Toggaherer’s Weblog

YAA LAGU WADAA IN UU NOQDO LOONA MAGACAABO RA’ISAL WASARE XUKUUMADA SHARIIF MADAXDA KA YAHAY

Posted on: January 31, 2009

 

YAA LAGU WADAA IN UU NOQDO LOONA MAGACAABO RA’ISAL WASARE XUKUUMADA SHARIIF MADAXDA KA YAHAY

 

Djibouti 31 Jan 2009 ToggaHerer
Iyadoo laga dhawraayo maalmaha soo socda madaxweynaha la doortay Shariif Sheekh Axmed in uu soo magacaabo R/Wasaare Cusub ayaa la hadal hayaa in ay soconayaan wada tashiyo uu kaga dhigayo R/wasaarahaasi Maslax Max’ed Siyaad Barre oo wareeggi u danbeeyay shariifka kula loolamay tartanka ama Cali Khaliif Galaydh, isaga oo tixgelinaya hanaanka awood qaysbiga ee ku dhisan 4.5 ee dastuurka u degsan KMG 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in madaxweyne Shariif sheekh Axmed uu kulamo la leeyahay xubno kala duwan oo uu kala tashanayo hanaanka ay tahay in uu usoo magacaabo R/wasaaraha.

General Maslax Max’ed siyaad Barre ayaa ah Taliyihii Ciidanka Guutadii loo yaqaan 77 ee Rajiimkii Afweyne Barre isaga oo intii xukunka laga tuuray Aabihii aan lagu arag masrax Siyaasada Somalia sidoo kalena ah nin Danbiile ah oo Tacadiyo Badan ka Geystay una Geystay Shacbiga Somalida intii uu Abihii Haystay kuna amar ku taaglayanay Xukunka Somaliya.

Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa Ah isna Ra’isal Wasarihii Xukumadii Carta ee Saqiirtay ee C/qaasim Salaad Boy isaga oo ka yimi Wadanka Maraykanka badanka ayaa Dr Galaydh la maqlaa ama la arkaa Wakhtiyada ay jiraan Shirar Somalida loo qabto.

Xafiiska Warqabdka ToggaHerer Djibouti

ToggaHerer Staff:Saleebaan Ibraahim Iyo Maxamed Muse

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: