Toggaherer’s Weblog

SHEEKH XASAN AWEYS WAX MACNO AH KUMA FADHIDO NATIIJADDA KA SOO BAXADAY SHIRKA JIBUUTI

Posted on: January 31, 2009

SHEEKH XASAN AWEYS WAX MACNO AH KUMA FADHIDO NATIIJADDA KA SOO BAXADAY SHIRKA JIBUUTI

Asmara 31 Jan 2009 ToggaHerer
Gudoomiyaha Isbahysiga dib u xoreynta garabka Asmara Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa wax aan micno ku dhisnayn ku tilmaamay natiijadii ka soo baxday Shirkii ka socday dalka Jabuuti oo madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay Sh Shariif Sh Axmed .

Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta garabka Asmara Sh.Xasan Daahir Aweys oo waraysi siiyey teleefishanka ku hadla afka carabiga ee Al-Jazeera ayaa waxaa uu ku sheegay in shirka Jabuuti iyo wax ka soo baxay ba aysan wax macno ah ugu fadhin isaga iyo inta la ra,yi ah madax weynaha loo doortay sh shariif iyo haddii cid kale ay ku soo bixi lahayd.

Sh. Hassan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in doorashada madax weynanimo ee loo doortay Sheikh Shariif laga leeyahay dano gaar ah oo salka ku haya in mabaadiida diineed ee ay xanbaarsan yihiin shacabka Soomaaliyeed laga leexiyo

Sheikh Xassan Daahir Aweys iyo Sheekh Shriif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay aad u kala foogaadeen ilaa iyo intii uu Sh. Shariif Sheikh Axmed iyo qaar ka mid ah madaxdii Isbahaysiga ay wada xaajood la fureen DFKM iyagoo wada hadaladaas oo inta badan ka dhacayey dalka Jabuuti ay Isbahaysiga garabka Jabuuti ay sheegeen in ay guul ka soo hoyeen guushaas oo ah in ciidanka Itoobiya dalka si nabad gelyo ah ay uga baxeen.

Maxamed Muse

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: