Toggaherer’s Weblog

DARAWAL OO CABAAREEYEY SHIRKA UDUB EE GARABKA RIYAALE & WAJIYADI HORE OO ISA SOO SHARAXAY

Posted on: February 5, 2009

DARAWAL OO CABAAREEYEY SHIRKA UDUB EE GARABKA RIYAALE & WAJIYADI HORE OO ISA SOO SHARAXAY

Hargeysa 05 Feb 2009 ToggaHerer

Cabdillaahi Darawal Oo Cambaareeyay Shirweynihii UDUB

Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hore ugu dhawaaqay inuu xisbiga UDUB gudihiisa uga tartami doono in loo doorto murashax Madaxweyne, ayaa cambaareeyay shirweynihii xisbiga UDUB ee shalay hoggaanka xisbiga iyo murashixiintaba loogu doortay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Cabdilaahi Darawal oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay Geeska Afrika waxa uu sheegay in shirkaasi yahay mid dimuqaadiyaddii loo diiday, wixii shirkaa kasoo baxayna ay ka masuul yihiin dadkii ka qaybgalay, “Waxaan u sheegayaa dadweynaha danaynaya shirweynaha UDUB in waxyaabihii aan ka dayrinayay ay kasoo baxeen, waxaanan u arkaa wax sharci darro ah oo cay ku ah dadka halkan degan, waxaana masuuliyadeeda leh dadka halkaa la isugu keenay, hana ogaadeen inay dhaxal carruurtooda u tahay taasi.”

Cabdillaahi, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Waxyaabaha ugu daran ee aad moodo in dalku meel halis ah ama kalitalis uu mar labaad gacanta u galo sababta u ah waxa ka mid ah dadweynaheenii oo aan fahamsanayn dawladdu waxay tahay, oo markaad kasoo qaado hoteeladii inta loo tagay la yidhi cid kale wax haka iibina anaga mooyaane, taas oo runtii ah dadka oo aan aqoonin xuquuqda ay wadanka ku leeyihiin iyo xuquuqda iyaga lagu leeyahay, dhaxalsiin doontana maalinta dambe in la yidhaahdo soo dhaafa meesha oo furayaasha keena.”

Ugu dambayn Md. Darawal, waxa uu sheegay inaanay isaga iyo kooxdiisu toona ogolayn natiijada shirkaas ka soo baxday, waxaanu yidhi “Qoladayadii UDUB ee marka horeba laga afduubay shirka, waxaanu u sheegaynaa in aanaan ogolayn oo aanu u aragno waxa kasoo baxay sharci darro, aanu u aragno qaabkii xisbigii Hantiwadaaga loogu ciyaari jiray, oo loo diiday dimuquraadiyadda dhexdiisa ahayd in laga shaqeeyo iyo in uu qof kalmad kasoo celiyo oo uu yidhaahdo wax hala ii caddeeyo.”

Saddexdii Weji Ee Hore Oo Doorashadii Isugu Soo Noqday

Saddexdii siyaasi ee Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Siilaanyo, Faysal Cali Waraabe ee sannadkii 2003 ku tartamay hoggaanka madaxtinimada Somaliland ayaa mar labaad isugu soo noqday doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la qoondeeyay inay qabsoonto 29 March, 2009.

Saddexdan siyaasi oo ka kala socday xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID, waxa doorashadii 2003 dhex maray loolan adag oo uu mid waliba dedaal ugu jiray sidii uu ugu guulaysan lahaa hoggaanka qaranka Somaliland, laakiin waxa ay guushii raacday Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo hoggaaminayay xisbiga UDUB. Saddexdaas siyaasi ayaa maanta mar labaad si rasmi ah dib ugu soo noqday saaxadda loogu baratamayo madaxtinimada dalka iyagoo metelaya xisbiyada ay madaxda u yihiin, waxaana u dambeeyay Madaxweyne Rayaale oo uu xisbiga UDUB shalay u caleemo saaray murashaxa Madaxweyne ee xisbigooda.

Shacabka Somaliland ayaa u muuqda kuwo ku jaho-wareersan wejiyada mar labaad dib ugu soo noqday saaxadda, waxaanay dadku taas u aanaynayaan nidaamka dimuqraadiga ah oo aad ugu yar gudaha xisbiyada, “Wax aan kala doorto anigu ma garanayo, sababtoo ah waxa dib iigu soo noqday wejiyadii hore. Anigu midna codkayga siin maayo, waayo waxay ahayd in wejiyo cusub la helo.” Sidaas waxa yidhi Axmed Iid Xuseen, oo ah wiil dhallinyaro ah oo xiiseeya siyaasadda balse u muuqda inuu ku jaho wareersanyahay saddexda siyaasi ee shan sanno ka dib dib u soo noqday, “Anigu waxaan u malaynayaa malaha qolooyinka xisbiyada haysta ee madaxda ka ahi waxay caayayaan garaadkayaga. Sidee ayay isu siiyeen inay mar labaad iyagii dib noogu soo noqdaan.” Ayuu yidhi Mr. Axmed, oo dareenkiisa uga waramayay saxafi ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika.

Nimco Xaaji Geele Axmed, oo ah gabadh dhallinyaro ah oo meherad ku haysata magaalada Hargeysa ayaa iyaduna ka hadlaysa dareenkeeda la xidhiidha arrintan, waxaanay tidhi, “Saddexda xisbi ha sii kala darnaadeene, midna laguma tilmaami karo dimuqraadi, waayo waxa horfadhiya oo arrimahooda goynaya saddex hoggaamiye. Waxaan aad uga calool weydsanahay halka ay ku dambayn doonaan siyaasiyiinta hamiga leh ee saddexdan xisbi u garbo duuban.”

Axmed Maxamed Jaamac, oo ah arday ka soo laabtay dalka dibadiisa oo uu ku soo dhammaystay waxbarasho jaamacadeed, ayaa isaguna yidhi, “Waa run oo dalku isbedel ayuu u baahanyahay, laakiin isbedelku waa noocee? Isbedelku iskama yimaado ee waa shay hoosta ka soo bilaabma, markaas ninka isbedel dalka la doonayaa waa inuu xisbigiisa ka soo bilaabaa. Laakiin anigiina isbedel inaan sameeyo ma doonayo, dalkana isbedel ayaan la doonayaa isma qabtaan.”

Eng. Maxamed Cali Xirsi, oo ah aqoonyahan Hargeysa degen oo ka soo laabtay jaamacad dibadda ah ayaa isna yidhi, “Dimuqraadiyadu waa sallaan la koro, laakiin xisbiyadeena waxa ka muuqata in halkii sallaanka dimuqraadiyadda laga sii kori lahaa hoos looga soo daadegayo sallaankii, markaas wax macno ah anigu uma arko doorashada ay mar labaad ku soo noqdeen wejiyadii hore.”

Waxa laga warqabaa khilaafaadka la xidhiidha dhinaca awooda ee xisbiyada gudahooda ka taagan. Tusaale ahaan xisbiga UDUB oo shirweynihiisa shalay soo gunaanaday waxa ka dhex jiray khilaaf ba’an, iyadoo siyaasiyiin miisaan leh oo isu sharaxay xilalka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen shirkii laga reebay. Sidoo kale toddobaad ka hor waxa laga warqabay muran iyo buuq ka dhashay shirkii golaha dhexe ee xisbiga UCID oo ay ergo tiro badani ka dareertay ka dib markii ay sheegeen in shirkii la maroorsaday. Sidoo kale dhawr bilood ka hor ayaa waxa isna jiray khilaaf ka dhex qarxay xisbiga KULMIYE, markii uu qabsaday shirkiisii golaha dhexe, iyadoo siyaasiyiin miisaan leh iyo taageerayaashoodiiba shirkii ka dareereen, ka dib markii ay sheegeen in shirkii la afduubay.

Si kastaba ha ahaate, waxa muuqda dareen isa soo taraya oo ka imanaya dadka shacabka ah iyo dad siyaasiyiin ahba oo la xidhiidha saddexda xisbi ee ay ka shidaal qaadato siyaasadda Somaliland, kuwaas qawadsan islamarkaana tilmaamaya in aanay xisbiyada Somaliland weli u bislaan nidaamka Dimuqraadiga ah.

Geeska


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: