Toggaherer’s Weblog

GUDOMIYIHII HORE EE GOBOLKA EE UCID XASAN SULDAAN CABDILAHI OO KU BIIRAY XISBIGA UDUB

Posted on: February 5, 2009


GUDOMIYIHII HORE EE GOBOLKA EE UCID XASAN SULDAAN CABDILAHI OO KU BIIRAY XISBIGA UDUB

Hargeysa 02 Feb 2009 ToggaHerer
Gudoomiyihii hore ee gobolka ee xisbiga Ucid Xasan Suldaan Cabdilahi Suldaan Cabdi Rahxmaan ayaa si toos ah u sheeciyey in uu ku biiray xibal xukuumiga ee Udub, sidaa waxa uu ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay Hudheelka Crown ee magalada Hargaysa waxaanu ugu baaqay taageerayaashii iyo dhamaan shacbiga Somaliland in ay taageeradooda siiyaan xisbiga Udub waxaanu yidhi sida tan “Maanta waxan ku biirayaa si cadna ugu muujinayaa shacbi weynaha reer Somaliland hadaan ahay Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan inaan aan ku biirinayo xisbiga Udub sida ugu dhakhsaha badan dhaq-dhaqaaqaygii siyaasadeed, kartidaydii siyaasadeed oo aan bar bar istaagao xisbiga bahoobey ee UDUB oo uu aas-aasay alla ha u naxariistee halyaygii Maxamed Ibraahin Cigaal ee ahaa halyayada faro ku tiriska ahaa ee Afrika maantana uu midhihiisii hayo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka midhi dhaliyey halkii Marxuumkii inagaga tegay.” Ayuu yidhi Xasan Suldaan.

Xasan Suldaan Cabdilaahi waxaa kale oo uu ka hadlay doorashada soo socota ee dhawaan la filaayao in ay dalka ka qabsoonto ayaa sheegay in aan maanata mar-marsiinyo laga dhaigan in aan kalsooni lagu qabin Komiishanka “Ragga leh kuma kalsoonin komiishanka, komiishanku sharci ayuu ku fadhiyaa, Xeer No 20 uu ansixiyey baarlamaanka ummadu kalsoonida ku soo dooratay, markaa ma aha in maanta mar-marsiinyo laga dhigto mar haddii doorashadii kaabiga soo saarantay. Nin kastana wixii wixii barnaamija ee uu dalka ku hagaayo ayaa looga fadhiyaa.” Ayuu yidhi Xasan Suldaan.

Xasan Suldaan waxaa uu sheegay in ay jiraan rag badan oo dhawaan ku soo biiri doonaan xisbiga UDUB “Waxaan ku soo afmeerayaa shirkaygan jaraa’id in aan xuso rag badan oo miisaan leh, waxgarada oo siyaasiyiin ah muddo dhaw oo aan iyaga laftooda wada socono oo aad iyo aad u badan fikirkana aan ka midaysnayahay oo ragii hal-doorka dalkan ahaaya aad arki doontaan in ay isugu iman doonaan Xisbi Xaakimka.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebo-gebeeyey Xasn Suldaan.

Warqabadka togaherer
Haragaysa


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: