Toggaherer’s Weblog

Posted on: February 5, 2009

SHIR LAGU FURAYO OLOLAHA MAALMAHA CAFIMADKA CARUURTA OO MAANTA KA DHACAY LAASCAANOOD

Laascaanood 02 Feb 2009 ToggaHerer

waxaa maanta ka dhacay guriga gobolka sool ee magalada laascaanood shir si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday waaxyaha caafimaadka sida hay’adaha WHO,UNICEF,iyo wasaarada caafimaadka ee J somaliland,oo barri ka bilaamaya magalada laascaanood iyo guud ahaanba sool

shirkan ayaa waxaa xadhiga loogaga jaray hawlgalka loogu magac daray maalmaha caafimaadka caruurta (children health days) oo ah masruuc lagula dagaalamayo islamarkaana lagu talaalayo caruurta oo lagaga hortagayo cudurada dilaaga ah ee saameeya caafimaadka caruurta iyo hooyada.

xafladaasi oo ka dhacday guriga gobolka sool ayaa waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay madaxa talaalka ugu qaabilsan wasaarada caafimaadka somaliland oo halkaasi ka sheegay faa’idada hawshan ay xambaarsatahay,sido kale waxaa halkaasi ka hadashay madaxa hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ee gobolka sool mrs XALIIMO XASAN CALI (UGAASO) oo ka warbixsay ujeedada hawsha maalmaha caafimaadka caruurta iyo sida looga fulinayo gobolka iyadoo halkaasi ka sheegtay arimo fara badan oo ku saabsan in laga faa’iidaysto ololahan.

sidoo kale waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyey agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka j somaliland mr ANWAR oo sheegay sida ay muhiim u tahay inay waalidiintu talaalaan caruurtooda waxaana uu sheegay in dunida oo dhan uu talaalku ka yahay bilaash oo kaliya labada wadan ee kala ah SOMALIA IYO AFQAANISTAAN sidaasi awgeed looga baahan yahay in aanu si fudud ku dhaafin jaaniskaasi gobolku uu maanta haysto.

ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha maamulka gobolka sool mudane CALI MAXAMUUD AXMED (CALI SANDULE) oo soo gabagabeeyey shirka isagoo halkaasi ka balan qaaday inuu maamulkiisu talaabo ka qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay is hortaagto ololahan ka dib markii loo soo jeediyey inay jiraan dad mar walba isku daya inay carqaladeyaan ololahan oo kale waxaana uu ugu baaqay ciidamada jiidaha jooga inaysan dhib u gaysan baaburta sida hawlwadeenada ee ka shaqaynaya meela ciidanka u dhow oo aan laga shakiyin

wariye axmedsaakin faarax warsame

laascaanood,somaliland
axmedsaakin@hotmail.com


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: