Dastuurku hogaan u yahay
Laga soo bilaabo 1991, intii aynu la soo noqonay Xorriyaddii Somaliland, waxa aynu soo marnay marxalado badan oo taariikhi ah, waxa aynu ka soo gudubnay caqabaddo Buuraha ka baaxad weyn; waxa se aynnu dhamaan isla garanay in sida qudha ee aynnu ku xaqiijin karno himilada Gooni isu taageena iyo madax banaani mujtamaca Caalamku aqoonsan yahay ay tahay in aynnu Guntiga Dhiisha iskaga dhigno oo aynnu dhammaan u xaydanno rag iyo dumar-ba, ku dalka gudihiisa jooga iyo mid dibad joogaba, in la helo Dawlad Dastuuri ah oo sharcigu ka sareeyo qof kasta, iyo sidii aynu u yagleeli lahayn qaran ay taladiisa shacbigu leeyihiin oo danahooda u adeegta.
Kadib, Geeridii Madaxweynaheenii hore, Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxa aan qayb u helay in aan Go’aanka Ummadda Somaliland aan dhaqan galiyo, waxaanan go’aansaday anigoo Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aanan beenayn Go’aan-kaa Ummadeed ee ay igu aamintay wax kasta oo iga hor yimaada-ba.

Mudanayaal iyo Marwooyinl, waxa aan halkan uga mahad celinaya Shacbiga Somaliland ee aan la’aantood aanay suurta gasheen, ee ka qayb-qaatay Doorashaddii Golayaasha Deegaanka iyo u tartankii Xisbinimadda ee sida Nabadda ah ku codeeyey; iyo Ururaddii sida qaabka-san inoogu suurta galiyay dhaqan galinta Qodobka 9aad ee Dastuurka, muftaaxii Hirgelinta Dastuurka, kuwii tartankii xisbinimadda ku guulaystay iyo kuwii kale tartanka ka qayb galay; waxa kale oo aan u mahadcelinayaa xubnihii Guddiga diiwaan gelinta, xubnihii Komishanka Qaranka, Ciidamada Qaranka iyo Garsoorka oo la’aantood aynu dhaxli lahayn fidmo iyo burbur cusub sida dalal Afrikaan ah ka dhacda. Sidoo kale, waxaan mahad taas la mid ah u celinayaa , qurba jooga Somaliland iyo hay’adaha Caalamiga ah ee Dimuqraadiyada taageera.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa dad badani ogsoon yihiin, in geeridii Madaxweyne Cigaal ka dib ay waxgarad badan oo ka werwersanaa saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto isku duubnida ummadda, karaan-keena dhaqaale, iyo arrimo kale oo la hal maala ay talo ahaan iigu soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo la ii cusboonaysiiyo xilka muddo sanado ah. hasa yeeshee waxaan go’aansaday in aanan aqbalin soo jeedintaas oo aan hirgeliyo himilada ummadu higsanaysay , Alle Mahadi haka gaadhee sidaas bay ku qabsoontay doorashadii madaxtooyaddu, guushiina ugu soo hoyatey xisbiga UDUB ee ii sharaxay xilkaas, anigana la iigu doortay Madaxweyne Dastuuri ah oo ku yimi doorasho dadweyne oo toos ah, kuna soo

dhisay xukuumaddan dastuuriga ah ee hadda hogaanka haysa. Waxaan qabaa in go’aankaasi aan qaatey uu ahaa mid geesinimo xambaarsanaa oo taariikhda galay Caalamkana indhahooda inoo soo jeediyay. waxay hirgalinta doorashadaasi igu dhiirigelisay in aan laba jibaaro dadaalka aan ugu jiro dhamaystirka geedi-socodka dimoqraadiyadda iyo xaqiijinta himilada shacbiga

Mudanayaal iyo Marwooyin, anigoo markale sii amba qaadaya dhamaystirka geedi-socodka dimoqraadiyadda, waxa aad goob joog ka wada ahaydeen in aan Maxkamadda Dastuurka u gudbiyey dacwad dastuuriya, ka dib markii Labada Gole ay cod aqlabiyadda ah 2/3 ku soo jeediyeen xeer aan suurto gelinayn in Doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay, si loogu cusboonaysiiyo xubnihii golaha fadhiyey waqtigaa. Taas oo aan u arkayay in ay caqabad ku noqonayso himiladii ummadda iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, waana ta suurta gal ka dhigtay in ay qabsoonto Doorashadii ay ku yimaadeen Golahan Wakiilada ee maanta fadhiya.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Geedi socodka Doorashooyin-ku wax ay dhammaanteen iyo Caalamka u caddeeyeen, Shacbiga Somaliland in uu yahay Shacbi bisil xaga siyaasada, kana dhab tahay Gooni Isu taaga Madaxbanaanida iyo Qaranimadda ay doonayaan. Waxa kale oo ay beenaysay sheeka xumaddii ay Caalamka kula wareegayeen Somaliland diidku, isla markaana, waxa ay abuurtay hab dhaqan siyaasadeed oo ay Afrika dhamaanteed inagu milicsato, kaas oo ah Kalsoonida la isugu hambalyeeyo natiijadda Doorashada; Waxa uu Caalamku gar-waaqsaday in ay tahay ummad iyadu isku tashatay, garaad siyaasadeed oo Qaan-gaadh ah leh oo aan taariikhda dawladaha soo koraya hore loogu arag.

Mudanayaal iyo Marwooyin, talaabooyinkaas taariikhiga ah ee aynu u qaanday dhinaca dhamaystirka hanaanka dawladeed ee dimoqraadiyada ku dhisani waa guul aynnu wada leenahay (Dawlad, shacbi, iyo Axsaab), kaligay maan dhalin kareen, hadii aydaan isku kay barbar taagin. Waxaan si cad u xaqiijinay in aan ummad kasta Sooyaalkeeda taariikheed, horumarkeeda iyo himiladeeda ka abuuranto fikirka, isku duubnida, wada tashiga, is af garashadda iyo wada shaqaynta ay leeyihiin inta hogaanka u haysa..

Waxaan hubaa in ummaddeenu sidii wadaniyada iyo bisaylka lahayd ee ay inoogu taageertay qabshada doorashooyinkii hore iyo diiwaangelintii cod-bixiyayaasha ee dhawaan soo gabagabowday ay doorashada inagu soo foolena inoogu taageeri doonto. Doorashooyinkii hore ee aan qabanay, waa kuwa Qarankeenu garawshiiyo kaga helay Caalamka. Tijaabaddii ugu danbeysay maanta ayaa la inagga eegayaa, in aynu walaalaheena afrikaanka ah la mid noqono oo kursigu ka qiima roonaado Qaranimada iyo in ay dimuqraadiyadu ina hogaamiso.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa lagama maarmaan ah in aan is xasuusino, mandaqaddan aan ku nool nahay ee cakiran ee ay ka oogan yihiin colaada iyo qalalaasuhu, waxaan kaga badbaadnay fadliga ilaahay ka sokow, hogaaminta iyo siyaasadda Xukuumadani ay ku hagayso ummadeeda, kagana kasbatay Jaararkeeda iyo Caalamkaba qadarinta xilkasnimo iyo masuuliyadeed ee ay ka muujiyeen sidii loo waajihi lahaa, iyadoo dhaabato markasti ay u ahayd Xukuumaddu inay jaararkeeda kula noolaato saaxiibtinimo iyo sokeeyenimo, waana ta aan qadarinta maanta kaga helnay Caalamka, waanan sii wadi doonaa dedaalkaas. Waxaanu beesha Caalamka innagoo ka bilaabayna jaararkeena u bandhigaynaa qarnaqsigeena ah, in aanu helno, xaqqa aanu u leenahay in aan ka mid noqono Beesha

Xisbigan UDUB iyo taageerayaashiisa marna kama suurta gali karto, cid kalena ku saacidi mayaan in la maydhaamo Dastuurka iyo sharciyadda dalka u dejisan
Sidaa awgeed, Waxaan masuuliintaas ku leenahay Dastuur iyo shuruuc baa inoo qoran, si cad u qeexaya tubta loo marayo madaxtinimada, aad u jeelan tihiin, ka baaqsada in aad noqotaan ashkhaas, hadba wixii ay u maleeyaan inay taageero ku kasbanayaan ku dhaqaaqa, iyagoo aan wax ixtiraam ah siin sharciga iyo doonista ummada midnaba.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Somaliland waxa lagu majeertaa oo ay ku gaadhay horumarka ay manta ku naaloonayso waa in ay tahay ummad isku tashata, degsatay qaanuun kala haga. Taas ayaynu ku kasbaney in beesha Caalamku inoo ballan qaaddo in ay ina siiso taageero dhaqaale oon ku maamulano geedi socodka hannaankeena dimuqraadiyadeed, iyadoo aaney innagu faragelinayn shuruucdeena iyo nidaamka aynu u maamulanayno. Sidaa awgeed, Axsaabta Qaranka waxaan leeyahay qaylo taagan maanta ma jirto oo idin dhaafsiisan idinka, si xalaal ah isugu diyaariya in aad tartanka uga qaybgashaan oo aad kasbataan kalsoonida shacbiga idinkoon, qalalaase galin, markastina waxaan idin xasuusinayaa in uu sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono, qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, Ummadda dhexdeeda maqaam kuma yeelan doono. Kursigan ummadda hogaankeeda cidduu u hunguri ka hayo, waxa looga baahan yahay, in uu yeesho dhaqan madaxeed, dhawrsanaan, dulqaad ixtiraamidda shuruucda iyo inuu odhaahdiisa ka baajo erayo naxli iyo turxaan shacbiga ku beera oo ay ka naxaan, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu inna garansiiyo talladaas.

Arrinta ku saabsan qaladaadka ka soo baxay diiwaangelinta ee u baahan in la saxo. Iyadoo sharciga diiwaangelintu sida uu dhigayo la raacayo. Waxaan Shacbiga Somaliland iyo Axsaabta Qaranka leeyahay iyo dhammaan Hay’adaha dawliga ah oo ay goleyaasha Qaranka hormood ka yihiin, waxa waajib muqaddas ah innagu ah ku dhaqanka Dastuurka iyo Xeerarka ka farcamay, taas uun baa ah ta aan ku gaadhayno himilladeena aan taabo gelinayno, waxa inagga reeban innagoo arkayna Xeerarkii oo ay cad yihiin meesha aan u marayno xil-gudashadeena in aan maalin kastiba warbaahinta aan ka sii dayno wax laf-jab ku ah qaranimadeena, fashilaya dedaalkeenii aan ku beegsanaynay inay inoo qabsoonto doorasho xalaal ahi .

Waa gar wixii sharciga aan inoogu qorneyn in aan ka tashano, balse suura gal noqon mayso in Sharcigii oo yaala la iska indho tiro oo la yidhaahdo Maslaxaddayda shakhsiga ah kama arko ee aan tallo galno, taasi oo aan u arko in ay cay iyo gef ku tahay Ummadani sharciga iyo Dastuurka ay samaysatay.

Ummadan inta aan xilka u hayo, waxa aan u ballan qaaday in aan ku hago Dastuurka iyo Shuruucda ka farcantay, taas oo qudha ayaa u noqonaysa dhaxal kuwa nool iyo kuwa dhuuxeena ku jira ee dhalan doona ay u aayaan. Waa ta aan kaga duwannahay, Walaalaheena somalia, oo sharci ay sameysteen oo ay ku dhaqmaan maalin qudha la waayey, taladooduna noqotay tayda haddii la yeeli waayo waxba jiri maayaan, oo ay asaagood kaga hadheen.

Somaliland shacbi iyo Dawladba, waxa innagu waajiba in aan ka feejignaano meelna uga soo wada jeedsanno, ashkhaasta damacoodu uu ka sarreeyo Sharciga ay ummadani dhigatay. kalsooni baan ku qabaa in aan shacbiga cidda noocaasi u dhaqmaysa aanu gacan siin doonin. Badbaadadeenu waa inaan ku adkaano Dastuurkeena iyo Shuruucda ka farcantay. Tartankeenu sidii caadada inoo ahayd Nabad iyo kalsooni halagu galo, si aan u xaqiijinno midhaha u dambeeya ee guusheena.

Adkeynta Midnimadda Qaranka Somaliland, Fidinta iyo Gaadhsiinta
Maamulka Goob kasta

Mudanayaal iyo Marwooyin qorshaha siyaasadeed ee lagu ilaalin karo laguna xoojinayo midnimadda Qaranka Somaliland iyo Nabadgalyadda Muwaadinka, waxa hagaya saddex tiir oo lagama maarmaan ah sida:
1. Muqadasnimadda Xuduudaha iyo madax banaanida Qaranka Somaliland;
2. Maamul fidinta iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo ka mid ah geyiga Somaliland;
3. Xoojinta Nab-doonaanta Bulshada iyo ka hortaga wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, iyo Dawlad-nimadiisa waxyeelo u keeni kara;

Muqadasnimadda Xuduudaha iyo Madaxbanaanida Qaranka Somaliland

Mudanayaal iyo Marwooyin, dal kasta oo Caalamka maanta ka jira, waxa ugu horeeya ee lagu qiimeeyo laguna qadariyaa sida maamulkiisu Xuduudihiisa u gaadh-siisan yahay, wada jirka bulshadiisa iyo is neef ogolaanshihiisa, iyo heerka Nab-doonaanta, inagana waxa ay noqotay mudnaanta kowaad, ka dib markii Xuduudaheenii lagu soo xad gudbay. Aniga iyo Shacbiweynaha Somalilandna si gaar ah noo taabatay, ka dib markii aan u arkay shacbigaygii oo badhkii aanu adeegii bulshaddu gaadhin, lana gaadhsiin karin, haddii si dhakhso ah aan wax looga qaban. Sidaa darteed, waxaan go’aansaday in wax kastaba aan ka horeysiiyo sidii taa loo heli lahaa, wax kasta oo dhacaba, Illaahayna wuu nala grab galay wuuna noo suurto galiyay, waxa aan halkan uga mahad celinayaa raggii iyo haweenkii hawshaas illa galay oo qadarin gaara ah inaga mudan, Qof kasta ha ahaado, qof reer miyi ah oo neefkiisi xoolaha u haneeyay, qof kasta oo lacag kaga qayb galay, qof kasta oo eray wanaagsan kaga qayb qaatay, “ Waxaan idin weydiisanayaa, Ciidamadii Qaranka guud ahaan iyo Shacbiweynaha Deegaanka ee ku naf waayey, in aad u istaagtaan oo faataxada u martaan”.

Maamul fidinta iyo gaadhsiinta Adeega Bulshada goob kasta ku nool
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa aynu sanadkii ina dhaafay maamulkeenu gaadhay dalka Xuduudihiisa, shacbigii Somaliland ee lixdankii xorriyaddiisa marin habowday wuu isu soo dhamaaday , waanu wada joogaa, waxaanu inaga sugayaa in aynu nabad ku gaadhsiino markii u horaysay gudashada xuquuqdooda siyaasadeed ee doorashada, raga aan la hadlayaa waa, Xubnaha Goleyaasha Qaranka, hogaamiyayaasha Xisbiyada Qaranka .

Waxa aan qaraar ku gaadhay in aan mudnaan gaar ah siiyo Gobolka Sool sidii aynu u soo gaadhsiin karno heerarka Gobollada kale ee Qaranku gaadhsiisan yihiin, xagga tacliinta, caafimaadka, iyo adeega bulshada.

Mudanayaal iyo Marwooyin, anigoo tixgelinaya qaab dhismeedka dastuuriga oo inagu waajibiyay awood daadajinta maamulka Xukuumadda, baahida loo qabo fidinta maamulka iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo qaranka ka mid ah; Anigoo dhaqan galinaya Qodobodda Xeerkaa, waxa aan Go’aan Madaxweyne ku soo saaray, todoba gobol oo cusub. Kuwaas oo kala ah: Salal, Gabilay, Oodweyne, Buuhoodle, Saraar, Badhan, Hawd iyo 16 degmo oo cusub.

Waxa aan maqlaa hadalo badan oo ka soo yeedhay siyaasiyiinta qaarkood, waxa aan leeyahay waa waajib Dastuuri ah oo uu Madaxweynaha loo xil saaray in maamulka la daadajiyo, qof kasta oo muwaadin ahna hal-kiisa ku gaadhsiiyo. Hadaba, waxaan idiin sheegayaa in haddii bulshadu aaney isu dhammeyn, lama fulin karo; ka dib markii aynu gaadhnay xadkii Qaranka, waxa waajib noqotay in la fuliyo codsiyadii shacbiga; walaalayaal, Dalka Somaliland waa dal ballaadhan, sida qudha ee adeega bulshada muwaadin kasta lagu gaadhsiin karaana waa maamul fidin si uu qofku haddii uu Maxkamad, dhakhtar, tacliin iwm, u baahdo, waa in uu meel u dhow ka heli karo, waxaan u soo jeediyey bulshada deggan Gobollada iyo degmooyinka Cusub inay ku dadaalaan sidii ay u taabo gelin lahaayeen maamula-dooda, iyagoo tixgalinaya qodobada Xeerka .

Xoojinta Nab-doonaanta Bulshadda iyo wixii Qaranka Diintiisa, Dhaqankiisa iyo Dawlad- nimadiisa waxyeelo u keeni Kara;

Mudanayaal iyo Marwooyin, Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa aasaaska nolosha aadamaha, dalna wax horumara kuma talaabsan karo haddii aanay nabadi jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin, taasi waxay ku timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay’adaha nabadgelyada u xilsaaran ee Ciidamada Qaranku kow ka yihiin, madax dhaqameedyada iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin.

Sida aad wada dareensan tihiin, waxa jira cadow badan oo u quudhi waa iyo xiqdi dartii doonaya inay curdin dhadhiyaan dimoqraadiyadda iyo horumarka aan ku talaabsanay iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. waxa hubaal ah in cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan Karin hadii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya. Kuwaas oo laga yaabo in maslaxado maadi ama siyaasi ah lagu dagay ama caqliga laga xaday. Shirqoolada ay cadawgu inoo maleegayaan waxa tusaale inoogu filan fal-dhagareedkii axmaqnimada ahaa ee kooxo argagixiso ahi 29 Oktoobar ka fuliyeen madaxtooyadeenii Qaranka iyo xarumo kale oo muhiim ah oo caasimada ku yaala. Falkaas arxandarada ah oo lagu xasuuqay muwaadiniin labaatan kor u dhaafay intaa labanlaabkeedna ku dhaawacmeen. Intii dhacdadaas ka dambaysay, waxa abuurmay dareen feejigan oo ciidamada amniga iyo muwaadiniinta xalaalasha ahi iska kaashanayaan ilaalinta nabadgelyada. Sidoo kale, xukuumaddu waxay qaadey talaabooyin ay ku xoojinayso amaanka. Taas oo suurtagelisay in gacanta lagu dhigo hub culus oo dalka la soo geliyay. Waxa kale oo la qabqabtey dad la tuhunsan yahay inay ku hawlanaayeen falal argagixiso. Waxad halkaas ka dareemi kartaan shirqoolada cadawgu la damacsan yahay qarankan isagoo ka faa’iidaysanaya dagnaan kasta oo uu inaga helo.

waxa aanu dhamaystirnay Siyaasadda Nabadgelyada ee Qaranka oo aanu mudnaanta siinay dhaqan gelinta :
1. diyaarinta iyo ansixinta Xeerka La-dagaalanka Argagixisada;
2. Tayaynta & qalabaynta ciidamada qalabka sida;
3. Dhismaha Ciidamada Nabadgelyada, sida Ciidamada Xeebaha; Tababarka iyo Tayeynta Hawlgal-kooda;
4. La dagaalanka falal-ka Argagaxa leh iyo Argagixisada.

Baadi-doonista iyo Raadinta Aqoonsiga Qarannimo

Waxay ku salaysan tahay Xoojinta xidhiidhka jaararka iyo xidhiidhka Urur Goboleedyada iyo kuwa Caalamiga ahba, sidii qaddiyadeena looga dhaadhicin lahaa Beesha Caalamku inay taageerto.

Dedaalka aan qaddiyadeena ku iibinaynay, laga soo bilaabo, wakhtigaa illaa imikadaa aynu joogno, si joogto ah ayuu u socdaa, Caalamkana waxaynu ka kasbannay saaxiibo badan oo inoo hadla, kuwaasi oo isugu jira Aqoon yahanno badan oo caalamka ah, kuwa Akadeemiyo iyo Jaamacado Africa, Europe iyo America maamula ha u bateene, kuwaasi oo taageera qaddiyadeena iyo goob-joogayaashii doorashooyinkeena ka qaybgalay ee daafaha dunida ka kala yimid oo ku tilmaamay hayaanka geedi socodkeena mucjisad ka soo ifbaxaysa Africa oo mudan in lagu daydo.

Waxaad ogtihiin Safarro badan oo aan anigu tagay iyo kuwa Wasiirka khaarajigu u baxay oo ku saabsanaa sidii qaddiyadeena aan u gaadhsiin lahayn Caalamka, aqoonsina uga heli lahayn.

Haddaan si kooban uga hadlo, waxaan sannadihii ugu dambeeyay ugu baxnay safaro dibadda ah oo aan ku gaadhsiinaynay qaddiyadeena dalal badan oo ka mid ah Qaaradaha Europe, America, Africa iyo Asia, kaasi oo ay ugu dambeeyeen safaradii aan ku tagay UAE, UK iyo USA, Safaradaasi waxa ka mid ahaa, kuwii aan ku tegay Dalalka East Africa oo ay ka mid ahaayeen, Kenya, Tanzania, Zambia, iyo Ugandha, kuwaasi oo dhammaantood Madaxdooda aan af iyo qoraalba ku gaadhsiinay Qaddiyadeena, waxa kale oo aan u diray Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Wasiirka Maaliyadda, iyana Safar ay ugu kicitimeen Shir Madaxdeedkii Madaxda Afrikca, ee lagu qabtay Dalka Gambia, kuwaasi oo ay dalalkii ka soo qayb galay ay madxdooda halkaasi ku gaadhsiiyeen qoraal ka hadlaya xaqqa aynu u leenahay inaan ka mid noqonno bulshada Caalamka, waxa kaloo aan Safarro badan ku tagnay dalal badan oo Africa ka mid ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dalka GHANA, halkaasi oo aan kaga qayb galnay Maalintii ay Xornimada qaadatay Ghana, taasi oo iyana ahayd fursad weyn oo aan masuuliyiinta Dalka GHANA iyo Madaxdii faraha badneyd ee kale ee ka soo qayb gashay Sannadguuradaasi 50aad ee maalintii xornimada dalka GHANA ku gaadhsiinay dhammaantood qaddiyadeena. Waxaan cod dheer iyo qoraalba ku gaadhsiinay Goleyaasha Caalamka iyo kuwa Gobolkan aan kaga hadlayno qaddiyadeena, kuna gar-naqsanayno xaqa aanu u leenahay in aan ka mid noqono beesha Caalamka, kuwaasi oo runtii midhahoodii soo muuqdeen, Tusaale, Waxa aad ogtihiin oo dalka yimid wefti ka socda African Union-ka oo uu hogaaminayey, Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Midawga Africa, kuwaasi oo warbixin muhiim ah ka qoray qaddiyadeena, isla markaana hor-geeyay Shir Madaxeedkii Ururka Midawga Africa ee lagu qabtay Liibiya, waxay taasi keentay in shirar badan oo Ururka Midawga Africa yeeshay lagu soo qaaday qaddiyadeena,

Waxa kaloo si joogto ah u imanayey wufuud kala duwan oo iyana u socday xogogaal u noqoshada xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, kuwaasi oo Jawaabta ay ku celinayeen dawladahoodu ahaayeen qaar sawir fiican ka bixinayay Dalkeena.

Waxa kalood ogtihiin in midhaha Safaradaasi ka soo baxay ay suurto galisay in markii ugu horeysay muddo 18 (sideed iyo Toban sanadood ah) ay dalkeena booqasho ku timaado, Masuul sare oo ka socda Dawladda Maraykanka, Mrs. Jendayi Frazer oo ahayd Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsanaa Arrimaha Africa.

Mudanayaal & Marwooyin, waxaan idiin sheegayaa in wax fara badan oo kale-na ay Arrimaha Dibadda inooga qabsoomeen, kuwaasi oo wakhtigeeda soo bixi doona. Somaliland, waxay meel ku gaadhi doontaa, in aan kulligeen u wada shaqeyno xaga wanaagsan, kana fogaano wax kasta oo xasaasiyad inoo keeni kara, waxaan illaahay ka baryayaa in uu inagu garab galo dedaalka aynu ugu jirno inaynu ummaddeena gaadhsiino himilada ay ka filayso oo ku noolaada sharci, kala dambeyn iyo horumar, taasi oo aan Alleh ka rajaynayno inuu inoo aqbali.

Mudanayaal & Marwooyin, Xukuumaddu waxay ballan qaadaysaa, inay intii karaankeeda ah waajibaadka sugaya kuwiisa ugu doorka roon wax ka qaban doonto, iyadoo sida ay u kala mudan yihiin u kala hormarinaysa.

Siyaasadda Horumarinta Dhaqaalaha iyo Adeega Bulshada

Mudanayaal iyo marwooyin, Xukuumaddu waxay dhammaystirtay barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland sannadkii 2007, barnaamijkaas oo meelo badan wax weyn ka tari doona horumarinta Dalka wuxuu soconayaa muddo shan Sanno oo ka soo bilaabantey sanadkii ina dhaafey (2008-2013), barnaamijkaas waxa ku bixi doona lacag dhan $ 550’000’000/- (Shan boqol iyo Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah).

Mudanayaal iyo Marwooyin, Shacbiga Somaliland Marwo iyo Mudane-ba, Yar iyo weynba, waxaan idiinku Bushaaraynayaa in halgan kii dib u dhiska ee Sabirka iyo Dulqaadku waraabinayey ay rajo iyo kalsooni cusub ay soo food saartay.

Kobcinta dhaqaalaha dalka Cashuur ururinta
Waxaa loo xoojiyo awooda dhaqaale ee dalka waxa la qaaday talaabooyin door ah oo habaynayo dhaqaalaha, waxa aynu ka xusi karnaa kuwan:

1. waxa lagu talaabsadey in Dhakhliga la kordhiyo, Maamullka cashuuraha iyo dhaqaalaha bulshada oo la isu dheelitiro. Xukuumaddu waxay xafiisyo ka dhistay Gobollada dalka oo dhan, kuwaasi oo xilkoodu yahay ururinta Cashuuraha Badeecadaha dalka ka soo gelaya xaga dhulka, Badda, Cirka iyo badeecadaha dhoofayaba, si loo kobciyo dakhliga Dalka. Xukuumaddu waxa ay had iyo jeer la socotaa tacriifooyinka iyo Cashuuraha ka jira dekedda iyo garoomada diyaaradaha Dalka.
2. waxa lagu dhaqaaqay in Awoodda dhaqaale ee dadka iyo dawladda oo is gaashaan-buureysta oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Public Private Partnership (PPP). Waxa aanu ku tijaabinay Biyaha Boorama (Mudadii aanu darsaynay cadaysay in guul wax ku ool ah lagu gaadhi karo oo na dhiiri galisay), imikana tijaabadii labaad aanu ku eegayno Laydhka Berbera; waxa aan taa u door bidnay markii aan arkay in aanay habooneyn waqtigan in Cashuurta la kordhiyo, in cudud badan oo dhaqaale abuuri karta haddii la isu ururiyo ay baahi badan inaga saari karto; in laga faa’iidaysto khibradda iyo aqoonta waaxda dhaqaalaha gaar ahaaneed leedahay (Private Sector).

3. waxa dedaal badan laga galay dhaqangelinta siyaasad kasta oo cuna qabateyntii iibka xoolaha kaga bixi karno Sida laga warqabo, Ganacsiga Xoolaha oo ah lafdhabarta Dhaqaalaha dalka, wuxuu hoos u dhacay sanadihii 1998-1999 iyo 2000-kii xilliyadaas oo layna saaray xayiraado xoolaheena lagaga joojinayo suuqyada waaweyn ee Sucuudiga, taas oo looga dan lahaa in aynu go’aankii ummadeena ee gooni-isu-taagga dib ugu noqono. Xukuumadu iyada oo xooga saaraysa sidii suuq loogu heli lahaa xoolaheena waxa ay heshiis ganacsi la gashay ganacsadaha weyn ee Al Jaabiri, isaga oo ka sameeyay dalka Maxjaro lagu xannaaneeyo xoolaha, si meesha looga saaro marmarsiyihii Caafimaad darro ee lagu joojiyay xoolaheena, waxaanu ku talogalku yahay inuu iibsado xoolo gaadhaya 2,000,000 (Laba Milyan oo Neef) Sanadkiiba. Xooluhu waxay hadda u dhoofaan Dalalka Sucuudiga, Yeman, Baxrayn, Qatar iyo Masar. Hargaha iyo Saamuhu waxa ay u dhoofaan Dalalka Turkiga, Ingiriiska, Paakistaan, Shiinaha iyo Hindiya, halka Hilibkuna u dhoofo Dubai.

Waxa Dhismayaashoodii gabagaboobeen, laba Maxjar oo waaweyn oo kafeyn doona xoolaha aynu dhoofin doono muddo hal qarni ah, haddii Alle Yidhaahdo. Sidoo kale waxay wax ka tari doontaa waafajinta ogolaanshaha shuruucda guud ee Caafimaadka Adduunka (OIE Internatinal regulations). Waxa kaloo dhismihiisii iyo qalabayntiisuba dhammaadeen, Shaybaadhka weyn ee Berbera, iyadoo ay barbar socotay dejintii cilmi-baadhis caalami ah oo ku saabsan tayada iyo miisaanka, da’da iyo qiimaynta iibka xoolaha, (Condition, qualities, age, and values of livestock export).

4. dalka Ethiopia ee aynu jaar nahay oo ah saylad balaadhan oo wax soosaarkeena u iib gayn karno waxa noo socda wada-hadal heshiis is weydaarsi baayac mushtari, iyadoo horena uu ina dhex maray heshiis ku saabsan isticmaalka; dakadaheena, haamaheena, iyo madaaradeena,

5. waxanu joogtaynay in qiimaha sarifka dollarka la ilaaliyo si aaanu is-bedbedelkiisu u saamayn ascaarta iyo maciishada Taas oo suuragelisay in aanu sarifku isbedelin muddo shan sanno iyo dheeraad ah.

6. waxa la jiheeyay, lana nidaamiyey caawimada iyo taakulada hay’adaha Caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay bixiyaan si ka faa’iidaysiga ugu badan loo heli karo, waxa aanu abuuray xafiis gaar ah oo qiimeeya.

7. waxa la bilaabay In aqoonta Cilmiga iyo Xirfadaha kor loo qaado, lana dhiiri geliyo.

8. waxan isku taxlujiyey in, la sahamiyo khayraadka dabiiciga ah ee dalku uu leeyahay si . wax looga ogaado tiradiisa iyo tayadiisaba

Si loo helo macluumaadka shidaalka iyo macaadiinta dalkeena ku duugan, oo helitaankeeda ay duruufo adagi inaga hor taagnaayeen oo ay ka mid tahay aqoonsi la’aan, waxay Xukuumadu ka hawlgashey sidii ay u heli lahayd cid ay la kaashato sahaminta shidaalka, waxaaney Xukuumadu heshiis la gashey shirkad la yidhaa TGS/NOPEC. Shirkadaasi waxay inaga caawisay Sahanka iyo macluumadka shidaalka dalka, iyadoo adeegsanaysay diyaaraddo ay saaran yihiin qalab casri ahi, waxay sahamo kala duwan ka samaysay baddeena iyo barigaba, sanadkii ina dhaafey ayaaana la soo gabo-gabeeyay sahankaas oo laga hirgeliyey dhamaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, lwaxaana ka soo baxday natiijo lagu farxo. waa markii u horeysay ee dalkani helo dhokomenti rasmi ah oo ku saabsan macluumadka Shidaalka dalka ku jira bad & berriba.

Si looga ilaaliyo dayaca iyo xatooyada macdanta dalka oo ah kheyraad dabiici ah oo ummaddu wada leedahay, waxa ay xukuumadu ka hawlgashey adkeynta dhoofinta macdanta sharci darrada ah ee dalka, iyadoo goobaha kastamada iyo madaaradda lagu xoojiyey masuuliyiin u xilsaaran qabashada dhoofinta macdanta aan sharciga aheyn, talaabadaasina waxay keentay in ay si weyn hoos ugu dhacdey dhoofinta macdanta sharci darrada ah, kadib markii marar kala duwan gacanta lagu dhigay macdan si sharci daro ah dalka loogala saarayey.

9. Sicir Bararka Dalka ka jira.
Ummad kasta ilbaxnimadeeda waxa muraayad u ah oo laga sawirtaa heerka dhaqandhaqaale, bulsho iyo aqooneed. Ummadda dhaqaalaheeda waxa aasaas u ah, mabaadiida guud ee dhaqan dhaqaale oo ku salaysan ka faa’iidaysiga wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah. Sida aynu la wada socono dhaqaalaheenu wuu hooseeyaa, sababta oo ah waxaynu nahay dawlad yar oo aanay cidina taageerin, dhaqaaleheena daruuriga ahina wuxuu ku salaysan yahay wax aynu dibadda ka keensanno. Ummaddina waxay ku baahi baxdaa xilliyada adag waxay la soo baxdo, (Nin waliba gacantiisa ayuu biyo kaga dhargaa).

.10. In lala dagaalamo Jahliga iyo Caafimaad darrada.

Waxbarashada.
Mudanayaal, Xukuumaddu iyada oo mudnaanta koowaad siinaysa horumarinta iyo tayaynta waxbarashada dalka, waxay ku bixisay dedaal dheeraada horumarinta waxbarashada, si aynu ula jaanqaadno horumarka xawliga ah ee dhinaca waxbarashada caalamka inagu xeerani maanta ku socdo. Haddaba si ay taasi inoogu suurta gasho waxay xukuumadu ku tallaabsatay inay waxbarashada gaadhsiiso min heer gobol, degmooyin ilaa tuulo. waxa kale oo la furay dugsiyada quudinta, waana 205 Dugsi oo 54 ka mid ahi loo dhisay ,madbakhyo , Istoodho iyo hoolalka cuntada.

Haddaan soo qaadano tirakoobka ardayda iyo dugsiyada dalka waxay noqonayaan sidan: Tirada Ardayda Dugsiyada Hoose dhexe ee dalku sanadkii 2007-2008 waa 189,793 Arday, tirada dugsiyada sare ee dalku waxa ay tiradoodu dhan tahay 54 dugsi, tirada dugsiyada sare ee xukuumiga ah ee la dhisay waa 23 dugsi oo ka kooban 103 Fasal, 28 xafiis, 24 Istoodh , 09 Shaybaadh iyo 4 Laabareeri.

Waxa kale oo la dhisay 5 Xarun Waxbarasho (Resource Centres), Xarunta Imtixaanaadka, 8 Guri oo ah kuwa macalimiinta ee dugsiyada ku dhex yaal, 3 ayaa la dayray iyo hal kaantiin. Dugsiyada dhismahoodu dhamaaday ee lala wareegay sanadkii u dambeeyay waa 33 dugsi Hoose/dhexe oo iskugu jira dhisme cusub, Kordhin Fasalo ama dayactir, 9 dugsi sare oo ka kooban dhisme cusub, Kordhin Fasalo iyo dayactir 7 dayr.

Deeqaha Waxbarasho ee dibada 2003-2007 waxay dhan yihiin 249 Arday oo kala tagay Itoobiya, Kenya , Uganda , Suudaan , Yeman iyo Masar , Deeqaha Waxbarasho ee dalka gudihiisa heer Degree iyo Diploma waxa ay dhan yihiin 2591 Macalin.

Waxa dalka Somaliland ka hano qaaday oo ka abuurmay duluc iyo fikrado mucjiso ah, oo ay dad badani u haysteen riyooyin malo awaal ah, kuwaasi oo abuuray Jaamacaddo hir galay, Jaamacadahaas waxa u diiwaan gashan ayna aqoonsan tahay Wasaarada Waxbarashadu shantan Jaamacadood ee tirakoobkooda aan halkan ku sheegi doono.

Jaamacada Hargeysa
2007-2008, Ardayda wax ka barata Kulliyadaha kala ah, Business Administration, Science, Medicine, Law, Islamic Studies ee Jaamacada Hargeysa waxay dhan yihiin, 425 Haweena iyo 1578 Ragga. Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa 2004 -2007 ee kulliyadaha aan kor ku soo sheegnay, waxay dhan yihiin, 70 Haweena iyo 258 Ragga.
Jaamacada Gollis:
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacada Golis, kulliyadaheeda kala duwan ee kala ah, Civil Engineer, Criminal Investigation, BBA-IT, Sharai-Law waa: 19 Haweena iyo 153 Ragga. Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Golis, oo heer Diploma waa sidan: 97 Haweena iyo 338 Ragga.
Jaamacada Camuud:
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud kulliyada-heeda kala ah, Sharia and Law, Agriculture, Medicine, Education, Business, Nursing, iyo Short Courses waa sidan 302 Haweena iyo 1185 Ragga. Ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Camuud sanadaha 2003-2007, kulliyadaheeda kala
duwan, waxay dhan yihiin, 500 oo Arday oo isugu jira Haween iyo Ragg.

Jaamacada Admas
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacadda Admas, kulliyadaheeda kala ah, Accounting, Management, Economic, ICT ee Jaamacada Admas waa sidan: 567 isugu jira Haween iyo Ragg.
Jaamacada Burco.
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacadda Burco, Kulliyadaheeda kala ah, Vetenary, Business, Sharia and Law iyo Education waa sidan, 1148 isugu jira Haween iyo Rag.

Waxa nasiib wanaaga in Somaliland ay ka hanaqaadaan Shan Jaaamacadood, markii u horreysay taariikhda dalkeena, kuwaasi oo ay suuro galiyeen aqoonyahankeenu, si weyna uga qayb qaatay kobcinta waxbarasho ee dhallinteena.
Waxa la abuuray, Kulliyadda Cilmiga Badda iyo Kalluumaysiga, oo ay hadda dhigtaan saddex sannad dugsiyeed, waxa loogu tallo galay inay ka qaybqaadato dedaalka loogu jiro sidii khayraadka badda looga faa’iidaysan lahaa iyo shaqo abuuris .

Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu, waxa ay ku guulaysatay in ay dhisato dhamaan Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan oo kala ah:
1. Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland
2. Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Somaliland
3. Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha Somaliland
Kuwaasi oo maanta kulligood si buuxda u shaqeeya oo xafiisyadooda iyo sharciyadooda leh.
Wasaaradda Ciyaaruhu, waxay ku guulaysatay in ay qabato sanadkiiba hal mar Ciyaaraha Gobollada dalkeena oo ah tartanka ugu xiisaha badan, taasi oo Xukuumadduna ku bixiso kharash badan.

Waxa kale oo la hir-galiyey tartanka Ciyaaraha ee Gobol kasta degmooyinkiisa dhex mara (Inter Regional Tournament). Waxa Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha sanadkii 2008dii icaasimada Hargeysa ku qabatay tartan la magac baxay ‘’Diaspora Cup of Somaliland’’, oo ay ka qayb
galeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka socday Wadamada Norway, Denmark, Sweden, England, Finland, Canada iyo North America.

Waxa kale oo ay Wasaaradu qabanaysaa tartankii Ciyaaraha Gobollada ee sanadka 2009. iyadoo ay Xukuumaddu qorshaheedii waddo, sidii Caasimadda dacaladeeda looga sameyn lahaa Garoomo Dhallinyaradu ku Ciyaarto, si loo dardar geliyo Ciyaaraha (Sports) oo uu ku jirto jidhka iyo Maskaxda Caafimaadka qabtaa.

Caafimaadka:
Mudanayaal & Marwooyin, Xukuumaddu si hagar la’aan ah ayey uga hawlgashay horumarinta adeegyada Caafimaadka bulshada, waxaana loo dejiyey maamul fulin iyo ilaalin tayada adeegyada caafimaad ee dalka, taasi oo loo sameeyey istraatiijiyad wax lagaga bedelay qaab-dhismeedkii hore ee urursanaa loona beddelay hab-maamul fidsan oo wada gaadhaya dhammaan bulshada illaa heer tuulo.

Waxa horumar wayn laga gaadhay kor u qaadka xaaladda caafimaad. Xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay la tacaasho shubankii asiibay 5313 qof oo ay 58 ka mid ahi shubaankaasi u dhinteen, waxaanu shubankaasi si rasmi ah inooga dhammaaday dabayaaqadii 2007.

Xukuumaddu waxay dayactir iyo ballaadhinba ka fulisay dhammaan lixda gobol ee Somaliland, waxana qaybo cusub oo qaliin ah laga hirgeliyey Cisbitaalada Hargeysa, Boorama iyo Burco.
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxaa la keenay qalab qalliin oo casri ah iyo Warshad soo saarta Oxygiinta, oo Dawladda Kuweit inagu caawisay.
Cisbitaalka Ceerigaabo waxa laga sameeyey xarun shaybaadh oo casri ah iyo laba waadh oo lagu daaweeyo cudurka Qaaxada. Waxa hadda gacanta lagu hayaa wajigii labaad ee balaadhinta isbitaalka gabilay

Waxa la furay cusbitaalka degmada Badhan, waxaa sidoo kale la dhisay Cusbitaalada degmooyinka Oodweyne, Ceel-afweyn iyo Saylac. Waxaa lagu kordhiyey 10 xannaano (Health Centres) iyo 10 rugo caafimaad (Health Posts) lixda Gobol ee Somaliland.

Xukumaddu iyadoo ka duulaysa siyaasada Caafimaadka Qaranka Xoogana saarasya ka hor taga iyo xakamaynta cudurada faafa, waxay hir gelisay Barnaamij lagu yareynayo khatarta Cudurada Dilaaca iyo Saamaynta ay cudurada faafaa ku leeyihiin horumarka mujtamaca Somaliland. Kuwaas oo kala ah : Barnaamijka Xoojinta tallaalada Cuduradda Dilaaga Dhallaanka iyo Hooyada iyo Barnaamijka Xakamaynta Cudurka Duumada;

Xakamaynta Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS
Sida la wada og yahay, Cudurka HIV/AIDS-ka waxa loo aqoonsadey aafo culus oo heer caalami ah oo aan ku ekayn xuduud, midab, caqiido, jinsi iyo da’ gaar ah, balse wada saameeyay (haba kala darnaadeene) guud ahaan bulshooyinka ku dhaqan wadamada kala duwan ee dunida ee aynu sida joogtadda ah macaamilka iyo isu-socodka ula wadaagno.

markii dalka Somaliland laga dareemay jiritaanka cudurka HIV/AIDS- ka waxay Xukumadda Somaliland, Abuurtay Komiishan ka shaqeeya HIV/AIDS-ka. 15kii September 2005, ayaa si rasmiya loogu dhawaaqay, Komiishanka Qaranka ee HIV/AIDS. Dedaaladda Xukuumadda oo kaashanaysa bulshada rayidka ah iyo taageeradda hay’addaha Caalamiga ah qaarkood, waxay suurta galisay in lagu guulaysto arrimaha ay ka mid yihiin:
• tababaridda shaqaalaha ka hawlgala goobaha adeegyadda caafimaadka,
• qalabaynta iyo horumarinta shaybaadhadda cusbitaaladda,
• furidda xarumo daawayn, talo-siin & daryeel oo ka furan dhamaan gobolada dalka. kuwaas oo lagu diyaariyey adeeg caafimaad & daawooyin kala duwan oo lacag la’aan ah,, iyo
• wacyigelinta guud ee mar walba dadweynaha loo jeediyo.

Waxa la isku raacsan yahay in saboolnimadu ka mid tahay arrimaha ugu culus ee ka qayb qaata faafiddda cudurka HIV/AIDS-ka. Sidaa awgeed waxaan deeq bixiyayaasha iyo hay’addaha caalamiga aha ugu baaqayaa inay u hagar-baxaan taageeradda farsamo, aqooneed iyo tan maaliyadeed ee dawladda iyo shacabka Somaliland uga baahan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, daryeelka iyo taakulaynta bulshadda tabaalaysan, si ay uga badbaadaan halista HIV/AIDS.

Dawladda Somaliland waxa mar kastaba ka go’an in aanay ka daalin, isla markaana qaado talaabo kasta oo lagama maarmaan u ah xakamaynta HIV/AIDS- ka, ilaa inta laga tirtiraayo cabsida uu bulshada ku hayo cudurkaasi.

Waxaan ummadda Somaliland ku dardaarayaa inay ka feejignaadaan dhaqanada fududayn kara faafidda cudurka. Waxa kale oo aan farayaa inay naxariis u muujiyaan, soona dhaweeyaan dadka xanuunku haleelay ee bulshadda ka midka ah, sida diintu inagu waajibisay.

Taabo Gelinta Garsoorka iyo Caddaaladda
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa xaqiiqo lagama gudbaan ah in aanay Dimuqraadiyaddi meelna ka jirin haddii aanay Xeerarku hagayn ama aan Dastuurka la kor yeelin ( Rule of Law). Xeerarkaasi oo ay ka sii farcamaan dawyadda lagu hanan karo himilda ummada talada iska leh inta ilaahay ka sokaysa; waxa aan cidna ka qorsoonayn in aanay suurta gali karayn haddii aan la helin Garsoor madax banaan oo xalin kara khilaafaadka dhex yimaada Hay’adaha Dawliga ah iyo Muwaadinka.
Mudanayaal iyo Marwooyin, Iyada oo ay tahay waajib Qaran in la balaadhiyo garsoorka laguna fidiyo guud ahaan dalka oo dhan, si ay dadweynaha ugu fududaato helida garsoorku ayaa sanadkii 2007dii laga furay Maxkamadaha 15 degmo oo aan hore u lahayn garsoor. Sidoo kale, waxa la balaadhiyay Maxkamada sare oo lagu daray 4 (Afar) garsoore oo cusub iyo Maxkamadaha Racfaanka iyo gobollada oo iyana la kordhiyay tirada Garsoorayashooda, ka dib markii la garawsaday baaxada ay leedahay hawsha ay gacanta ku hayaan. Sidoo kale, waxa la abuuray Guddida Kormeerka xabsiyada oo ka kooban Wasaaradda Cadaalada, Taliska Ciidanka Asluubta, Guddida Xuquuqda Aadamaha Qaranka, Guddida Shuruucda ee Baarlamaanka, Ururada Wadaniga ee Bulshada Rayidka ah, UNDP iyo WHO.

A). Maxaabiista:
Iyadoo xil la iska saarayo xuquuqda maxaabiista maadaama xorriyadii laga qaaday daryeelkoodana Xukuumada Waajib ka saaran yahay, ayaa la kordhiyay Raashinka Maxaabiista 150%, tusaale ahaan halkuu awal ka ahaa 2000 Maxbuuskii waxa hadda laga dhigay 5000 Maxbuuskiiba.
B). Xabsiyada:
Dhismayaasha Xabsiyada waxaa dib loo hagaajiyay xabsiyada Berbera, Mandheera, Gabilay iyo Xabsiga weyn ee Hargeysa oo isaga dib loo dumiyay dhismihiisiina haatan dhammaad ku dhow yahay.
C). Barnaamijyada:
Waxaa iyana joogto u socda Barnaamijka Tababarada ee Ciidanka Asluubta oo ku aaddan hirgelinta shuruucda, Ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo nabad gelyada xabsiyada. Waxaa la dhamaystiray qorshaha horumarinta caddaalada oo shan sano ah, kaas oo hoos imanaya qorshaha guud ee Horumarinta Qaranka, kuna aadan dib u habaynta iyo tarjumida shuruucda, kobcinta awooda, sida dhismayaasha, Gaadiidka, Qalabka Xafiisyada iyo Isgaadhsiinta.

Gurmad Roobabkii Dabaylaha watay ee ka da’ay Dalka
Mudanayaal & Marwooyin, Xukumaddu waxay Gurmad ka gashey khasaarihii ay keeneen Roobab Dabaylo watey oo ka da’ay meelo ka mid ah Dalka Sanadkii 2007 sida, Degmadda Allaybadey, Balli-Cabane, Baki, Boon, Berbera iyo Ceegaag, iyadoo Xukumadu gurmad u gashey sidii dadkaa wax loogu qaban lahaa, iyadoo kaashaneysa Hay’addaha Caalamiga ah, waxaana dhamaan deegaanadaas la gaadhsiiyey Raashin, Weel, Baco, Biyo dhaamis sida :-

Degmadda Allay baday:-

Xukumaddu waxay Gurmad degdeg ah ka gashey Degmadda Allaybadey, si wax looga qabto masiibooyinkaa ku habsadey deegaankaasi, waxaaney ugu deeqday, 500 qoys raashinkood, 90 saacadood oo loo qoday balliyaddii jabay, 20 Mishiin oo kuwa biyaha ah iyo 1000 mitir oo tuunbooyin biyaha soo qaada ah.
Bali Cabane iyo Gumar:-
Sidoo kale Xukumadu waxay ka hawlgashey Dadkii khasaaruhu ka soo gaadhey Roobabkii ka da’ey Balli-Cabane iyo Gumar, kuwaas oo ay Dawladu gaadhsiisey , 300 qoys Raashinkood, Baco iyo darmooyin, waxa kale oo loo dhisey sadex fasal oo dugsi hoose ah.
Baki Iyo Boon:-
Xukumada iyadoo waajib saaran ay tahay ka warhaynta, Daryeelka, iyo waxa u qabashadda shacbigeeda, waxay gurmad u fidisey Baki iyo Boon, iyadoo la gaadhsiiyey 150 qoys raashinkood, baco iyo bustayaal, waxa kale oo la dayac tiray dugsi hoose iyo Xarunta hooyadda iyo dhalaanka.
BerBera:-
Sidaa si la mid ah roobabkii dabeylaha watey ee ka da’ey Gobolka Saaxil, waxay xukumadu gaadhsiisey 300 qoys raashinkood, weelka maacuunka, bustayaal iyo Bacaha guryaha lagu dhisto.
Ceegaag:-
Waxa kale oo ay xukumadu gurmad ka gashey Ceegaag, waxaana la gaadhsiiyey 250 qoys raashinkood, 3 Bilood oo biyo dhaamis ah, iyo 20 Musqulood oo loo dhisey.

Khayraadka Dibad galka, Dooxyada iyo Nabaad Guurka, La dagaalanka Biyo La’aanta

Mudanayaal & Marwooyin, Xukuumaddu waxay sanadihii u danbeeyey culayska saartey dejinta siyaasada lagu hagaayo biyaha iyo sidii shacbiga Somaliland ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo nadiif ah, waxaana jira mashaariic qabsoontay iyo kuwo kale oo u qorsheysan in la fuliyo wakhtiga soo socda, waxaana ka mid ahaa Mashaariicdii la fuliyey:-
28 Ceel Cusub oo ku baahsan Gobolladda Dalka
16 Ceel oo la dayactiray
23 Ceel oo u qorshaysan in la qodo
Waxyaabaha kale ee Xukuumaddu wax ka qabatey wax ka mid ah, sahanka Biyaha, illaa hada waxa la sahamiyay goobo biyood oo ku kala baahsan Dalka, si loo helo Biyo nadiifa oo ku filan dad iyo duunyada ku dhaqan Somaliland
A). Biyaha Caasimadda.
Waxa si wayn wax looga qabtey cabashadii biyaha ee ka jirtey Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay hadda yaraatey cabashadaasi, waxaana Xarumaha biyo soo saarka ee Caasimadda lagu soo kordhiyey Qalab Biyo soosaar oo cusub, kuwaas oo isugu jira Mishiino, Bamam iyo qalab kale, oo wax ka tari doona baahidii biyood ee ka jirtey Caasimadda.

Waxa dhinaca koonfureed ee caasimadda laga bilaabay biyo qodis oo tiraba saddex ceel la qoday hase yeeshee lagu hungoobay, ilaa haddana socota . iyadoo la adeegsanayo rig casri ah oo uu leeyahay Sheekh Xamdaan oo ah Ra’iisal Wasaare Xigeenka Dawladda Imaaraadka, kaas oo aan waydiistay markii aan safarka ku tegay sanadkii ina dhaafey.
Ceelasha lagu hungoobay ka sokow, waxa riigani biyo ka soo saaray lix ceel oo dhamaadey. Kuwaas oo 4 ka mid ah loo qoday waraabinta caasimada, labada kalena waraabinta Gobolka Gabiley

Gurmadka Abaaraha Dalka Saameeyay.
Mudanayaal iyo Marwooyin, Xukuumaddu waxay Gurmad ka gashay Abaaraha baaxadda leh ee soo food saaray dalka Somaliland, iyadoo Xukuumadda ugu deeqday taakulo dhan $ 270’000 (Laba Boqol iyo Todobaadan kun oo dollar) iyadoo loo qaybiyey 6-da Gobol ee Dalka oo dhan, iyadoo loo eegayo siday u kala baahi badnaayeen, Gobollada Barriga, Shacbiga Somaliland ee ku nool ee Abaaruhu ku habsadeen, waxa deeqdaasi gaadhsiiyay Wefti Madaxweyne Xiggeenku hogaaminayay, halka Gobollada Galbeedkana Wasiiro Xukuumadda ka tirsani ay taakullada gaadhsiiyeen.

Biriijyada iyo Waddooyinka Dalka.
Dawladdu, waxa kalooy wax weyn ka qabatay, Dhismaha biriijyada, Burco, Qoryaale, Biriijka labaad ee Hargeisa oo wali socda, Dhismaha Buundooyinka Boorame illa Caynabo, Dhismaha Waddooyin cusub oo laami ah Berbera illaa Caynabo, Dayactirka Biriijyada Dalka, Dayactirka joogtada ah ee Waddooyinka laamiga ah iyo Buundooyinka, waxa kaloo xusid mudan in Magaalada Hargeysa, kala badh Waddooyinkeedii si fiican loo dayactiray, inta hadhayna dhakhso loo hagaajin doono. Waxa kaloo Qorshaha mustaqbalka ee Waddooyinka ku jira, dib-u-dhiska dhamaystiran ee Berbera Corridor, dhismaha wadada Kalabaydh-Borama, dhismaha wadada Ina Afmadoobe- Ceerigaabo iyo dhismaha wadada Hargeysa – Oodweyne – Burco.
Madaarada Dalka.
Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa iyana wax weyn laga qabtay, Madaarada Dalka, iyadoo Madaarka Caasimaddu uu Habeenkii Shaqeeyo, nabad galyadiisana la adkeeyay, lana keenay qalabka dadku dhex maro ee lagu baadho, waxa kaloo lagu rakibay Kamarado habeen iyo maalinba shaqeeya, waxa lagu daray dhisme VIP Room ah oo Marti sharafta dibadda inooga timaada loogu tallo galay. Iyadoo Garroonka Berberana laga wado dhismayaal cusub. Waxa noo qorsheysan, mustaqbalka dhaw, in la kordhiyo Run-wayga Madaakra Hargeya, oo lagu daro illa 600 Mittir iyo dib u dhis lagu samaynayo Run-wayga, si ay ugu soo degaan Dayuuradaha (Jet-ka ah). Waxa la dayactiray oo hawlgalay dhamaan gaadiidkii dagdemiska madaarka Hargeysa. Waxa kale oo la soo iibiyey gaadiidka adeega madaarka dhexdiisa ku filan.

Kor ugu dhawaaqista cidda aynu nahay
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa aan shacbiga ugu bushaaraynayaa in muddo dheer aynu sugaynay Idaacad dalka iyo Caalamkaba Gaadha maanta in tijaabadeedii dhammatay, Waxa kale oo aad ogtihiin in telefiishannada Madaxa banaan ay Satalaydhka galeen, anigoo si gaar ah u hambelyaynaya oo leh magacii Qaranka ayaa kor u qaadeen ee magaciinu ha jiro.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan hore u sheegay iminkana ku celinayaa in Warbaahinta, Madbacadaha, War isgaadhsiinta iyo telefoonada sida aad wada ogsoon tihiin, waxa culimada qaarkood ku tilmaameen, Golaha Afraad ee Dawladda Dimuqraadiyadda ku dhisan ay leedahay, waayo, waxa ay kaalin wax ku ool ah oo lagama maarmaan ah ka qaataan geedi socodka horumarinta Umadeed sida kobcinta garashada bulshada, waxbarashada Ubadka, kor u qaadista dhaqanka Suuban iyo akhlaaqiyaadka, ka tarjumista baahida Ummadda, Siyaasadda dawladda iyo sii gudbinta afkaarta kala duwan, kor u qaadista haybadda qaran iyo nab-doonaanta Bulshada iwm, oo aanan halkan ku koobi Karin. Waxa kale oo ay ka mid yihiin illaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Guud ahaan, aniga oo aan cid gaar ah u jeedin, waxa kaalintaas sal iyo asaas u ah in ay run iyo xaqiiqo ay soo baadheen oo xirfad iyo aqoon ku salaysan u gudbiyaan wixii faa’iido ugu jirto Ummadda, in aanay noqon aalad lagu kala aargoosto, in aanay wax yeelayn shakhsi, qoys, qabiil ama dan qaran.
Mudanayaal iyo Marwooyin, in aynu ra’yiga isku khilaafno waa Dastuuri oo dan qaran baa ku jirta, balse in aynu caruurteena iyo ubadkeena Cayda, ceebaynta, beenta siyaasad aan nuxur iyo xigmad toona lahayn, waxa aan odhan karaa dhaqan guur iyo baaba umaddeed, waxa kaloo la yidhaa “Ummad aan dhaqan iyo wax ay ka xishooto lahayn waa Ummad aan jirin”.

Mudanayaal iyo Marwooyin, wax badan baa inoo qabsoomay, balse waxa geediga ku lumay wax aan lacag lagu qiimayn karin oo sida loo soo celin karo ay aad u dhib badan tahay, waxa aan maanta idinka codsanayaa (Bulsho weynta Somaliland, bahda Saxaafadda, Isgaadhsiinta, Siyaasiyiinta iyo nin kasta oo ra’yigiisa cabiraya) waar hubiya waxa aad odhanaysaan sida uu wax idiin yeelayo.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa aan idiin sheegayaa in Fiber Optic Cable, qaada macluumadka dunidu isweydaarsato, la dhex marin doono dalkeena, kaasi oo ka soo baxaya Badda Cas, una gudbaya Wajaale, oo hirgelintiisa ay ka wada shaqeynayaan labada Dawladood ee Somaliland, Ethiopia iyo Shirkad Maraykani, kaasi oo marka uu hirgalo bedelaya xag dhaqaale iyo xag shaqaba, wax weynna ka tari doona isku xidhka dibadda iyo gudahaba.

Aragtidayda ku aaddan himilooyinka wax-qabad ee mustaqbalka
Markaan intaa ku dhaafo xogwarankaas aan ku soo qaatay qaar ka mid ah wax-qabadkaygii mudadii u dhaxaysay labada shirweyne. Waxaan iminkana isku dayayaa in aan wax ka idhaahdo himilooyinka aan higsanayno inaan hirgalino mustaqbalka, waxa ka mi ah kuwan:

1. Joogtaynta & xooojinta amaanka, la-dagaalanka argigxisada iyo budhcad badeedda, tayaynta iyo qalabaynta ciidamada amniga

Muadanayaal & Marwooyin, Inkastoo wax badan oo la taaban karo laga qabtay dhismaha ciidamada amaanka, dhinacyada tababarka iyo qalabka hadana waxaa jira meelo badan oo u baahan in la sii horumariyo, taas awgeed, waxaa himiladaydu tahay dhamaystirka arrimaha laf-dhabarta u ah sugidda amaanka iyo la dagaalanka noocyada falalka argagixiso iyo budhcadeed badeeda. Kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• Kor u sii qaadida aqoonta xirfaeed ee ciidamada ee lagamamaarmaanka ah
• Kor u qaadida mushaharka iyo gunooyinka ciidamada si ay daryeel u helaan iyaga iyo xaasaskooda, agoomahooda iyo hawlgabkooduba , taas oo soo nooleeynaysa haybaddii ciidamada
• Casriyaynta Hubka & qalabka ciidamadu u adeegsadaan suggidda amniga dalka iyo sirdoonka (bad iyo beri)
• Dhamaystirka orgaanikada ciidamada iyo bixinta darajooyinka
• Dib-u-dhiska xarumaha tababarka iyo saldhigyada ciidanka

2. kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirigalinta maalgashiga soo saarista khayraadka dabiiciga ah

Mudanayaal iyo Marwooyin, sida aad ka warqabtaan, xukuumaddu waxay dedaal badan u gashay sidii maalgelin loogu heli lahaa soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena ceegaaga. Taasoo ilaa heer la dhaqaajiyey, balse marwalba ay caqabadda aqoonsi la’aantu hakinaysay. Si kastaba ha ahaatee, waxa himiladaydu tahay in mudnaanta koowaad la siiyo:
• dabagalka heshiisyadii maalgalineed iyo iskaashi ee xukuumaddu gashay.
• Dib-u-eegista siyaasadda & xeerarka la xidhiidha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga
• Horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha ee jira iyo dhisidda kuwo cusub, sida dekedaha, madaarada, wadooyinka, korontada iwm
• Tayaynta, casriyeynta, qalabaynta iyo kor u qaadida aqoonta iyo xirfadaha hawlwadeenada hay’adaha dhaqaalaha ee dawliga ah iyo rugta ganacsiga.
• Kor u qaadida tayada adeegyada Baanka dhexe ee Qaranka iyo dhiirigalinta abuurista baananka gaarka ah (kuwa ganacsi iyo horumarineed) iyo shirkadaha caymiska
• Dhiirigalinta maalgashiga warshadaha ku shaqaynaya alaabta caydhiin (raw materials) ee wadaniga ah, si kor loogu qaado fursadaha shaqo abuurista.

3. dardargalinta ololaha aqoonsi raadinta
Inkastoo xukuumad ahaan dedaal badan u galnay hanashada aqoonsi caalami ah, lana kasbadey saaxiibo badan oo ku qanacsan qadiyadeena, isla markaana aynu ku guulaysanay in aan iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo iyo macaamil heer dawladeed gaadhsiisan la yeelano dawladdo kala duwan, haddana, waxaa kutalagalkaygu yahay iyadoo la adeegsanayo istaraatijiyad cusub iyo xidhiidhada muhiimka ah ee hadda jira iyo kuwa cusub oo kale ee inoo fududayn kara gaadhista himiladeena inaan sii labanlaabno dedaalkaas inagoo sii xoojinayna kan jaararkeena ilaa aan hananayno guusha. Taas oo aan aaminsanahay inaanay dheerayn,

4. horumarinta adeegyada bulshada, samafalka iyo kaabayaasha dhaqaale

sida la wada og yahay wax wayn baa ka suuragalay soo noolaynta adeegyadii bulshada ee baaba’ay sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korontada iwm. In badan oo kalena way ina sugaysaa. Sidaa awgeed, waxan ahmiyad gaar siinayaa sidii qof kasta oo bulshada somaliland ka mid ahi uga haqab bixi lahaa adeegyada uu u baahan yahay miyi iyo magaalo meeshu doono ha joogee. Waxa himiladaydu tahay:
• ka haqab-tirka bulshada somaliland (sabool & maalqabeen) adeegyada caafimaadka iyo waxbarasho oo tayo leh oo lacag la’aan ah min heer qaran ilaa tuulo,
• ka haqab-tirka bulshada somaliland (miyi iyo magaalo) helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan iyaga iyo xoolahoodaba. Taas oo ay ku heli karaan sicir ay awoodi karaan. Iyadoo degmooyinka loo qodayo ceelal riig ah oo baajin kara gaadhi-gaadhi saarka xiliyadda jiilaalka
• Ka haqab-tirka bulshada somaliland (ilaa heer degmo) koronto sicirkeedu macquul yahay oo ay danahooda ku qabsadaan.
• In la abuuro xarumo samafal oo daryeel iyo waxbarasho loogu fidiyo caruurta agoomaha ah, kuwa dayacan iyo kuwa waalidkoodu aanu awoodi karin inuu kafaalo qaado noloshooda.
• Abuurista xarumo dhaqancelineed oo lagu barbaariyo caruurta qalqaaliga ah ee ku xadgudubta shuruucda;
• Samaynta iyo dayactirka jidadka (hadba intii suurtagal ah) iyo wadooyinka isku xidha dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka, degmooyinka iyo xarumaha gobolada si ay ugu fududaato suuqgaynta waxsoosaarkoodu dhaqaalahooduna u kobco.
• In tuulooyinka ku yaala xeebaha qaarkood laga dhiso dekedo yar yar oo ay adeegsan karaan kaluumaysatadu iyo qaboojiyayaal lagu ururiyo kaluunka inta sayladda ugu dhow laga gaynayo. Taas oo kor u qaadaysa dakhliga kaluumaysatada dadka magaalooyinka ku dhaqanina ka helayaan kaluunkii ay u baahnaayeen oo joogto ah.

5. tayaynta waxbarashada iyo tacliinta sare iyo abuurista & dhiirigalinta machadyada xirfadaha kala duwan.

Sanadba sanadka ka dambeeya waxa sii badanaya ardayda ka qalin jebinaysa dugsiyada sare iyo jaamacadaheena. Kuwaas oo marka loo dhabo galo aad moodo in tayadooda aqooneed aanay dhamaystirnayn marka laga yimaado tirada. Dhinaca kale, waxaa soo if baxaysa in kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaheena markii la abuurayay aan si buuxda loo sahamin heerka baahida (demand) iyo nooca aqooneed ee iib-galka ka ah sayladaha shaqaalaha (labour market) amase duruusta ardaydu qaadanayaan aanay daboolayn baahidi jirtay. Arrimahaas oo had jeer sababa in ardaygii jaamacada ka soo baxay ee aaminsanaa inuu wax soo bartay uu sayladda shaqada ka iib-bixi waayo. Taas oo ku keenta rajo-beel u horseeda tahriib ama inuu ku biiro inta balwadaha u qafaalan ee nolosha sagootiyay . si arrintaa loo toosiyo, waxa himiladaydu tahay:
• in la sameeyo daraasado dhamaystiran oo lagu sahaminayo noocyada xirfadaha kala duwan ee bulshadeenu u baahan tahay ee iib-galka ka ah sayladaha shaqada dalka, kana qayb qaadan kara horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.
• In la abuuro machadyada farsamada gacanta laga barto oo ay gali karaan ardayda ka soo baxda dugsiyada sare iyo kuwa dhexe. Sidoo kale la dhiirigeliyo samaynta xarumaha xirfad-barashada (vocational schools) ay wax ka baran karaan dhalinyarada aan fursadda u helin inay waxbarasho toos ah qaataan

6. jihaynta dhalinyarada iyo kor u qaadida fursadaha shaqada

la yaab malaha in shaqo la’aantu ku badato wadan ka soo doogay burbur laxaad leh oo ku dedaalaya inuu meel cidla ah wax ka yagleelo, aan haysan aqoonsi iyo taageero caalami ah oo wax soo saarkiisuna hooseeyo ama bilow yahay. Marka laga hadlayo shaqo la’aanta jirta, waxa dad badani canaanteeda dusha ka saaraan dawladda. Iyagoo laga yaabo inay maanka ku hayaan dhaqankii dawladdii somalia ee ahayd in ardayda ka soo qalin jabisa jaamacadaha iyo dugsiyada sare si toos ah looga shaqaalayn jiray wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Hadaba, waxa lagamamaarmaan in la fahmo in nidaamkeena dawladeed ee aynu qaadanay iyo kii ay ku dhaqmi jireen dawladdii somalia ay aad u kala gedisan yihiin dhinac kasta marka laga eego, taasina waxay ka mid tahay asbaabaha aan qaranimadeenii ula soo noqonay. Tusaale ahaan, nidaamkeena dhaqaale wuxuu ku salaysan yahay habka suuqa xorta ah ee tartanka ku dhisan; halka ay markii hore wax walba gacanta ku hayn jirtay dawladdu. Sidaa awgeed, maadaama ilihii dhaqaalaha oo dhan ay haatan gacanta ku hayaan shirkadaha ganacsi iyo adeeg ee gaarka ah (private sector) dawladuna ku kooban tahay ilaalinta sharciga iyo amniga;
shirkadaheena gaarka ah ee gacanta ku haya ilihii dhaqaalaha iyo adeegyada ayaa looga fadhiyaa inay fursado shaqo u abuuraan dhalinyarada ka soo qalin jabinaysa jaamacadaha. Gari Alley taqaane, waxa keliya ee dawladda lagu canaanan karaa waxa weeye inay shirkadahaas gaarka ah ku dabagasho shaqaalaynta dhalinyaradaas iyadoo loo tixgelinayo hadba baaxada shirkaddaasi leedahay.

Markaa arrintu sidaa tahay, waxaan aaminsanahay in culayska ugu badan la saaro sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo dhalinyaradu si cadaalad ah ugu tartami karo. Taas awgeed, waxa hankaygu yahay in la qaado talaabo kasta oo lagu kobcinayo guud ahaan dhaqaalaha dalka, halkaas oo ay ka abuurmi karto fursado shaqo. Waxa kale, oo kutalagalku yahay in aan balaadhino isla markaana tayayno waaxda shaqada ee Wasaaradda Caafimaadka hoos timaada si ay u gudan karto waajibaadyada u yaala ee la xidhiidha nidaaminta iyo horumarinta shaqada iyo shaqaalaha.

7. Gacan qabashada iyo dhiiri galinta wax-soosaarka beeraha, kaluumaysiga iyo Xoolaha.

Aduunyada dal waliba wuxuu ku xisaabtamaa wax soosaarkiisa wadaniga ah oo uu ku tiirsan yahay. Beryahan dambena waxaaba bilaabmay in dawladihii raashinka soo saari jiray ay yareeyaan ama joojiyaan raashinkii ay dhoofin jireen. Taas oo sababtey in maciishadu kor u kacdo dunidda oo dhan. Arrintaasi waxay saamayn laxaad leh ku yeelanaysaa nolosheena, haddii aynaan ka tabaabushaysan hadda.

Ilaahay wuxuu inagu manaystay deegaan baad iyo biyoba leh oo ay si wanaagsan ugu dhaqmi karaan dadka iyo xooluhuba, hadii aynu xanaanayno oo baabiino seerayaasha iyo ceshiimooyinka aynu ka oodanay xoolihii daaqi lahaa, kan ootayna wax la sheegi karo aanu ka intifaacsan. Waxa kale oo Alleh ina siiyay dhul-beereed dihin oo carro-san ah oo haddii xataa aynu ku qodano dibidii dhaqanka inoo ahayd aynun waxsoosaarkooda ku baahi bixi karno. Waxa intaa dheer, oo iyana in Alleh loogu mahadiyo muddan, xeebta laynagu galadey ee qaniga ah. Maadaama inta aan soo sheegnay oo dhami jiraan waxa inaga dhimani waa tacab aan la nimaadno oo hadba intii suurtagal ah wax ka qabano.
Muhimadda waxsoosaarka la quudanayaa leeyahay darteed, waxa himiladaydu tahay:
• In la sameeyo barnaamijyo lagu hagaajinayo degaanka si loogu soo celiyo nabaadkii iyo mankii uu lahaan jiray, taas oo ku iman karta in dhulka baadiyaha moosas lagu xidhxidho si biyaha dhulka korkiisa cararaya ugu nagaadaan, loona yareeyo khasaaraha degaanka ka soo gaadha biyahaas.
• In dalka laga furo baanankii horumarinta ee maalgalinayay khayraadka beeraha, kaluumaysiga iyo xoolaha, suuqna u raadin lahaa wax soo saarkooda.
• In la baabiiyo seerayaasha iyo ceshiimooyinka aan meel dayin ee dhulka miyiga ah laga ootay.
• In suuqyo cusub loo raadiyo wax soo saarka wadanka ka soo baxa.

8. Tayaynta xil-gudashada hay’adaha dawladda iyo daryeelka shaqaalaha

Lama dafiri karo in wasaaradaha iyo hay’adaha gaarka ah ee dawladu ay si joogto ah u fuliyaan waajibaadyadoodii shaqo ee ay u xilsaaraayeen. Iyadoo ay sidaas tahay, hadana ma dhaliil la’a. Sidaa darteed, waxa ku talagalkaygu ku aaddan yahay:
• Kor u qaadida mushaharka iyo gunadda shaqaalaha dawladda qaataan, hirgalinta siyaasadda hawlgabka shaqaalaha (pension policy) iyo badbaadada shaqaalaha.
• Joogtaynta tababarada xirfadeed iyo aqoon kororsi heer kasta oo tahay ee shaqaalaha dawladda.
• Casriyeynta qalabka shaqada iyo kor u qaadida bilicda goobaha shaqada ee hay’adaha dawladda .
• Kordhinta saacadaha shaqada iyo joogtaynta kormeerka shaqo gudashada shaqaalaha dawladda

Guntii iyo gaba-gabadii,
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa waajib innagu ah, si aan u gaadhno, himillada iyo mustaqbalka ay ummadani innaga sugayso, in aan guntiga dhiisha isaga dhigno, muujino masuuliyad wadareed, muwaadin kasti, waxa ku waajiba ah in uu u fikiro, kana shaqeeyo wada jirka Somaliland Dal iyo dad ahaan oo isku dhan, waxaanan inagga waaninayaa, in aan ka fogaano, wax kasti oo turxaan ah, ha ahaato odhaah, ha ahaato ficil, wada jirka iyo midnimada Shacabka Somaliland.

Xukuumaddu, waxay marksti ballan qaadaysaa in ay sii waddo xoojinta amniga, Xidhiidhka walaaltinimo ee jaararka iyo ka midho dhalinta Raadinta Aqoonsiga Madaxbannaanida Qaranimada Somaliland.

Beesha Caalamka, waxaan ugu baaqayaa in ay ka jawaabaan baaqyada ay Ummada Somaliland ka codsanayso in ay aqoonsi ka helaan, mar haddii aan buuxinay shuruudihii dal lagu aqoonsan lahaa.

Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu dalka ugu sii wado Nabadgelyada iyo Horumarka uu maalinba maalinta ka sii dambeysa ku tallaabsanayo.

Somaliland Guul, Somaliland Guul, Somaliland Guul,
Xisbiga UDUB GUUL, Xisbiga UDUB GUUL, Xisbiga UDUB GUUL

“Ilaahoow noo hiili, hankayaga iyo himiladayadana noo hirgali”.

Allaa Mahad Leh
Wabillaahi Tawfiiq.


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: