Toggaherer’s Weblog

MADAXDHAQMEEDYO BARI SANAAG KA MID AH OO KALA NOQDAY KALSOONIDII XISBIGA UDUB

Posted on: January 29, 2009

MADAXDHAQMEEDYO BARI SANAAG KA MID AH OO KALA NOQDAY KALSOONIDII XISBIGA UDUB

Hargeysa 28 Jan 2009 ToggaHerer

Shan iyo labaatan caaqil oo mid ah cuqaasha bariga Sanaag ayaa maanta bayaan ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen Madaxweyne Dahir Riyale iyo xibigiisa Udub.
Iyaga oo ku eedeeyey in uu u soo cumaamaday beeshooda suldaan ayna raali ka ahayn.

Bayaanka 25 ka caaqil ayaa waxa ay ku sheegeen in uu baryahan Dahir Riyaale faraha kula jiray arimaha madax dhaqameedayda waxaanay in badan cuqaashu ay shirkan kaga wada hadlayeen suldaan cusub oo ay xukuumda Somaliland ay soo dhoob dhoobaysay taas oo ay ku bur buriyso danaha iyo isku doobnida beeshaas iyo waliba dalka .

Waxaany ugu baqeen xukuumda Somaliland in ay ka waantawda faragalintaas ay wado .
Waxaana halkaasi ka hadlay caaqil Maxamed Xasan Cumar oo ka mid aha waayeelka iyo wax garadka ayaa waxa hadaladiisi ka mid aha sida tan.

“Waxaamu ka hadlaynaa qadayan ka soo cusboonaatay Hargaysa qadiyadaas oo ah wiilkan yar ee Hargaysa wiilkaasoo ula kac Somaliland Riyaale iyo Cid wehelisa oo uu ka mid yahay Cismaan Buurmadaw ay soo siiyeen Saldano suldaanimo aanaanu ogayn taas oo ay joogtay cuqashii Sulaadiintii aya joogtay Baarlamankii ayaa joogay wasiiradii ayaa joogay taas oo aanu waxba ka ogayn taas aynu ka hadlayna kana cabanaynaa ”

Caaqil Maxamed oo ka hadlay in uu kalsoonidii kala noqday xukumada Madaxweyne Riyaalena waxaa ka mid ahaa
“kalsoonidii waanu kala noqonay waxaana nagu kaliftay dantayadii ayaanu ka qaynin ” iyada oo dhamaanba ay cuqaashu isku wada raaceen in faraha kala baxdo waxan ay wado iyada oo maalmaha dambe ay jirto ayaa maanta beeshaasi waxa si rasmi ah u cadaysay in ay ku birtay xisbiga kulmiye.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: