Toggaherer’s Weblog

JAAMACAD LAGAGA DHAWAAQAY BERBERA & PROF ABDI HAYBE OO GUDOOMIYE KA NOQDAY

Posted on: February 5, 2009


JAAMACAD LAGAGA DHAWAAQAY BERBERA & PROF ABDI HAYBE OO GUDOOMIYE KA NOQDAY
Magaalada Madaxda G/Saaxil Berbera ayaa dhowr jeer hore laysku dayey inay ka hirgasho Jaamacad uu gobolku yeesho ,si loo tayeeyo korna loogu qaado heerkeeda waxbarasho oo ardayda ka soo baxdaa Dugsiyada Sare ay ku helaan Gobolkooda iyagoo degan waxbarashadii sare ee heerjaamacadeed ahayd. 

Hadaba waxaa lagu qabtay Xaflad hoolka Kuliyadii Culuunta badda Berbera, waxaana ka soo qayb galay gudida maamulaysay kulliyada iyo Aqoonyahano ,masuuliyiin Heer Gobol Iyo heer degmo , ardayda G/Saaxil qaar ka mida iyo marti sharaf badan,Xafladan oo lagaga dhawaaqay in sanadkan iminka bilaabmay 2009 kulliyadii culluumta Badda loo bedelay jaamacad uu Gobolku yeesho , laguna soo kordhin doono qaybihii kala gedisanaa ee cilmiga ee jaamacadaha lagu baranjirey,waxaa sidoo kale xafladaasi laysku raacay in jaamacadan cusub Gudoomiye looga dhigay Prof Cabdi Haybe oo isugu Gudoomiye hore ugu soo noqday jaamacada Hargaysa.

Xafladaas waxaa ka hadlay aqoonyahano iyo masuuliyiin iyagoo aad ugu dheeraday faa’iidada jaamacada lagu qabay markii hore khaasatan qaybta Culuumta Badda oo iminka Jaamacadan in la sii kordhiyo Qaybtan looga baahanyahay, iyadoo hantida kaliya ee aynu maanta haysnaa ay tahay badda xeebteena ee dhererkeedu yahay 900 km, iyadoo ay yaranayaan maanta xoolihii aas-aaska inoo ahaan jirey dhaqashadiisu sidaa daradeed.waa in ka faa’iidaysnaa Kalluunka baddaheena ku jira ayey sheegeen Masuuliyiintii Xaflada ka hadashay…..

Iyadoo dhamaan Aqoonyahankii iyo Masuuliyiintii xafladaa ka hadashay ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in Kuliyadan jaamacad loo bedelo, kana warameen marxaaladahii kala duwanaa ee ay soo soo martay kuliyada asaaskeedii ilaa maanta oo aynu ku guulaysanay ayey yidhaahdeen inay jaamacad isu bedesho oo aan filayno in wax weyni iska bedeli doonaan sidii ay ahayd kuliyadu markii hore,waxaanay ka codsadeen dadweynaha ku dhaqan G/Saaxil Gaar ahaan Berbera Masuuliyiintooda iyo aqoonyahankooda inay si hagarla,aana ula shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Jaamacada Berbera Prof Cabdi Haybe kuna fara adaygaan sidii ay aqoontiisa iyo Maamulkiisa uga faa,ideysan lahayeen..

Adan Yusuf Elmi. UK


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: