Toggaherer’s Weblog

ALSHABAAB MA LAHA MABDA WAXAY YAQAANAAN INAY WAX DILAANMADAXWEYNE GEELLE

Posted on: January 30, 2009

ALSHABAAB MA LAHA MABDA WAXAY YAQAANAAN INAY WAX DILAANMADAXWEYNE GEELLE

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle oo dalkiisa uu marti gelinayo shir weyne ballaadhan oo lagu dhisayo Dowlad qaran oo Soomaaliya ay yeelato ayaa markii u horeysay rajo wanaagsan ka muujiyay Madaxweynaha cusub ee la soo dooranayo.

Madaxweyne Geelle oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in Madaxweynaha la dooranayo uu helo taageero caalami ah oo looga baahan yahay Beesha Caalamka.

“Madaxweynaha Soomaaliya ee la doorto hadii la siiyo taageero caalami ah oo hagar la’aaneed wax wuu qaban karaa, sidoo kalena la siiyo awoodo dhaqaale oo uu waajibaadkiisa ku gudan karo, hadii ay intaas timaado wuu dejin karaa dalka”ayuu yidhi Madaxwene Ismaaciil Cumar Geelle 

Geelle ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Madaxweynaha la doorto uu wax badan ka qaban doono xaalada dalka oo muddo 18-sano ay ragaadiyeen dagaalo daba dheeraaday, waxaana uu farta ku fiiqay in lagama maarmaan ay tahay in nabad uu ku soo dabaalo.

Mar uu ka hadlay wax laga weydiiyay sida uu u arko Kooxda mayalka adag ee Alshabaab oo khatar ku ah jiritaanka Dowladda isla markaana dhowaan sheegtay in wax aan diinta Islaamka aheyn ku xukumeyn Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Alshabaab aanay diinta waxba ka garaneyn.

Waxaa uu ku eedeeyay Alshabaab inay yihiin kuwo aan lahayn mabda’ aan ka aheyn in ay wax dilaan “waxba kama yaqaanaan Diinta, kaliya waxay garanayaan in wax la dilo”ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle oo aad u cambaareeyay hab dhaqanada Ururka Alshabaab oo ah garab milateri oo si weyn uga dagaalama Soomaaliya.

Maanta ayaa lagu wadaa inay Magaalada Jabuuti lagu doorto Madaxweynaha Dowlad midnimo qaran ee Soomaaliya kaasoo ay u taagan yihiin musharaxiin aad u cad cad waxaana la ogeyn cida ku soo bixi doonta, iyadoona Dowladda Jabuuti ay ku dadaaleyso sidii uu midho dhal u noqon lahaa Shirka Jabuuti oo markii hore ku soo bilowday heshiis la dhex dhigay Mucaaradka iyo Dowladda KMG, kaasoo aakhirkii lagu gaadhay in la dhiso Dowladda Wadaag.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: