Toggaherer’s Weblog

DOORASHADII MADAXWEYNANIMO EE SOOMALIA IYO SIDAY AY U DHACDAY

Posted on: January 31, 2009

DOORASHADII MADAXWEYNANIMO EE SOOMALIA IYO SIDAY AY U DHACDAY

Hargeysa 30 Jan 2009 ToggaHerer

Doorashadii madaweynanimo ee dalka Soomalia ee caawa ka socotay dalka Jabuuti ayaa iminka soo gaadhay wareegii ugu horeeyey taas oo si hawl yar uu u helay codkii ugu badnaa Sh.Shariif Sheekh Ahmed halka uu ku xigay Maslax Maxamed Siyaad oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomalia .

Daqiiqado kadib ayaa waxaa ka tanasulay tartankii musharaxnimo Pro Ali Khalif Galayd taa soo aad loogu sacabiyey dabadeed break time la qaatay dabadeed waxaa isna jagadii uu u tartamayey ka tanasulay Nuur Xasan Xussen kaas oo ahaa raisal wasaarihii dawlada Somalia ahaana ninka ka shaqeeyey arinta dib u heshiisiinta.

Kadiba markii la soo guda galay xiligii wareega labaad ayaa si toos ah waxaa fagaaraha u yimid Cabdiramaan Cabdi Xuseen (Gulwade) oo ahaa musharax ku cusub saaxada siyaasada kadib markii uuu u mahadnaqay xilidhbaanada baarlamaanka uuna yidhi aniga oo aan hore abaabul u samayn diyaargawgayguna uu aha amid liita saaxada siyasana aan ku cusubahay awgeed waxaa ka tanaasulay musharaxnimadii madaxweynanimo ee dalka Somalia.

Daqiiqado kadib waxa uu gudoomiyuhu ku dhawaaqay in uu ka baxay holka shirka musharax Maxamed Axmed Cali (Ibse) oo ahaa isna musharaxiintii u soo gudbilahaa wareega labaad taas oo markii la waayey telphone lagula hadlay yidhina anigu waan ka baxay shirka waanan ka tanaasulay musharaxnimadaydii.

Kadib waxa uu sheegay gudoomiyaha Baarlamanka Somalia in mar hadii ay tanaasul sameeyaan musharxiinta badidoodu iskuna soo hadhaan laba musharax sida dastuurku dhigayo waxaa loo gudbayaa wareegii sadexaad oo si too ah loogu tar tami doono taas oo aan la mari doonin wareeg labad.

Hadeerto waxaa isku soo hadhay laba musharax oo kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo
Maslax Maxamed Siyaad Bare.

Wareegii koowad iyo tirooyinka ay kala heleen xildhibaanda musharaxiintu:-

1. Cabdiramaan Cabdi Xuseen (Gulwade) 10 Cod
2. Axmed Xaashi Maxamuud 9 Cod
3. Cali Xaashi Dhoore 2 Cod
4. Cali Khaliif Galeyr 31 Cod
5. Cawad Axmed Cashara 5 Cod
6. Maslax Maxamed Siyaad 60 Cod
7. Maxamed Axmed Cali (Ibse) 25 Cod
8. Muuse Macalim Yuusuf 4 Cod
9. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) 59 Cod
10. Sheekh Shariif Sheekh Axmed 215 Cod
11. Yuusuf Cumar al-Azhari 2 Cod

Wareegii sadexaad oo lagu kala baxaayey iyo cida isu soo hadhay:-

1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
2. Maslax Maxamed Siyaad Bare

Warqabadka togaherer
Kobanhegen
Denmark

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: