Toggaherer’s Weblog

SHEEKH SHARIIF OO KU GUULEYSTAY DOORASHADA IYO MASLAX SIYAAD OO GALAY KAALINTA 2 AAD

Posted on: January 31, 2009

SHEEKH SHARIIF OO KU GUULEYSTAY DOORASHADA IYO MASLAX SIYAAD OO GALAY KAALINTA 2 AAD

Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa waxaa uu ku guulaystay xilka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh ka helay barlamanka isku dhafka ah ee Soomaaliya ee ku shiray Djibouti.

Musharixiinta uu la tartamay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaadhayeen ilaa 11-musharax iyadoo wareegii ugu horeeyay ee codeynta ay soo baxeen ilaa 6-musharax oo kala ah Cali Qaliif Galeydh oo helay cod gaadhaya 31,Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna helay cod gaadhaya 215-cod,Nuur Cadde,oo ku guulaystay 59-cod,Maslax Max’ed Siyaad Barre 60-,Max’ed Cusmaan Aadan 25,iyo C/raxmaan Guulwade oo isagana ku guuleystay 10-cod.

Wareegii labaad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo hadhay 6-daasi musharax iyadoo ay hadheen 5-tii Kale,waxaana markii uu wareega labaada bilowday ku dhaawaqay in uu doorashada isaga hadhay Cali Khaliif oo goobta cod bixinta ka sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa halkaasi ku dhawaaqay in u isga hadhay tartanka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo sidoo kale Max’ed Cusmaan Adan oo isna ka hadhay tartanka iyadoo uusan goobta tartanka wareegii labaad soo xaadirin C/raxmaan Guulwade taasoo keentay in gudoonka baarlkammaanku ay sheegeen in uu ka hadhay tartanka.

Gudoomiyaha barlammaanka Sheekh Adan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in wareegii labaad loo badalayo kan sedaxaad maadaama ay isugu soo hadheen Sheekh Shariif iyo Maslax Max’ed SIyaad Barre isla markaana cod dheeri lagu guulaysanayo.

Kadib markii ay in mudo ah socotay codaynta ayaa waxaa ay labada musharax kala heleen codad kala gaadhaya Maslax Max’ed Siyaad oo helay 126-cod iyo sheikh Shariif Sheekh Axmed oo isna ku guulaystay 293-cod taasi oo sababtay in ay soo afjaranto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur oo hagayay doorashadii Caawa ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ku guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii uu ka cod badiyay Maslax Max’ed Siyaad Barre oo isagu kaalinta labaad ka galay doorashadii caawa ka dhacday Jabuuti.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo markii lagu dhawaaqay doorashadiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay nabadda raadin doonaan islamarkaana ay wadamada dariska ah ay soomaaliya nabad kula noolaandoonto,isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan aheeyn meel caalamka looga duulo laakiin ay tahay meel ay ku noolyihiin dad masaakiin ah oo u baahan in la taageero.

Kadib markii lagu dhawaaqay doorasahada madaxtinimada Soomaaliya in uu ku guulaystay ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay rasaas xoogan oo mar qudha is qabsatay taasi oo loogu dabaaldagayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafladda dhaarinta madaxwaynaha ayaa la filayaa in ay maanta 9,00 subaxnimo ka dhacdo hotelka Kampisi iyadoo dhaarta kadib Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa waxaa uu ku guulaystay xilka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh ka helay barlamanka isku dhafka ah ee Soomaaliya ee ku shiray Djibouti.

Musharixiinta uu la tartamay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaadhayeen ilaa 11-musharax iyadoo wareegii ugu horeeyay ee codeynta ay soo baxeen ilaa 6-musharax oo kala ah Cali Khaliif Galeydh oo helay cod gaadhaya 31,Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna helay cod gaadhaya 215-cod,Nuur Cadde,oo ku guulaystay 59-cod,Maslax Max’ed Siyaad Barre 60-,Max’ed Cusmaan Aadan 25,iyo C/raxmaan Guulwade oo isagana ku guuleystay 10-cod.

Wareegii labaad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo hadhay 6-daasi musharax iyadoo ay hadheen 5-tii Kale,waxaana markii uu wareega labaada bilowday ku dhaawaqay in uu doorashada isaga haray Cali Khaliif oo goobta cod bixinta ka sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa halkaasi ku dhawaaqay in u isga hadhay tartanka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo sidoo kale Max’ed Cusmaan Adan oo isna ka haray tartanka iyadoo uusan goobta tartanka wareegii labaad soo xaadirin C/raxmaan Guulwade taasoo keentay in gudoonka baarlkammaanku ay sheegeen in uu ka hadhay tartanka.

Gudoomiyaha barlammaanka Sheekh Adan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in
wareegii labaad loo badalayo kan sedaxaad maadaama ay isugu soo hareen Sheekh Shariif iyo Maslax Max’ed SIyaad Barre isla markaana cod dheeri lagu guulaysanayo.

Kadib markii ay in mudo ah socotay codaynta ayaa waxaa ay labada musharax kala heleen codad kala gaaraya Maslax Max’ed Siyaad oo helay 126-cod iyo sheikh Shariif Sheekh Axmed oo isna ku guulaystay 293-cod taasi oo sababtay in ay soo afjaranto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur oo hagayay doorashadii Caawa ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ku guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii uu ka cod badiyay Maslax Max’ed Siyaad Barre oo isagu kaalinta labaad ka galay doorashadii caawa ka dhacday Jabuuti.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo markii lagu dhawaaqay doorashadiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay nabadda raadin doonaan islamarkaana ay wadamada dariska ah ay soomaaliya nabad kula noolaandoonto,isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan aheeyn meel caalamka looga duulo laakiin ay tahay meel ay ku noolyihiin dad masaakiin ah oo u baahan in la taageero.

Kadib markii lagu dhawaaqay doorasahada madaxtinimada Soomaaliya in uu ku guulaystay ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay rasaas xoogan oo mar qudha is qabsatay taasi oo loogu dabaaldagayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafladda dhaarinta madaxwaynaha ayaa la filayaa in ay maanta 9,00 nsubaxnimo ka dhacdo hotelka Kampisi iyadoo dhaarta laga sugayo madaxwaynaha Somalia in uu ka qayb galo kulanka 12aad ee dalalka Africa oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee xarunta midawga Africa.

Wariye Saleebaan Ibrahim
DJibouti

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: