Toggaherer’s Weblog

C/LAAHI DARWAL IYO AXMED SANDOON OO KU DHAWAAQAY IN XISBIGA UDUB LAGA BADBAADIYO BURBUR

Posted on: January 29, 2009

C/LAAHI DARWAL IYO AXMED SANDOON OO KU DHAWAAQAY IN XISBIGA UDUB LAGA BADBAADIYO BURBUR

Hargeysa 29 Jan 2009 ToggaHerer
Labada Musharax ee dhawaan ku dhawaaqay in Ay jagada M/weynanimo in ay uga tartamayaan Xisbiga UDUB gudahiisa ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la badbaadiyo Xisbiga UDUB lagana Badbaadiyo Burbur ku yimaada Xisbiga UDUB.
Md C/laahi Xuseen Darawal iyo Axmed Sandoon ayaa War-saxafadeed ay soo saareen u qoranaa Sidatan:

“Anaga oo ah Axmed Sandon Xasan iyo Cabdilahi Xuseen Iiman (Darawal), labada musharax ee ilaa hadda isu soo taagay tartanka Madaxweynenimo ee xisbiga UDUB dhexdiisa, waxaanu cid kasta oo ay khusayso la socodsinaynaa qaar ka mid ah farsamooyinka guracan ee milgaha iyo Maamususka ka fog, kana soo horjeeda karaamada ummaddnimo distoorka & xeerarka kale, hanaanka dimuqraadiyadda, xeerka axsaabta No: 14, xeerka doorashooyinka iyo xeer hoosaadka xisbiga UDUB.

Haddii aanu in yar dib ugu noqono sooyaalka taariikheed ee Somaliland, waxa la meel mariyay 31/5/2001 aftidii distoorka qaranka oo soo afjaray xiligii xukun beeleedkii ku dhisnaa Axdi beeleedka, iyada oo la adeegsanayo distoorka qaranka ayaa la dhaqan geliyey xeerkii & gudigii xulista axsaabta/ururada siyaasadda & xeerkii & gudigii Doorashooyinka qaranka si loo helo tartan doorasho oo xor & xalaal ah, dedaalkii faraha badnaa ee ummadda reer Somaliland u gashay dib u yabyabkii qaranka SomaliLand, waxay ujeedada iyo dulucdiisu ahayd in la helo hogaan qaran ummadda u horeeda ka soo kabashada dhaawacii cuslaa ee naf iyo maalba lahaa ee ka soo gaadhay halgankii qadhaadhaa ee ummaddu u gashay ka xorowgii xukunkii faashiga ahaa & la soo noqoshadii madaxbanaanidii ka luntay 1960-kii.

Xisbiga UDUB oo ay musharax u yihiin Daahir Rayaale Kaahin & Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ku guulaystay hogaaminta dalka. tartanka hogaanka waxa marwalba loo adeegsanayay distoorka, xeerka axsaabta, xeerka doorashooyinka, xeer-hoosaadyada axsaabta & adeegsiga hanaanka dimoqraadiyadeed ee caalamka. Kadib markii uu ku guulaystay hogaaminta dalka, xisbiga UDUB waxa horyaalay talada ummada oo dhinac kasta ka ragaadsan, una baahan in la isu geeyo awooda iyo imkaamiyaadka dhaqaale bulsho & taageerada bulshada caalamka si looga soo kabto burburka ku dhacay ummada reer Somaliland. Xisbiga UDUB, si uu u hanto kaalintiisa hogaamineed, waxa haboonayd in uu adeegsado barnaamij siyaasadeed hufan oo qeexaya arrimaha siyaasadeed/dhaqaale. Nasiibdarro, Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka (Daahir Rayaale & Axmed Yuusuf Yaasiin) ee uu saaray xisbiga UDUB waxay duuduubeen, seleda xashiishkana iskaga rideen hogaankii xisbiga, wada tashiga, xeerkii & barnaamjikii siyaasadeed ee xisbiga UDUB, labada masuul waxay lixdii sano ee ay xilka hayeen adeegsadeen caqliga & cilmiga ku jira labadooda shakhsi oo kali ah, dhaliisha ay ummada reer Somaliland dusha ka saaraysay xisbiga UDUB, waxay dummadooda tahay labada hogaamiye,(Daahir Rayaale & Axmed Yuusuf Yaasiin) oo kali ah.

Xaaladahaa aan soo sheegney iyo kuwo kale oo aanu ka gaabsaney awgeed, waxa labada masuul ku wanaagsanayd in ay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo yabyabi lahaayeen habkii & hanaankii xisbiga UDUB. Nasiib darro , waxay kashaqaynayaan abaabul & diyaarin shir weyne xisbi oo u jeedada ay ka leeyhiin tahay in ay farsameystaan sidii ayku noqon lahaayeen musharaxa Madaxweyne & Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga .Si arrintani ugu meel marto, waxay magacaabeen gudi qabanqaabo oo ka kooban 5 wasiir & 5 xubnood oo ah gudi fulin , ay xusheen, Madaxweyne ku –xigeenkuna gudoomiye u yahay, waxa weli talinayaa waa labadooda oo keli ah, waxay meel iska dhigeen oo ay baalmareen gudidii fulinta, Golihii dhexe & xeerkii maamul ee xisbiga UDUB.

Sidaas dareed waxaanu ku wargelinaynaa golaha-Guurtida, Golaha Wakiillada, Komishanka-Doorashooyinka qaranka , Akaademiyada nabada & horumarka iyo garsoorka dalka oo dhamaantood ku soo tabcay arrimaha dimuqridiyada in ay ku barraarugaan xaaladda uu ku suganyahay xisbiga UDUB, Madaxweynaha & ku-xigeenkiisana loo sheego in aanay xisbiga u horseedin burbur iyo in uu ka baxo saaxadda siyaasada. Ugu danbayn, waxaanu gudiga fulinta & Golaha dhexe ee xisbiga UDUB ee daawanaya xaaladda foosha xun ee xisbigu ku suganyahay iyo godka madow ee uu u socdo, ku baraarujinaynaa inay hurdada ka toosaan oo ay isu abaabulaan sidii ay u badbaadin lahaayeen xisbiga UDUB, socodka hanaanka Dimoqraadiyada & fayo qabka qaranimadda SLand. Sidaas darteed , waxaanu soo jeedinayanaa in la qabto shir Gole dhexe oo degdeg ah oo looga wada hadlo xaaladda uu ku sugan yahay xisbiga UDUB.”


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: